Maxaa sababa in Macallinku si wanaagsan Ardeydiisa wax u baro (WQ: Cadifataax M. Axmed)

 

Macallinimadu Dad badan waxa ay u tahay xirfad ay xiiseeyaan oo aan u aheyn shaqo.Macallimiin badana waxa shaqada macallinimada ku soo dhex tuurey duruufo  iyo arrimo kale oo aan qorshaha ugu jirin, taasi oo sababta in aaney wax dhigista Xil-fulin sax ah  u yeellan. Dad badan oo kalle ayaa iyaguna isku arka kuwo leh hibo iyo karti macallinimo oo shaqadani si dhab ah ugu dhex Jira, halka kuwo kalena dhaqaalle ahaan iyo kusugid shaqo kale ay uga qeyb noqdeen wax-barida ardeyda.

Waa in aan ogaanaa in Xiisaha macallinimada hoos u dhac  ku yimmaado muddo macallinku marka uu ku jiro wax-barida,marka sannad kasta aad ku cel-celineyso sharraxaadii horre iyo cutubyadii horre,kuwaaasi oo doorweyn ka qaata niyad-jab macallinka ku dhaca,si haddaba arrintaasi wax looga qabto waa in dariiqooyin kale iyo waddooyin kale oo lagu heli karo  macallinka tamartiisa iyo xiisihiisa la sameeyaa kuwaasi oo doorweyn ka qaadan doona hanaan socodka shaqada.buuggaagta wax laga dhigo iyo hab tebinta casharka oo ah isla kuwii sannadkii horre Macallimiin badan horumarkooda waxba kuma kordhiso,in farsamada shaqada wax laga beddelo sida saacadaha shaqada,casharada oo wax lagu kordhiyo ama saaro,habka tebinta casharada oo si kale loo dhigo iwm Ayaa jewi gedis curin karta,isbeddeladaasi cussub waxa ay Macallimiinta iyo ardeyda qaarkood ku keenta mushkilado in la xaliyaa ay wakhti ku qaadato.

Abaal marinta ugu weyn ee soo jiidata baraha ayaa ah in dheeftiisa mushahar si wacan loo siiyo,hase ahaate Keliya lacagta oo qudhi Macallinka wanaagsaan ma siineyso wax u dhiganta farxada uu ku soo kordhiyo dugsiga,ardeyga iyo fasalka intaba.waa in macallinka loo hirgeliyaa waxyaabo badan oo aan sifo lacageed laheyn sida la talinta,Dhiiri-gelinta,tababarida,wacyi-gelinta,xushmeynta,la dabaal-degida,abaal-marinada,dib u tababarida iwm.

Waxbarashada waxa ku baahi karta macallimiin shaqada ku xun oo wax dhigeysa ama aan carbis iyo tababar u qabin xirfadani,Addunkana maanta Tiknolojiyada iyo goobaha waxbarashadda oo batey ayaa ku keenay in si mararka qaarkood maadeysi iyo maaweelin ah dadka wax loogu dhigo.Dhanka kale tirada ardeyda oo badatey iyo Dugsiyada oo si aan qiyaas laheyn oo loo dhisaayo waxa ka dhalatey in macallimiin loo qaato dadyow keliya soo marey waxbarashada manhajka dugsiyada oo aan tijaabo macallinimo la marsiin.

Ugu Danbeynti baruhu waa in uu gartaa in mihnada baranimadu ay tahay hawl culeyskeeda leh,isaga oo maanka ku heynaya in wax badan laga rabo dhinacyo badana laga eegaayo,Sida wakhtiga,aqoonta maaddada uu bixinaayo,akhlaaqada uu ardeyda ku hanuuninaayo,xanaaneyntiisa,waa in baruhu ardeyda isbeddel la arki karo ku sameeyaa,waa in uu garanayaa mabaadiida xirfada macallinimadu ay ku dhisan tahay.Cashar-diyaarinta,iyo soo Jeedintuna waa bud-dhig muhiim ah,Waalid ayaa carruurta soo dirsadey in daacad laga noqdo wax-baridooda iyo hanunintoodaba macallinka masuuliyad ayaa ka saaran,waayo aadamiga ayaa ah geedka ugu quruxda badan ee la beero.

Waxa Qoray: Cadifataax M. Axmed