Maxaa ku xigi doona duqayntii Maraykanka iyo xulafadiisu Suuriya ku qaadeen toddobaadkan Guddihiisa? (WQ: Rashiid Odowaa)

 

Suaalo badan ayaa dadyowga caalamku iska waydiinayaan waxa xigi kara weerarka ay Maraykanka iyo Xulufadiisu ku qaadeen waddanka Suuriya iyagoo sheegay inay masuuliyadda ah qaadeen inaan Hubka Halista ah adduunka lagu isticmaalin.

Xukuumada Washigton oo garab ka helaysa London iyo Paris ayaa gantaalo ku garaacay waddanka Suuriya.iyagoo jawaab uga dhigaya Weerarka ay xukuumadda Bashar Assad ku qaadday magaalada (Duuma)oo ay mucaaridka Suuriya xoog ku leeyihiin 7dii april 2018.weerarkan oo lagu eedeeyay inay Xumuumadda basher assad u adeegsatay sunta (Sarin Gas iyo Cholorin),waxa la sheegay inay halkaas ku dhinteen 75 qof isla markaana ay waxyeello soo gaadhay 500 qof oo ay ku jiraan Dumar iyo carruur.

Duqayntani waxay dhacday wax yar ka dib

markii madaxweynaha Maraykanka Trump uu shaaciyay inuu so oaf jarayo joogitaanka Ciidanka Maraykanka ee Suuriya,isla markaana kala bixi doono Ciidanka maraykanka ee tiradiisu tahay 2000 askari maadaama ayuu yidhi ay Daacish baa ba’day.

Haddaba markii ay duqayntu dhacday ka dib ayaa saraakiisha aqalka cad ee Maraykanku waxay sheegeen inay jaha wareer qaadeen waxayna leeyihiin Qorshaha aqalka cad waligii iskamuu hor iman ama ismuu Burin.

Hase ahaatee Afhayeen u hadashay Aqalka cad ayaa tidhi ismuu bedelin Qorshahayagu ee ISIS way baaba’day,hase ahaattee waannu sii wadaynaa taageerada military iyo Dhaqaale ee aannu siino Xulafada aanu gobolka ku leenahay.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa 10 casho ka hor waraysi uu bixiyay ku sheegay in markii Donald Trump sheegay inuu faraha kala baxayo suuriya,waxaanu ku qancinay in ay muhiim tahay in la sii joogo waddanka Suuriya,waxay taasi caddaynaysaa sida ay nooga go’antahay inaanu sii joogno Suuriya ayuu yidhi madaxweyne (Macron).

Siyaasadda Maraykanka

Haddaba su’aalaha ka imanaya Siyaasadda maraykanka eek u aaddan joogitaanka maraykanka ee suuriya,ayaa waxay iftiiminayaan in xaaladda waddanka aanay waxba iska beddelin hadday noqotto xagga Argagaxiso iyo hadday tahay xagga awoodda ay adeegsanayaan Bashaar iyo Xulafadiisa Ruushku iyo laga hor joogsado fiditaanka ay Iiraan ku fidayso gobolka oo dabcan saamaynteeda leh.

Waxanu haynnaa caddaymo muujinaya inu bashaar asad iyo Xulafadiisu ay awood u leeyihin inay hubka halista ah sii isticmaali karaan,ujeedadayadu waa in aanu basher asad mar danbe isticmaalin hubka halista ah haddii ay taasi dhacdo waxanu sii wadaynaa Duqaynta tan iyo inta aanu hubinayno inaanu baabi’nay.

Wakiilka qaramada midoobay u jooga maraykanka Nik halley ayaa u sheegtay golaha amaanka jimcihii mar ay ka hor jeedinaysay hadal (Security Council) inay hayaan caddaymo muujinaya inuu Bashar assad adeegsaday Sunta Halista ah in ka badan 50 jeer.

Nik halley waxay tidhi marar badan ayuu assad adeegsaday suntan halista ah,waxanu ka gudubnay talaabo kasta oo hadal uun ah waxayna tani maraysaa xilligii loo baahnaa in tallaabo la qaado.

Duqayntani ma waxay noqon doontaa mid markastoo suntan Cholorin iyo Sarin gaas la adeegsado la qaado waa suaalaha ay is weydiinayaan saraakiisha difaaca ee maray kanku.

Si kastaba xaalku ha ahaadee maraykanku waxay ku adkaysanayaan inaanayh faraha ka laaban doonin Bashar assad haddii uu mar danbe adeegsado hubka wax gumaada,waxay kaloo ku adkaysanayaan hadday Ciidankooda la baxaan iyo haddii kaleba inaanay meel fog tagin ee tallaabo ay Qaadi karaan.

(Wali waxba iskamay beddelin Suuriya,wali Alaaida iyo ISIS way joogaan,Wali saamaynta iyo Iiraan waa halkeedii walina Assad maanan Ridin .walina Suuriya kumaanaan soo Celin dhulkii Caanaha iyo malabka sidii ay ahaan jirtay,markaas waanu sii wadaynaa difaaca Danahayaga)

Sidaas waxa ku dooday (James carafano) oo ah Ku xigeenka madaxa hay’adda (Conservative Heritage Foundation)

Dhinaca kale Ruushka ayaan u muuqan inuu wax jawaab military ah ka bixinayo haddii mar kale dagaal yimaaddo marka laga reebo canbaarayn uu u gudbiyo Golaha amaanka iyo UN.

Sidoo kale Bashar Assad ayaa u muuqda inuu yahay nin dhego adag oo isticmaali kara weerarro kale oo uu ku qaado magaalooyinka ay jabhadda Xoraynta Suuriya ku badanyihiin,

Waxa la saadalinayaa inanay xaaladdu wali salka dhulka ku haynin.

Waxa ka faalooday Ryan Brown iyo Barbara starr

Waxa tarjumay

Rashiid odowaa

khadarsalaan@gmail.com

063-4101213