Maxaa keenay in Gudoomiye Cirro aqbalo ergadda? (WQ: Envoy Abdirizak Diinaari)

โ€ข Dadka maanta gudomiye Ciro u tagey waa madaxddi shalley dalka soo martey. Oo ah madaxweyne kuxigeenadii hore.

โ€ข Qodobka labaad xisbiga ucid oo dalbaddey in aan xisbiga waddani kaligii isku koobin difaacidda sharciga ee la sugo iney xukumadda shacabka iyo aqoonyahanka dalka tusaan.

โ€ข Waxa iyana Ku jira ururadda bulshadda oo si badheedha u cambareyey falalka xukumadda kana soo saarey baaqyo isdaba jooga Lana wadaagey deeq-bixiyayaasha.

โ€ข Waxaa la Isla qaatey iney xukumaddu degdeg usoo deyso sarakiisha xisbiga ee xidhxidhan.

โ€ข Iney khalad aheyd in xisbiga laga joojiyo kulankii shalley uu xafiiskiisa Kula hadlayay shacabka Caasimadda.

Waxaan arkaa dhalinyaro dhaliilsan, siyaasadda caadifadd Laguna maamulo, waxa hogaanka xisbigu qaatey waaqaca dhabta ah inuu Ka turjumo. Mahaa MADAXDDA xisbigu iney marwalba Ku go’ aan qaadan karaan. qof aan fadhiyin miiska wax lagu gorfeynayo ee ah miiska wadda hadalka oo ah tageerayaasha xisbiga hadalkiisa.

Waayo dhamaan dadka waxey cabirayaan dareenkoodda waxase la inaga rabaa dareenka in aan masuuliyadd Ku darno iyo xogogaalnimo

Hadeerna ergaddu gudomiyaha waxey ULA yimadeen xisbi ahaan waa la idinka khaldanyahee na suga inta aanu xogdhaba Ka keeneyno xukumadda.

Maalinta ey yidhaahdhaan faro Madhan banu Ka sidnaa iyagaa Ka mid noqonayaa inta tageeradoodda u muujisa xisbiga waddani.

Markaa siyaasaddu maha shalley bey kulmiye taageersanayeen, ama shalley bey sidaas yidhaahdeen. Maanta qof walba oo shalley kulmiye ahaa oo maanta ficilkiisa iyo aragtidiisa Ku tageera siyaasadda xisbiga waddani. Xisbigu wuu soo dhoweynayaa.

Markaa dhalinyaradda tageersan siyaasadda xisbiga waxaan u sheegayaa marwalba idinku waxii talo ah waad dhiiban kartaan. Balse marwalba go’aamadda MADAXDDA xisbigu qaadato u hogaansama, tageera, isbarbar taaga. Intaasa xaq la idinku keeyahey.