Maxaa loo doortay suldaan WABAR? (WQ: Abdiaziz Mo Jama)

Beeli waxay suldaan cumaamada markey garato in baahi loo qabo suldaan guud oo kulmiya ardaayada beeshaasi ka koobantahay islamarkaan ka shaqeeya isku xidhka, badqabka, wadajirka beesha,Awaamirtiisana gaadhsiiya caaqilada ardaayada hoose ee beelaha.

Suldaan WABBAR waxaa la doortay kadib markii beelaha JY isku qanciyeen in ay jirto baahi suldaan guud, kadib geeridii suldaankii Wayna ee SULDAAN GURAY (Allaha siiyo Raxmadiisa)

waxaan lagu caleemo saaray magaalada QULJEED

Maxaa dhacay?

Suldaan WABBAR waxaa u isku qanciyey in ay jirto baahi kabalaadhan ta u hayo beelaha doortay ee JY wuxuuna tunka ku qaaday masuuliyad aad uga duwan masuuliyadii ay duubkii beelahaasi u cimaamadeen.

Wuxuu yidhi ANIGA!!!

Waxaa u noqday hogaamiyaha Jabahad la dirirta maamulka Somalilan, waxaa taageero u muujay dad u badan dhalinyaro iyo siyaasiyiin qurbo joog ah oo kasoo kala jeeda dhamaan ardaayada beelaha gadabuursi.

Waxaa meesha kabaxay xadhigii isku hayey beeshii dooratay iyo Suldaanka, waxaa dhaawac soo gaadhay iyo kala shiki saga iyo duubabkii reerka.

Suldaan WABAR waxaa u saldhig ka samaysaty magaalada Adiss Ababa isagoo halkaa isga duba rida jabhada u hogaamiyo oo aan ahayn reer gaar ah ee ka kooban inta aan kor kusoo sheegay.

Maxaa la gudboon reerka?

Si loo yareeyo dil dilaaca beelaha JY dhexdooda loona ilaaliyo wadajirkooda islamarkaa la dhawro wadaaga danta guud ee beelaha kale ee ay walaalaha yihiin, waxaa la gaadhay wakhtigii la soo afmeeri lahaa xasarada Suldanka , waxaan waajib u muuqda in waxgardka beeshu guda galaan soo xulida hogaamiyaha beelahaasi isku hayn lahaa danahoogana ka talin lahaa.

 

“BAR BARKII NINKAY KABAXDAA WAA BAKAYLE QALEEN”