Maxaa Lagu Halbeegaa Dhaqanka iyo Akhlaaqda? (WQ: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”)

Hordhac

Dhaqanka iyo hiddaha oo lammaan iyo akhlaaqda oo ku ladhan marna diin, marna dhaqan-hiddeedka ayaa ka mid ah mawdduucyada tiro beelay ee ummaduhu ay doodo adag geliyaan. Doodaha falsafadeed iyo fikir diimeedyaduna ay xoogga saaraan in halbeeg cayiman oo Aadame iyo Bulsho yar iyo tu weynba ay ku halbeegaan loo helo. Tiiyoo aanay bulsho goob iyo xilli cayiman nooli, aanay la duruuf iyo la xilli ahayn bulsho kale oo ka horraysay, ama se ka dambeysay. Saddexdan weedhood ee kala ah: Dhaqan, Hidde iyo Akhlaaq ayaan ugu horrayn qeexi doonnaa waxa ay yihiin. Ka dibna waxa aynnu u gudbi doonnaa inaan qoraalkan kaga war-celinno weyddinta kor ku qoran ee ladhka qormada ah “ Maxaa Lagu Halbeegaa Dhaqanka iyo Akhlaaqda?

Dhaqanka waxa lagu qeexaa waa sidii dallad oo kale, taas oo ka kooban rumaysadyada, dabeecadaha,  hab-dhiska iyo hab-nololeedka bulshada, xeerarka, fanka iyo aqoonta, iwm. Taas oo ay bulsho cayiman leedahay, kagana soocan tahay bulshooyinka kale. Hidduhuna waa wax la iska dhaxlo, oo u gudba ab ka ab. Hiddahaas la iska dhaxlayaa waxa uu noqon karaa waxyaabaha jidheed(Physiological), ama waxa uu noqon karaa wax qarsoon oo dabeecad, iwm. Akhlaaqda ama damiirka oo afka felsafaddana loo yaqaan “Ethics ama Morality” waxa lagu qeexaa in ay tahay kala garashada xumaanta iyo samaanta ama wax saxan iyo wax khaldan.

Gudogal

Dhammaan bulshooyinka kala duwan ee adduunka ku nooli, waxa ay lee yihiin dhaqamo, akhlaaqo iyo hiddo kala duwan oo aan midna mid kale la mid ahayn. Bulsho kasta waxa ay leedahay hab-nololeed ka duwan bulshooyin kale, sida: in qaarkood yihiin xoolodhaqato, ama geelley, ama beeralay, ama macdan qodayaal, ama ganacsadayaal, ama kalluumeysato ama ama…! Waa marka la eego fahamka aasaasiga ah ee bulshada Soomaalidu ka dhex jira. Balse dunida kale waxa laga yaabaa in wax aan ahayn kuwan ay dhaqan u lee yihiin, balse kuwani waa waxa guud ee badiba adduunku ka siman yahay. Hab-nololeedyadaas kala duwan, ma jiro halbeeg lagu kala sooci karo midka saxan iyo midka khaldan, ma wada saxan yihiin mise waa wada khaldanyihiinna waa dood kale?

Bulshana tu kale kuma eedayso hab-nololeedkiinna ayaa khaldan, oo annaga ka aannu dhaqanka u leennahay ayaa idinka saxsan. Balse, cid walba waa loo ixtiraamaa midka ay aaminsan tahay. Waana wax ka turjumaya kuna habboon waaqica ay nool yihiin iyo waxa ay tahay bulsho kastaba. Dhanka kale, hab-dhiska bulshada, dhammaan ummadaha dunida ku nooli waa ku kala geddisan yihiin. Kuwo qaab-dhismeedkoodu waa boqorro, kuwo kale waa suldaanno, kuwo kale waa boqorado dumar ah, kuwo kale waa isimo, garaaddo, kuwo kale ayaa jira oo aan madax iyo mijo kala lahayn. Dhammaantood waa kala duwan yihiin, mid walbana waxa uu sameystay wax ka turjumaya duruufta uu ku nool yahay. Haddana kolka laga eego dhanka akhlaaqda, cid walba waxa la saxan midka ay iyadu ku dhisan tahay, kuwo kalena waa la khaldan yihiin.

Xeerarka haddaad eegto, bulsho kasta waxa ay leedahay xakame iyo xeerar lagu seeteeyo bulshada kuweeda dembiga gala iyo waxyaabo kale oo lagu qaabaynayo nolosha bulshadaas. Mid walbana waxa xeerkeedaasi ka turjumayaa nolosheeda iyo baahiyaheeda gaarka ah. Xakamayaashaas ay bulsho kasta leedahay waxa ay ula muuqataa in ay saxan yihiin, oo kuwii ku habboonaa, adduunkana ugu fiicnaa in ay haystaan. Xeerar kalena kuma aysan doorsadeen, oo kooda ayaa la qumman, lana toosan. Soomaaliduna waa ta tidhaahda “Nin walba qummanihiisa ayaa qoorta ugu jira”.

Hab Guurka Bulshooyinka

Haddaad eegto habka guurka ee bulshooyinka dunida, mid wal oo ka mid ah waxa ay leedahay hab la isu guursado, oo ka duwan midda kale. Kuwo ayaa guurba aqoon, oo is xareysta uun. Tusaale ahaan: Soomaalidu waxa ay leedahay hab ay isu guursato oo u gaar ah. Habkaasi lagama yaabo in uu ka gadmi karo Xabashida, Beershiyaanka, Carabta, iyo ummadaha adduunka. Waxaana uu la noqonayaa hab aan qummanayn oo tuur leh. Sidaas si la mid ah Soomaalidu, waxa ay ummadahaas hab guurkooda u arkaysaa hab khaldan, oo aan wanaagsanayn. Hab guurkooduna uu yahay midka ugu saxsan uguna wanaagsan ee bulsho yeelato. Balse, kolka xaqiiqo ahaan si guud loo wada eego hababkaas la isu guursanayo waxa kuu soo baxaysa, in hab kastaba uu ku habboon yahay bulshada haysata, oo haddii lagu dhaqan-gelin lahaa bulsho kale aannu dhib mooyee dheef u keeneen.

Waxa arrintaas la xidhiidha dhinaca guurka iyaduna ka mid ah, waxa adduunka ka jira bulshooyin ay raggu guursadaan hooyadood, habaryartood, eeddadood ama hablaha la dhashay. Iyaga oo u arka wax saxan oo qumman, dhaqan ahaanna uu ku dhaqmayo, oo bulshada uu ka dhashay ay dhaqan iyo hidde u leedahay. Halka bulshooyin kale oo ay Soomaalidu ugu horrayso ay dhaqankaas u arkaan wax khaldan, oo foolxun. Balse qolo kastaba duruufaheeda nololeed ayaa ay dhaqankeeda ku jaangoysay, oo wax lala yaabo ma noqon karo. Sidaas si la mid ah guurka ayaa bulshooyinka qaarkood u arkayaan wax aan habboonayn, weligoodna aanay sameyn dhaqan iyo hiddena u lahayn.

Kolka ay isu baahdaan labka iyo dhedigtuna ay hore baahidoodu ka dhammaystaan, sidaaasna hadday rabaan carruuro ku dhalaan bulshada ku soo biira. Balse bulsho iyo ummad kale oo Soomaalideennu kow ka tahay, waa ay la khaldan tahay arrintaasi, maadaama oo ay weligood iyo waaqood ku soo dhaqmayeen guur iyo nikaax. Halka carruurta ku dhalata bilaa guurna ay ka takooran yihiin carruurta kale. Fadare iyo garacyo aan liibaaninna loo yaqaanno, hooyadii dihatayna aanay bulshada ka nabad-gelin, oo ama la dili jiray ama faquuqa lagu hayo dartii xanuunno kale soo food-saari jireen, sidaasna ku dhiman jirtay.

Waxa arrintaas la mid ah oo iyaduna xidhiidh la leh galmada dadyowga isku jinsiga ah, gaar ahaan ragga oo waayadii hore lagu yaqaannay dhaqankaas. Bulshooyin iyo ummado laga helayo dadyow isku jinsi ah oo isu galmooday, ama si guudba loogu yaqaannay in ay raggu is abaahiyaan sida: qowmkii Caad, faraaciintana waa laga soo dhex heli karaa sida aasaarta qaarkood tilmaamayso, iyo bulshooyin kaleba. Balse, ummado kale waa ka khalad dhexdooda galmada dadka isku jinsiga ahi, oo waa dil iyo dembi weyn agtooda. Mana jiraan ragg isu taga, balse waa bulsho galmadu ku koobantahay dad kala jinsi ah sida: ragg iyo dumar uun. Arrimaha kale ee kala duwanaanshaha dhinaca guurka waxa ka mid: ah in bulshooyinka qaarkood ee dunida ku nool, sida: Hindida ay gabadhu wiilka doonato, oo u gogol fadhiisato, meher iyo duunyana wiilka reerkooda ay siiso. Halka bulshooyinka qaar sida: Soomaalida uu wiilku gabadha doonto oo u gogol fadhiisto, meher iyo duunyana ka bixiyo. Qolo welibana waxa ay ku dhaqmaysaa hiddaheedii iyo dhaqankeedii, oo iyada uun la toosan, halka dhaqamada kalena la xun yihiin oo la liitaan.

Hu’ga Bulshooyinka

Waxa arrimahaas kale ka mid ah: hu’ga ama labbiska bulshooyinka ee kala duwan. Halbeeg saxa oo ay dhar xidhashadu yeelan karto marka loo eego kala duwanaanshaha bulshooyinka ma jiro. Mana noqon karto dood wax ka soo qaad leh sababaha bulshooyinka kala duwan ee dunidu ay u fasiraan hab-hu’gooda u gaarka ah mid walba. Tusaale ahaan: Carabta iyo ummaduhu Muslinku waxa ay ku doodaan gabadha oo jidhkeeda wada qarisa in ay tahay dhawrsoonaan, xumaan la’aan iyo qurux. Haddii se xaqiiqo ahaan la dhibciyo dooddaasi, ma aha mid ka turjumi karta dhammaan bulshooyinka dunida. Tusaale ahaan: Hindida oo lagu tiriyo ummadaha ugu dhawrsoonaanta badan, dumarkooduna aanay jirinba ama ay iska yar tahay gabadh bikro la’aan ahi, haddana waa bulsho caloosha iyo meelo badan oo jidhka ka mid ah aan qarinin, oo qaawiya.

Soomaalida nafteeda xataa, oo waayadii hore gabadha bilaa bikrada ah aan la iska guursan jirin, oo aad loo liidi jiray. Qoyska iyo xigtada ay ka dhalatayna ceeb weyn iyo sharaf xumo ku ahayd. Haddana waa bulsho aan asturaadda Carbeed aqoonin, oo gabadhu gareys gacmaha, lugaha, qoorta iyo timaha, iyo meelo kaleba ay qaawan yihiin ayay xidhan jireen. Haddana waxa ay ku suntanaayeen dhawrsoonaan xad dhaaf ah. Halka bulshooyin kale oo hu’goodu ka duwan yahay kan Soomaalida iyo Hindida, oo u dhigma ka Carabta iyo ummado kale oo ka qarsooni badan lagu ogsoon yahay dhawrsooni la’aan, marar badanna gogol dhaafba.

Mana jirto wax iskaga xidhan qofka damaciisa iyo hu’ga uu xidhan yahay. Sababta oo ah hu’gu waa curfi iyo wax bulshadu dhisto, ee ma aha wax lagu dhasho. Sidaas si la mid ah Soomaalidii nooleyd qarnigii 10-aad lama hu’ ahayn kuwii noolaa qarnigii 1-aad, ama qarnigii 15-aad. Mar walba is beddel joogto ah ayaa ku dhacayey hab xidhashada hu’ga ee bulshada. Mar baa jirtay dunida aan laga aqoon dhar iyo is asturaad labadaba, oo dadku wada qaawanaa ragg iyo dumarba. Ka dib aayar aayar iyo tartiib tartiib ayaa loo dhisay curfi iyo dhaqan leh hab la isu asturo, sida: in caleemo lagu qariyo xubnaha taranka, iwm. Ugu dambeynna waxa la soo gaadhay in waxoogaa mooyee jidhka badankiisa lagu qariyo maryo gadaal laga allifay. Sidaas darteed ceeb iyo dhawrsooni la’aan laguma tilmaami karo bulshooyinkii aan hu’ga lahayn, aanna aqoon ee caleemaha isku qariyey. Ama kuwii iyaga ka horreeyey ee aan isba asturi jirin.

Haddii se maanta la arki lahaa dadyow caleemo isku qariyey waa aynnu la yaabi lahayn. Sababta oo ah ugama aynaan baranin, bulshadeennana kama jiro hab hu’gaas laga soo gudbay. Balse waxa uu ahaa heer ka mid ah kuwa nolosha, oo xilli cayiman lagu noolaa. Haddana badiba adduunku waa uu ka gudbay, marka laga tago qabiillo yaryar oo kaymaha adduunka iyo afrikada meelo ka mid ah ku nool. Sidaas darteed kala durugsanaanta hababka ummaduhu hu’ga u xidhaan, mana noqon karto wax qaarkoodna dhawrsoonaan iyo qurux lagu tilmaamo, halka kuwo kalena lagu tilmaamo fool’xumo iyo dhawrsooni la’aan.

Dheefta La Cuno

Haddaad eegto dhinaca dheefta ay cunaan bulshooyinka kala duwan ee adduunku, qaarkood waxa ay cunaan hilib qaarna ma cunaan hilibka ee dhirta ayay ku nool yihiin. Xataa dhexdooda kuwo hilibka cuna, kuwo waa ay dubaan ama shiilaan hilibka oo Soomaalida iyo Carabtu ka mid yihiin. Halka kuwo kale ay cunaan isaga oo qaydhiin, oo sidii neefka lagu gawracay ee haragga lagaga siibay ah.

Ummadahaas waxa ka mid ah: Xabashida oo basbaas iyo khamri ku cuna hilibka qaydhiin. Iyo Masaayda reer Tansaaniya iyo reer Kiiniya, oo xataa iyagu neefka sara joogga dhiigga kaga cabba, hilibka qaydhiinka ku cuna. Xataa bulshooyinka ayaa ku kala geddisan cunista hilibka oo dhan, oo qaarkood waxa ay ka cunaan oo keliya goobo cayiman. Halka kuwo kalena ay dhammaantii meel kasta ka cunaan neefka. Dhammaan waxan oo dhan oo kala duwanaanshaha dheefta la cunayo ahi waa curfi iyo dhaqamo la dhisay oo aanay bulshooyinka oo dhami ka wada sinayn. Mana jiraan wax dhaqan wanaagsan ku tilmaami kara hilibka shiilan ama duban, halka dhaqan xumo iyo damiir xumo ku tilmaami kara hilibka qaydhiin, iwm.

Waxa arrintaas soo lammaaneeya, in dunida taariikhdiii hore iyo tan haddaba lagu hayo dad is cunay ama is cuna, oo hilibka Aadamaha mooyee aan mid kaleba dhuuntooda marin. Waa kaaf iyo kala dheeri illaa xad ah, oo ka dhex jirta bulshooyinka adduunka ku kala nool. Kuwo kalena waxa ay gasiin ka dhigtaanba bahallo iyo xayawaanno aan afka in la geliyo ummadaha qaar u quudhin. Sida Shiinaaha, oo aad ugu caan ah in uu cuno jaadadka kala duwan ee bahallada bad iyo berriba ku nool. Balse, bulshooyin kale oo Soomaalideennuna ku jirto waa ay ka yaqyaqasadaan, iyaga oo u arkaya wax liita oo aanay ahayn in la cunno.

Dhammaan waxyaabahan iyo kuwo la hal’maala oo dhami waa caadooyin iyo dhaqamooyin kala duwan, kuwaas oo ay kala haystaan bulshooyin kala duwani, oo kala duruuf iyo kala xilli ah. Mana jiraan wax lamataabaantaan ka dhigaya mid qudha, oo ay tahay in la raaco. Kuwo kalena diidaya. Ama kuwo ka dhigaya wax san oo saxsan, kuwo kalena ka dhigaya wax liita oo khaldan. Waxa kale oo jiri karta waxyaabo badan oo ay dhammaan ummadaha adduunku ka sinnaan karaan, oo aanay isku khilaafi karin, ama ay yar tahayba inta isku khilaafta ee si kale u arki karta dhaqankaas.

Haddaba dhaqamadan aan sheegnay iyo kuwo la midka ah ee aynaan xusinba, kolka ay isaga gudbayaan fac ka fac, ayaa lagu tilmaamaa “Hidde” ama “Hidde iyo Dhaqan”. Kaas oo ah in awowgaagii tobnaad ama labataanaad ama soddonaad aad ku dhaqantid una noolaatid sida uu u noolaan jiray. Adiguna aad u sii gudbisid kuwo aad dhali doonto. Silsilaaddaas xidhiidhsan, ee qofba qof kale u gudbinayo waa waxa loo yaqaan hidde. Soomaaliduna waa ta tidhaahda “Hidde iyo Dhaqan suubban baynu lahayn, ama Hidde iyo Dhaqan soo jireena ayaynnu lahayn… Iwm”.

Is Beddelka Dhaqanka

Sida aynnu horeba u soo xusnay dhaqanku waa habka ay bulsho nool xilli cayiman ama jaango’an ay u nooshahay. Hidduhuna uu yahay in habkaas la isu gudbiyo fac ka fac. Haddaba su’aasha in la is weyddiiyo mudan waxa ay tahay dhaqanku ma yahay wax is beddela mise waa wax joogto ah xilli kasta iyo goob kasta? Dunida ma jiraan wax joogto ahi, wax waliba waxa ay ku jiraan is beddel joogto ah, oo maalin iyo qarniyaba ka kooban. Maanta sidan dunidu ay tahay ma aysan ahayn toban qarni ka hor ama labaatan qarni hortood. Hab-fikir ahaan, labbis ahaan, dheef la cuno ahaan, nolol ahaan, iyo xataa halbeegyada ay ku cabbirayaan wax kasta oo la soo gudboonaada.

Dadkii xilligaa noolaa iyo kuwo hadda nooliba waa kala duwan yihiin illaa xad maan ahaan iyo muuqaal ahaanba. Waa laba ummadood oo aad mooddo in aysan isku dadba ahayn. Balse, xaqiiqo ahaan dadku waa dadkii se waxa is beddelay duruufihii lagu kala noolaa. Wax ceeb iyo fool’xumo loo arkayey xilligaas maanta looma arko, wax wanaag iyo qurux loo arkayeyna hadda looma arko. Tusaale ahaan: Soomaalidii 1940, 50 iyo 60-kii noolayd iyo kuwii noolaa 1970, 80 iyo 90-kii farqi weyn baa u dhexeeyey garaad ahaan iyo muuqaal ahaanba. Waxaana horseeday koritaanka nolosha iyo is beddelka joogtada ee xilligaas socotay. Xataa hadda Soomaalidii nooleyd 1990-kii illaa 2000 waa ay ka duwan tahay Soomaalidan hadda nool, oo laba ummadood oo kaaf iyo kala dheeri ayay kala ahaayeen. Dhaqamada qaarkood ee laga gudbayo si tartiib tartiib ah waxa ka mid ah: Gudniinka Fircooniga ah, oo Soomaalidii 2000 wixi ka horreeyey ay u arkaysay wax wanaagsan, dhaqankana ka mid ah ayna lama huraan tahay. Balse, hadda waxa aad u muuqata in is beddel xooggani uu ku dhacay dhaqankaas, oo deegaanno cayiman oo baadiyo u dhaw ama u badan mooyee, magaalooyinka Soomaalida badankood kama jiro dhaqankaasi hadda ama waa ku yar yahay. Waxaana uu ka mid yahay dhaqamada dabar go’aya maalinba maalinta ka dambeysa.

Haddadan aynnu nool nahayba badiba Soomaalida reer magaalka ahi waxa ay u arkaan dhaqan liita, oo fulxun loona baahan yahay in laga gudbo. Arrintaasna waxa u sabab ah iyada oo bulshooyinkii xilligaas noolaa ay dhaqankan ka aaminsanaayeen wax bulshada u wanaagsan, gabadhuna ay u baahantahay. Balse, bulshadan hadda nooli waxa ay u aragtay mid dhibaato ku ah, foolxun, gabdhahana xad-gudub ku ah. Waxa arrintaas soo raaca oo ka mid ah dhaqamada dabar go’aya guurka qasabka ah, oo hablo yar’yar xoog loogu guurinayo odayaal ama ragg ka waaweyn. Taas oo bulshooyinkii xilligaas noolaa u arkayeen wax san oo aan dhibaato ku jirin, hadda lafteeda in kasta oo uu jiro haddana illaa xad waa uu is beddelay meelo badan oo adduunka ah iyo geyiga Soomaalidu degtaba.

Waxa kale oo dhaqamadaas is beddelay ka mid ah: Addoonsiga oo inta taariikhda qoran la hayo illaa qarnigii 19-aad ahaa curfi iyo dhaqan jira, oo dhammaan ummadaha adduunku ka sinnaayeen, kaas oo ganacsina ahaa laga macaasho. Weliba ummadaha dubka madow ay ku badnaayeen dadyowgii la addoonsan jiray, ee laga ganacsan jiray. Balse hadda dhaqankaasi ma jiro badiba dunida guudkeeda, dad la adoonsanyo si toos oo laga ganacsanayo. Caado fool’xun oo insaaniyadda liddi ku ah ayaana loo arkayaa, se bulshooyinkaasi uma arkayn oo si ka duwan sida maanta ayay u arkayeen. Wax hidde iyo dhaqan curfi ah ayuuna bulshooyinka dunida dhexdooda ka ahaa.

Addoonsiga sida aynnu u aragno ka bulsho ahaan badiba maanta dunida, xilligaas ama waayadii hore sidan looma arkayn. Wax xun oo naxariis iyo akhlaaq darro ah ayaa adduunku u arkaa maanta, se ummadahaas kuwooda xoogga weyni waxa ay u arkayeen wax fiican oo xataa diimuhu oggolyihiin, marka loo eego faham diimeedkii xilligaas jiray. Noloshuna ay ku dhisan tahay, oo lagama maarmaan ay tahay. Xataa kuwa laga itaalka roonaado, kolka ay iyaguna xooggaystaan isla dhaqankaas ayay ku kici jireen, oo ummadihii kula kacayey addoonsiga iyo ummado kaleba ay kula kaceen, iyaga oo ka faa’iidaysanaya kanshadaas.

Haddaba dhaqanka oo ay caddahay in uusan ahayn wax sugnaan kara, kaas oo ay hagayaan mar walba duruufaha nololeed, xilliyada kala duwan iyo goobaha kala duwani waxa cad in uusan wax sugan oo joogto ah ahaan karin. Waxa kale oo aynnu xaqiiqsan karnaa, in aan isku dhaqan la ahaan karin, is ku sina wax loo arki karin, loonaa halbeegi karin ama loo qiimayn karin. Sidaas darteed haddiiba heerkii koobaad sugnaanshaha iyo isku mid ahaanshaha dhaqanku uu buray oo beenoobay, waxa iyaduna buraysa heerkii labaad ee dhaqanku ku dhisnaa kaas oo ahaa in uu noqdo hidde isaga gudba fac ka fac.

Waxaana ay dantu qasbaysaa in fac kastaba uu dhaqankiisa iyo noloshiisa qaabeeyo, oo uusan kuwii ka horreeyey iyo kuwa ka dambeyn doonaba halbeegyada ay wax ku cabbirayaan isku kallifin. Sidaas ayaa horumarka iyo waaqica la taagan yahay oo la noolaadaana ay ku jirtaa, haddii kale waxa soo baxaysa ummad nool toban qarni hortood sidii loo noolaa, ama labaatan qarni hortood, iwm.

Aragtidan ah in loo noolaado sidii ummadihii hore, badiba tacaaliimta diimaha waa ka mid, weliba Islaamka oo dadka Islaamiyiinta ah ay had iyo jeeraale ku baaqaan in sidii SALAFKA loo noolaado, jidkoodiina la raaco waa mid ka mid ah aafooyinka dib u dhaca iyo waaqic nololeed la’aanta ku keenay bulshooyinka Muslimiinta.

Ged-geddoonka Akhlaaqda

Kolkaynu ka soo gudbno dhaqan-hiddeedka, waxa aynnu is weyddiinaynaa qodobkii saddexaad ee akhlaaqda. Akhlaaqduna waa mid xidhiidh la leh dhaqanka, tusaalayaasha ugu muhiimsanna waa aynnu ka tilmaamnay. Wax maangal ahna maaha in iyadoo dhaqanku uu shay u arko wax wanaagsan, ay akhlaaqda bulshaduna u aragto si kale oo liddi ay isku noqdaan. Sideedabana akhlaaqdu waxa ay ka soo if baxdaa, ama ka soo maaxataa waa dhaqanka bulshadaas. Kolba halbeegyada kala duwan ee bulshadaasi ay leedahay ayaa akhlaaqdana jaangooya. Sida dhaqanka loogu kala duwan yahay ee uu isu beddelayo ayaa akhlaaqdana loogu kala duwan yahay. Akhlaaqda lafteeduna waxa ay ku jirtaa is beddel joogto ah oo la mid ah ka dhaqanku uu ku jiro.

Dhammaan waxyaabahaas aynnu ka soo hadalnay oo dhami, waxa ay ku kala geddisan yihiin halbeegyada lagu cabbiray, taas oo ay ka dhalatay in bulshooyinku midiba midda kale wexeeda u aragto khalad, iyaduna ay isu aragto midda jidka saxan ku taagan uguna suubban. Waa arrinta keentay in xataa maanta waxyaabaha dhaqan’xumada ama akhlaaq’xumada looga yaqaan goob cayiman sida Soomaaliya, Jabuuti, iyo deggelada kale ee Soomaalida aan akhlaaq’xumo looga aqoon Itoobiya, Riwaandha, Nayjeeriya, iwm. Waxaaba maangal ah haddii dad Soomaali ah ay waddamadaas ku noolaadaan in aysan dhaqamada halkaas ka jira u arag akhlaaq’xumo iyo wax liita.

Sidaas oo kalena dadyowgaas Afrikaanka kale ahi aanay ka qaloodeen dhaqamada Soomaalida haddii ay ku dhex noolaan lahaayeen. Sideedabana Insaanku waxa uusan aqoonin waa la cadow! Sidaas darteed, sida aannu dhaqanku u lahaan karin halbeeg guud oo cid wal oo kasta wax ku qiimeyso, ayaa akhlaaqduna u lahaan karin halbeeg guud oo cid waliba ay wax ku qiimeyso. Saxnaanshaha iyo khalad ahaanshuhuna waxa ay ku xidhan yihiin mar walba bulshada iyo xilliga la joogo.

Doodaha la xidhiidha dhinaca diimaha, ee tibaaxa in diintu akhlaaq wacan abuurto, ma aha kuwo tiirar adag ku taagan. Waa se carbin la rabeynayo aadamaha iyo dhaqankiisa, tiiyoo seetayn looga dhigay cabsi iyo ciqaab dambe in ay jirto. Xaqiiqo ahaanna diimuhu waxa ay ka soo bilaabmaan, kana turjumaan waa meesha ay ka soo unkamaan curfiyadii iyo dhaqamadii ka jiray uun. Haddii addoonsiga uu yahay curfi ka jira meesha diintu ka soo if baxayso, diintaasina waxa ay yeelanaysaa curfigaas addoonsiga ee bulshadaas. Waana khalad iyo gef mandiq ah in diintu ay ka turjumi weydo bulshadaas ay ka soo dhex baxday, oo ay isku taarto ummado kale.

Haddii aad u fiirsato dhammaan diimaha samaawiga ah (Yuhuudda, Nasaarada iyo Islaamka) waxa uu asalkoodu ka turjumayaa waayihii bulshooyinka ay ka soo dhex baxeen diimahaasi ay ku noolaayeen. Tusaale ahaan: haddii nebi ka soo baxo dhulka Soomaalida, oo uu bulshadaas wax u sheeggiisa iyo waxyiga uu tilmaamayo aanay ka turjumayn waaqica bulshada Soomaalida. Balse uu ka sheekeeyo waaqic kale oo Maraykan, Ruush iyo Baraasiil ah waxa ay caddeynaysaa in uusan waxyi ahayn waxa uu dhurayo, ee uu yahay sheeko xariiro. Marka uu nebigu haggaajiyo oo toosiyo bulshada uu ka soo dhex baxay, kana bilaabo iyaga ugu horrayn ayaa uu u gudbi karaa ummadaha kale.

Waana habka sooyaaleed ee ay ku dhisan yihiin saddexdaan diimood ee samaawiga ahi. Taas oo ay soo afarayso diinta Budhiisamka, oo iyaduna la wadaagta arrintan. Guntii iyo gunaanadku waxa uu yahay in dhaqanka iyo akhlaaqduba aanay lahayn halbeeg buuxa kaas oo shalay, maanta iyo berriba lagu cabbiro karo wax kasta. Balse bulsho kastaba ay sameysato halbeegyo iyada u gaar ah, kuna kooban iyada lana qurux badan. Diimuhuna ay halbeegyadaas uun horumariyaan, una beddelaan wax sare oo qiyam ah, ku dhaqankiisuna ajar yahay, ka tegistiisuna ay tahay dembi iyo cadaab Alle.

 

Halkan kala deg qormada oo pdf: Maxaa Lagu Halbeegaa Dhaqanka iyo Akhlaaqda

 

Qalinkii: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Email: abdifatahbarawani@hotmail.com