Maxaa iiga baxay heshiiskii xukuumadda iyo Xisbiyada? (WQ: Nuuradiin Ibraahim Aw Cabdi “Diini”)

Xukuumada, Xisbiyada mucaaridku waxa ay maanta ku heshiiyeen waxa iiga soo baxay dhawr Su’aalood oo u baahan in laga jawaabo, sidoo kale waxa iiga soo baxay carqalado waaweyn oo iisii muuqda.

1 Komishanka Doorashooyinka ee Cusub waxa muuqata in la liiday oo la yasay waayo aragnimadooda lana yidhi wax ka barta Komishankii hore oo farsamo ahaan ka shaqayn doona Doorashada, taasi ma aqbali doonaan in ay Arday u nodaan Komishankii hore?

2 Komishankii hore ee hore loo eedeeyay, lana diiday in ay Doorasho qabtaan, hadda ma aqbali doonaan iyaga oo Farsamo yaqaanaa oo aan Komishan ahayn in ay shaqeeyaan?

3 Baarlamanku ma aqbali doonaa heshiiskan madaama oo ay yihiin Sharci dajintii dalka sharcigoodiina lagu kordhiyay heshiis aan ahayn Xeer baarlamaan?

4 17 xubnood ee hawsha doorashada qabanaaya sidee loo xalinayaa wixii khilaafaada ee dhexdooda ka abuurma, maadaama oo ay qabanayaan shaqo adag oo dhexdeeda layskaga hor iman karo?

5 Sidee ayay u dhawrsanaanaysaa xogta Doorashadu maadaama oo ay iska hoos shaqaynayaan Komishanka  Cusub iyo Komishankii hore?

 

Bal su’aalahan iiga jawaaba iyo xalalkooda.