Maxaa dadkeena sidan u galay? (W.Q. Nuur Xaaji Xiiray)

 

Su’aal iga wareerisay waxa ay tahay “maxaa dadkeenii sidan u galay?”

Caways dhawayd, annaga oo cishaa’i ka nimid, ayaan oday waydiiyey su’aashan. Wuxuu iigu jawaabay sidii aynu dawladnimada u qaadanay lixdankii waynu sii burburaynay uun. Wax inaga dhaca mooyee wax inoo kordhaa ma uu jirin. Sidaana waxa inoo galay hunguriga dadkeena.

Qaar baa moodaya in ay dad inoo nool yihiin. Horaa loola kacay badankoodii intii hadhayna weerar baa ku socda. Qaar baa marka ay cimaaradaha la taagtaagay arkaan moodayaa in hormar la gaadhay. Hormarku maaha birta oo la horumariyo, laakiin horumarka dhabta ahi waxa weeye insaan damiir leh oo aad si dhab ah dhisto.

Nin dadkan wax tahriibiya ah ayaa yidhi “marka aan maddaarada ku soo dhaweeyo dadka iska badowda ah, waxaan arkaa dumarka iyo carruurta oo la ashqaraarsan dhalaalka. Aniguna waxan ka naxaa sida ay uga war la’yihiin masiibada gudaha taalla.

Akhristow ma og tahay maanta haddii aad qof arrin isku qabataan in ayna jirin cid idin kala saaraysaa wadaad iyo waranle. Mar haddii arrinku caynkaa yahay waa maxay nolosha kuu hadhay?

Nin baa iiga sheekeeyey laba reer oo beeralay ah oo arrin isku qabtay. Wuxu yidhi reer baa xoolahoodii ay daaqeen beer ay reer kale leeyihiin. Reerkii beerta lahaa waxay xeraysteen xoolihii beertooda khaladka ku daaqay. Oday baa reerkii xoolaha lahaa ku yidhi in xoolihiina la idinka xeraystaa waa khalad. Dadkii maqlayey markii uu sidaas lahaa ayaa qaar ka mid ahi haddana waxa ay dar Ilaahay ula kulmeen odaygii oo la joogay reerkii beerta lahaa oo ku leh “baga ayaad xoolaha xeraysateen!”

Miyaad la yaaban tahay sheekadan? Ha la yaabin waa dhab eh. Dad baaba mushahar ku qaata sidii ay dadka isugu diri lahaayeen una kala fogayn lahaayeen- waayaha ayaa i baray. Sida ka muuqata hab-dhaqanka jira, waxay u eg tahay in aan dadka laba xukumi karayn haddii aan la kala fogayn (divide and rule).

Nin waayo’arag ah oo ka mid ah dadka inta badan xallinta arrimaha ka qaybqaata ayaanu arrin ka wada sheekaysanay. Wuxu igu yidhi “ma og tahay haddii la isku qabto arrinkan aynu maanta ka wada hadlayno in cid kala saaraysaa ayna jirin.

Waar waxa aynu u baahanahay in aynu toosno oo hareeraheena eegno. Ha noqon dameeri dhaan raacaday ee toos. (Wake up before it is too late!).

Nuur Xaaji Xiiray
nur.hersi21@gmail.com