Maxaa innagu cusub? (Astaamaha Dib-u-dhaca)
- Qof jecel in lagu ammaano oo lagu maamuuso waxaanu mutaysan
- Masuul aan u shaqaynin bulshadiisa laakiin u shaqeeya Madaxweynaha
- masuuliyiin shaqadooda ugu badani ay tahay ka-qeyb-gal xaflad iyo ballan-qaad aanu awood u-lahayn fulinteeda
- qof aan ganacsi lahayn, hanti buuranna lahayn, laakiin ku taajira xilka uu umadda u hayo.
- xisbiyo hadal-jecel oo hawl-neceb
- Siyaasiyiinta Axsaabta oo sawir ku tartamaysa
- Shirarkii Jaraa’id oo la qalad-fahmay, qofkii Kamarad laga duubaaba uu odhanayo (SHIRKAN JARAA’ID BAAN QABANAYAA).
- Laba qof oo is-calmaday go’aanna ku gaadhay inay nolosha ku midoobaan oo meherka ka hor sawirro dhaqanka iyo diinta ba aan ku bannaanayn la wadaaga bulshada (COMING SOON)
- Masuul xilka laga qaaday, ama isagu is-casilay oo aan cidina kala xisaabtamin masuuliyaddiisii uu umadda u hayay.
- Abaal-marino la siiyo dad aan la qiimeyn, cidda qiimeysa lafteedana aan la qiimeyn.
- masuul lagu kari la’yahay xafiiskaaga fadhiiso oo hudheelada aan koob shaah ah laga cabbi karin.
- Dhallinyaro samaystay ururro Qabyaaladda lagaga hor-tagayo laakiin aan iyagu iskaga bilaabin, markay xaalad reerkooda taabanaysaa ay timaado iska ilooba.
- dawlad waajibisa waxaanay fulin karayn
- Qof waxa uu bulshada u soo bandhigo iyo waxa uu aaminsan-yahay kala gedisantahay.
- dal bilaa curin ah oo hawl-kasta iyo dhaq-dhaqaaq kasta oo yimaadaa ay keenaan ururada caalamiga ah.
- warbaahin qaar kolba cidday lacag ku arkaan, dhaliilihiisa soo raadiya si ay uga helaan waxoogaa lacag ah.
- baraha bulshadu ku kulanto oo intay gabadhi soo dhigto sawir aanay asturnayn, lagu dhiiri-geliyo inay halkaa ka sii waddo iyadoo loo isticmaalayo MAANSHA’ALAH ILAAHAY HA KUU SIYAADIYO QURUXDA, xataa haddaanay qurux-badnayn
- Qof dibadda ka imanaya oo lacagta lagu soo dhawaynayo soo dirsanaya (Hoo-yoo i-soo dhawee)
- dawlad samaysa dareenno laab-la-kac ah
- dal aan sharciga loo sinnayn
- kalmadda MARKII UGU HOREYSAY oo ah hal-ku-dhegga Dawladda Kulmiye.
- kalmadda DAWLADDA UU GADH-WADEENKA KA YAHAY MUDANE SIILAANYO oo ah hal-ku-dhegga furashada qudbadaha ee masuuliyiinka Dawladda
- dawlad ICTIRAAFka ka doonta meel aanu oolin
- dawlad safiiradeedu ay u shaqeeyaan xisbiga talada haya oo kaliya, laakiin aan u shaqaynin xisbiyada mucaaridka
- dal aan runta la isku sheegayn
- safiir Soomaalilaan u magacawday mid ka mid ah dalalka caalamka oo xafiiskiisu yahay Hargeysa, walina aan tagin dalkii loo magacaabay.
- Xisbiyo bilaa aragti ah
W.Q: Maxamed Jaamac Meygaag
action50@gmail.com