Maxaa lagu bannaystay la wareegista hantidaa dadweynaha? (WQ: Mukhtaar Xasan Maydhane)

Gaadiidka Booliska lagu wareejiyey ee la buufiyey laba aragtiyood ayaa laga kala qaatay: mid gardarro u aragta iyo mid gar u aragta. Ta hore waxay daliishanaysaa Dastuurka iyo wixii looga soo joogay kuwii maandooriyaha – sida khamriga – lagu qabtay. Hadda ku darsoo, waa maandooriye laguma dhawaaqine, inta xaaladdan lagu jiro uun baa la xayiray. Ta dambena waa mid ku doodaysa haddaan loo hoggaansamayn amarada xukuumadda, maxay amaro u yihiin? Iyaduna maxay xukuumad ka tahay?

 

Dawladnimada iyo qofnimadu haddii ay iska keen galaan waa dhib. Duuduub ahaa, intan yar ayaa kaaga filan: Qofku waa u xor wax kasta wixii xeer ka xaaraantinimeeyo ma aha’e. Lidkeeda, dawladda wax kasta waa ka xaaraan wixii xeer u xalaaleeyo ma aha’e. Dawladnimadu xooga uun ma aha’e, ee waa xalaalnimada xeerka. Qofnimaduna xornimo uun ma aha’e, ee waa xilkasnimada shaqsiyadda.

 

Sidaa darteed, su’aashu imika waxa weeye: maxaa lagu bannaystay la wareegista hantidaa dadweynaha?