“Maxaa ereyga ‘akademiye’ looga dhigi waayay erey Soomaaliyeed?” W/Q: (Cabadlla Cumar Mansuur)

Intaanan ka jawaabin weyddiintan, bal marka hore aan wax yar dad xasuusinno 4ta hab ee loo adeegsaday erybixinta Soomaaliyeed.

  1-Waxaa la abuuray ereyo lammaanan, oo aan horay u jiri jirin, kuwaasoo ka kooban labo ama in ka badan erey, oo wadajirkooda samaynaya micna cusub, oo ka duwan midka asalka ah, sida:

ilays+raac > ilaysraac (phototropism),  kul+beeg > kulbeeg (thermometer)

hidde+sid+e > hiddaside  (gene), il+ma+qabato > ilmaqabato (microscope)

   2-Erey jiray oo lagu lifaaqay dibkabe (-e, -ee, -tooyo, -aysi iwm) si uu u sii ballaarto ereygaa micnihiisi hore, sida:

agaasin + e > agaasime (director), jihee + ye > jiheeye, (compass), madax + tooyo > madaxtooyo  (presidency), dukaan +aysi > dukaamaysi,  (shopping) iwm.

  3-Ereyo aan waxba laga beddelin qaabkooda, oo micnahooda la ballaariyay, kuwaasoo la xiriira dhaqanka miyiga, oo micnahooda meelo uga eg ereyada cusub ee shisheeye, kuwaasoo lagu kordhiyay micno kale ee cusub, sida:

unug (cell) wax aan hore u jirin oo la curinayo, billawga ugu horreeya.

dhig (meridian) ulo dhaadheer, jil iskula duuban, qaab qaanso leh oo aqal Soomaaliga lagu dhiso

  4-Ereygii loo waayay in lagu Soomaaliyeeyo 3daa hab ee aan kor ku soo xusnay, amaba ah erey caalami ah, waxaa la qaatay ereygaa oo sidiisa ah, isagoo la waafajinayo codaynta af Soomaaliga, sida:

fisikis, akademiye, naxwe, juqraafi, ogsijiin, farmasi, barnaamij, fan, kosaayn, kimistri, siyaasad iwm.

   Sideedaba, way adagtahay in la arko af aan lahayn ereyo laga soo ergaday af kale. Ka soo qaad afafka reer galbeedka, waxaa ka buuxa ereyo ay ka soo ergadeen af Carbeedka, sida:

Af Ingiriisiga: sugar/Talyaaniga: zucchero (السكر); Ing.: coffee/Tal.: Caffe/ Finnish: kahvi (قهوة); Ing. alcohol, Tal. alcol;  (الكحول); Ing.: cotton/Tal.: cottone (قطن); Ing.: chemistry/ Tal. Chimica (الكيمياء)

Xitaa, af Carbeedku wuxuu leeyahay ereyo asalkooda ka soo jeeda af Ingiriisiga, sida: academy (أكاديمية), oxygen (أكسجين), scenario (سيناريو،), televisión (تلفاز), geography (جغرافية)

  Haddaba ereyga Akademiye,  oo ka mid yahay ereyada caalamiga ah, oona loo waayay erey Soomaaliyeed ee lagu beddelo, haddaynu haatan niraahno aynu beddelno, maxaan ka yeelnaa boqollaalka erey magaalo ee shiisheeye ee ka mid noqday qaamuuska af Soomaaliga, sida: shaati (Imgiriisi), baasto (Talyaani), rooti (Hindi), sarkaal (Iiraani), bariis, canjeero, sambuus, moos, timir, magaalo, beled, suuq, raadiyo, telefon,  diyaarad, miis, xisbi, xafiis, askari, wasiir, batari, kursi, digsi, dowlad, waddani..

Sida horayba loo yiri: “Miro guntiga kugu jira looma daadsho mid geed saaran”, inta aan ku dadaali lahayn beddelaadda ereyadaas hore, oo waqti aan iskaga lumin lahayn, sow kama habboona in xoogga la saaro baadigoobka ereyo u dhigma ereyada casriga ah ee aadka u fara badan, oo weli u ooman af Soomaaliga? Ereyadaas waxaa ka mid ah:

Model, oral tradition, mentality, jam, evolution, software, digital, electronic, icon monotonous, context, footnote, workshop, kayboard, parking, display, workshop, mouse, overview, sidewalk, display, fashion

Erey la kari waayay in lagu beddelo erey Soomaaliyeed, in sidiisi loo qaato dhib ma lahee, waxaase aan habboonayn in ereyo shisheeye lagu beddelo ereyo Soomaaliyeed ee horay u jireen, sida ereyada soo socda ee shisheeye oo ku dhow in ay barabixiyaan kuwa Soomaaliyeed ee ku ag qoran.

Luqad = af; iskuul = dugsi; milix = cusbo; beed = ukun; ok = hagaag, kifaax = halgan; seminar = tababbar; wiig = toddobaad; barber = timajare, restaurant = makhaayad iwm.

Intaa, waxaa ka sii daran markaad aragto in aqoonyahannada, siyaasiyiinta, culimada diinta iyo dadweynaha kaleba ay caadaysteen, in aad u yar mooyee, in tirado sanndka lagu sheego af Ingiriisi uun. Waxaa la yaab leh, oo ayaan darro ah in la la‘yahay cid, tiradii af Soomaaliga sidaa loo dayacay, ka dhiidhido, haddana laguna doodo hal erey shisheeye oo af Soomaaliga ka mid noqday.

Qore: Prof. Cabadlla Cumar Mansuur