Maxaa liisankaygii la iiga qaadey? (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Subax dhawayd anigoo maraya wadada wadnaha ee Magaaladda Hargaysa , gaar ahaan jidka hor mara cisbitaalka wayn ee magaaladda ayaa nin dhalinyaro ihi i joojiyay , ka dibna i waydiiyey in aan tuso buuga gaadhiga iyo liisankayga baabur wadista , ka dibna waan u dhiibay .

 

Inankii labadii buug kii baabuurka ayuu igu soo celiyey , kii kalena wuu qaatay , dabeeto markaan u sheegay in liisankaygu cashuuran yahay , oo aan cashuuray ayaamihii ugu horeeyey bishii koobaad ee sanadkan , wax cashuuna aan la igu lahayn  , waxba iima sheegine wuuxuu igu soo tuuray intuu iska dhaqaaqay , kan waa la badalay, xafiiska kaalay , lacag laguugu badalo oo uu cadadkeeda sheegayna soo qaado .

 

Waxaan ahay muwaadin cashuur bixiye ah oo sharciga iyo nidaamkaba u hogaansan , cashuurtana waxaan u arkaa mid waajib dawladeed igu ah , mar walbana waxaan bixiyaa cashuuro kala duwan inagoo ku faraxsan  , sidaa darteed cashuur iyo takaaliif sharciya ma diidani , waxaanse rabaa in la iga qanciyo suaalahan .

 

1-  Wax dembi ah oo wada mariseed maan-gelin la iimana haysto .

 

2- Liisankaygu muu dhicin , waxaana ka dhiman xaashiyo badan oo sanadaha soo socdo lagga  cashuuri karro .

 

3- Wax cashuura la iguma laha haba yaraatee , 6 sanadood oo aan liisankaa haystayna mar walba waxaan cashuurayay maalmaha ugu horeeya sidda ku cad xiishiyaha buuga liisanka .

 

4- Sanadkan aynu ku jirro 2020 , ayaa la ii cashuuray liisankayga , sidaa darteed 7 bilood ee ka hadhay sanad

 

kan oo dhan liisankaygu wuu cashuuran yahay .

 

Sidaas oo ay tahay , liisankaygii la ii cashuuray waa iga maqan yahay , waana la iga haystaaye , maxaa liisankayga la iiqa qaadey , bal adba .

 

Waxaan diyaar u ahay in la i qanciyo oo la ii sheego sababta liisank la iiga qaaday  , hadii la i qancin waayo kiiskaygu waxaan uga dacwoonayaa Garsoorka waayo waxaan ahay muwaadin ku kalsoon in uu xuquuqdiisa ku difaacdo si sharciga waafaqsan .