Maxaa Ka Dhalan Kara Dagaalka iyo Cunaqabataynta Farmaajo Ee Jubaland? (WQ: Cabdiraxmaan Cadami)

Farmaajo xaaladda Jubbaland in uu waanwaan iyo wada hadal ku dayo wuxuu ka doorbiday in uu dagaal ku muquuniyo, maamulkaas oo ka mid ah kuwa ugu deggan Soomaaliya.

Kismaayo caasimadda maamul gobolleedku waxay ka fayowdahay qaraxyada joogtada ka ah Xamar iyo agagaarka madaxtooyada iyo waliba dilalka qorshaysan ee maalin walba ka dhaca caasimadda dawladda Federaalka, Shabaabku cashuur kama qaado dekedda Kismaayo halka ay dekedda Xamar ka urursadaan lacago ka badan inta xukumadda Farmaajo ka hesho; Kismaayo kama jiro dhul ka madax bannaan maamulka Jubbaland oo dawlado kale ka taliyaan sida: xarunta Xalane oo kale oo ka madax bannaan dawladda Soomaaliya oo xattaa madaxda sarsare ee xukumaddu aanay geli Karin.

Xalanaha Xamar waa sida Vatican-ka Roma ku dhex yaalla oo kale ( Xarunta Mad-habta Catholic). Farmaajo ma laha awood uu kaga guulaysan karo maamulka la doortay iyo shicibka isku duuban ee Jubbaland laakiin, wuxuu isticmaalaya dhaqaalihii Beesha Caalamku ugu talo gashay dib u dhiska Soomaaliya iyo in lagula dagaallamo ururada Xagjirka ah, wuxuu taageero milatari ka helaya waddamo shisheeye ah oo uu heshiisyo qarsoodi ah la galay oo kaga bedeshay in la siiyo dhul iyo dekedo dhawr ah inkasta oo aanay ahayn heshiisyo laba dawladood wada galeen balse ay yihiin kuwo suuqa madow lagu kala saxeexday sidaa daraadeed ma noqon karaan kuwo ka dhaqan gala dhinaca Soomaalida.

Haddaba si uu ugu guulaysto dagaalka qorshaha Farmaajo waxa ka mid ah: in uu shicibka Jubbaland ka cuno qabateeyo baahiyaha daruuriga ah sida cuntada iyo dawooyinka si uu cadaadis u saaro maamulka la doortay.

In bulshada wada degta la iska hor keeno si midnimadooda loo wiiqo, in degmooyin ka mid ah Jubbaland laga hoos saaro maamulka Axmed Madoobe isaga oo adeegsanaya ciidamo dawlado shisheeye ah, in uu si qarsoodi ah u aqbalo in dacwaddii badda laga soo saaro maxkamadda ICJ iyo in uu Kenya u ogolaado in ay qaadato qaybta Khayraadka ugu badani ku jiro isaga oo kaga iibsanaya qiimo aad u rakhiis ah oo ah in uu madaxweynaha Kenya ka baryo in uu kala laabto taageerada uu siiyo maamulka Axmed Madoobe.

Si kastaba ha ahaatee waa hubaal in ay Jubbaland ka guulaysan doonto dawladda Federaalka ah ee magac-u-yaalka ah iyo xulufadeeda haddii se la wiiqo nabadgalyada, xasilloonida, kala dambeynta iyo horumarka ka socda ama ka jira Jubbaland maxaa ka dhalan kara?

Waxa ka dhalan kara amni darro gobolka ku baahda iyo iska hor imaadyo dhexmara bulshada la kala qaybinayo, Shabaabka oo la wareega maamulka Jubbaland iyaga oo ka faa’iidaysanaya qalalaasaha, hawlgallada ururada Argagixisada oo ku sii xoogaysta Soomaaliya iyo dalalka jaarka ah, dawladda Federaalka iyo madaxda maamul gobolleedka Jubbaland oo sii kala fogaada iyo In ay dawladaha Itoobiya iyo Kenya iskaga hor yimaaddaan danaha gaarka ah iyo  bililiqaysiga khayraadka Soomaaliya.

Waxa se la yaab leh ujeedada Beesha Caalamku ka leedahay Soomaaliya, waxaynu ognahay in ay u soo gurmadeen in ay Soomaaliya ka caawiyaan nabadda iyo in la soo nooleeyo Qarankii burburay waxa se ka hor imanaya siyaasadda Farmaajo oo isagu xasillooni darro ka wada maamul gobolleedyada Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxa aan u malaynaya in la gaadhay wakhtigii Beesha Caalamku dib u eegis iyo qiimayn ku samayn lahayd siyaasaddooda Soomaaliya iyo taageerada xukumadda Fashilantay ee Farmaajo.

 

W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami22@gmail.com