Maxaa inooga qorshaysan Xanuunka cusub ee ka dilaacay China? (WQ: Abdifatah Sh.Nouh Jaamac “Suldaanka”)

Xanuunka Kansarka ( Cancer ) , joonis cadka ( Hepatitis B ) iyo boqolaal xanuun oo kale ayaa waddankii ku soo kordhay, cidi isma waydiiso waxa keenay iyo waxa sababay midna.

Boqolaal kale ayaa silic ugu dhinta dhakhtarka wayn iyo kuwa gaarka loo leeyahayba,wali cidi isma waydiin dadkaas dayaca u dhintay cida masuuliyadeeda leh.

Dhakhaatiir ajaaniba oo aan haysan wax shahaado ah ama aan aqoon u lahayn shaqada ay hayaan ayaa maalin kasta qasha waalidkeen iyo caruuraheena, markay silciyaana ee ay halbawlayaasha jaraana inoo sheega inaan dalka waxba lagaga qaban karin.

Madaxdeenu waxay ku soo dhintaan dalalka jaarkee na ah, waxaana dib loogu soo celiyaa Hargaysa si loogu sameeyo aas qaran iyagoo saaran naxash kumanaan dollar ah.

Haddaba sidan haddaynu ku sii jirno, dhawaan caasimadi Hargaysa iyo guud ahaan Somaliland-ba waxay isku badali doontaa qubuuro.

Xanuun cusub ayaa ka dilaacay China oo la yidhaa ( coronavirus ), xanuunkaas oo sidda duruga loo kala qaadayo, guud ahaan dunnidu way ka taxadartay oo xuduudaha ayay wadda xidheen, inaga maxaa inooga qorshaysan ?

29-Sanno ka bacdi wali xaalkeenu waa sidii,kuwii dalkan iyo dadkan wax u soo bartay ee uu sugayayna waa kuwaa Facebooga iyagu isku dhex haysta ee reero isku eryanaya, waar haddaba maxaynu samaynaa, mise waxaynu sugnaa intay Hargaysa iyo goboladuba isku badalayaan xabaalo ?

Waar dhalinyarow inagoo isku duuban ma raadsanaa nolol tan aynu ku jiro dhaanta, mise tabtaas ayaynu ahaanaa.

WQ: Abdifatah Sh.Nouh Jaamac ( Suldaanka)