Maxaa Ku Cusbaa Khudbaddii Musharrax Cirro? W/Q: Cali Cabdi Coomay

= “Muusow 13 Noofambar haddii aad qaban weydo doorashadda madaxtooyada, kursigu wuu inoo siman yahay.” Ma cusba.

= Waxa aan ugu baaqayaa taageerayaasha xibsiyada Mucaaradka inay u diyaargaroobaan bannaan-baxyadii hore loo hakiyey. Ma cusba.

= In aan ciidan beeleed haysto waxba ka jiraan. Ma cusba.

= Xisbiyada mucaaradku waxa ay qaadi doonaan tallaabooyin dalka lagu badbaadinayo. Ma cusba.

= Ciidamada waxa aan faraya in lagula xisaabtami doono wixii dhib ah ee ay u geystaan shicibka dibad-baxya. Ma cusba.

Gebi ahaanba ma jiro nuxur weyn oo ku cusbaa hadal-jeedintii musharrax Cirro, taasina waxa ay muujinaysaa in gebi ahaanba mucaaradkii lagu jebiyey siyaasaddii Soomaalilaan. Waxa ay soo bandhigi kari waayeen daw kale oo ay kaga baxsadaan dabinka uu geliyey madaxweyne Biixi iyo xulufadiisu ee ah in ururraddii lagu furay. Wixii imika ka dambeeya waxa loo kala bixi doonaa siyaasiyiinta iyo taageerayaasha ururrada cusub iyo xisbiyada mucaaradka, kuwaasi oo doodo iyo dibad-baxyadaba isku waajihi doona.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com