Maxaa uga meel yaal qaramada midoobay iyo maxkamada caalamiga burburinta goobaha dhaqanka iyo diinta? (WQ: Mukhtar Xasan Aimed)

Kadib markii koox xidhiidh la leh al-Qaacida ay burburiyeen taallooyinkii hore ee diiniga ahaa ee Timbuktu, Mali, sanadkii 2012, Maxkamada Caalamiga ah ee Dembiyada waxay ku qaaday kiis gaar ah taasoo Lagu soo oogay dambi ah burburin dhaqan.

In kasta oo ay si guud diiradda usaareysay Ku xadgudubka xuquuqda aadanaha, haddana maxkamada caalamiga ahi waxay ku eedaysay hogaamiyahii kooxda jihaadiyiinta, Ahmad al-Faqi al-Mahdi, inuu galay dambi dagaal oo La xidhiidha  burburinta goobihii farshaxanimada dhaqameed ee Timbuktu.

Kiiskan ayaa ahaa kii ugu horreeyay noociisa ee dambi dagaal lagu soo oogo. mar ay ka hadalaysay Irina Bokova oo ahayd xoghayihii guud ee UNESCO Waxay tidhi “kiiskani wuxuu dabar u yahay ilaalinta dhul cusub oo hidaha iyo dhaqannada wadaagga aadanaha ee dunida ,”.  Al-Mahdi ayaa ugu dambeyn qirtay dambiga waxaana lagu xukumay sagaal sano oo xabsi ah.

Si kastaba ha noqotee, weerar lagu qaado xarun dhaqameed ayaa ku xadgudbi doonta dhowr heshiis oo caalami ah waxaana loo badinayaa in loo tixgelin doono dambi dagaal.

tusaale ahaan, Sanadkii 2017 qaraarkii  Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay wuxuu cambaareynayey burburka sharci darrada ah ee goobaha  hiddaha iyo dhaqanka, oo ay ka mid yihiin burburka dhowrkii goobood ee waawaynaa ee ku tacaluuqay diinta iyo dhaqanka Ee DAACISH ay ku burburiyeen meelo ku ku yaal Suuriya iyo Ciraaq sanadihii 2014 iyo 2015. Dhinaca kale, mar uu ka hadlayey afhayeenkii xoghaya guud ee qaramada midoobay Mr Ban ki-moon sanadkii 2015 wuxuu yidhi “Si ula kac ah in loo burburiyo dhaqankeena caanka ah wuxuu ka dhigan yahay dambi dagaal wuxuuna u taagan yahay weerar lagu qaado bini-aadamka gabi ahaanba,”.

UN ayey markaa u cadaatay in ficilada lagu bartilmaameedsanayo goobaha dhaqamada iyo diinta loo tixgaliyo dambi dagaal.

Kiiskan ayaa dib u soo cusboonaaday ka dib dilkii taliyihii militariga Iran Qasem Soleimani kaasoo Maraykanku ku bartilmaameedsaday duqayn diyaaradeed oo ka dhacday magaalada Baqdaad, Ciraaq, Jimcihii.

Sabtidii, Trump wuxuu sheegay in haddii Iran ay waxyeelayso muwaadin Mareykan ah ama hanti Mareykan ah, in Mareykanka uu bartilmaameedsanayo 52 goobood oo ku yaal Iiraan- oo ay ku jiraan goobo dhaqan ahaan muhiim u ah Iran.

Nicholas Burns, oo horey u ahaa sarkaal dowladeed  iyo danjirihii  NATO, wuxuu xusey in maamulka Trump uu taageeray qaraarkii Qaramada Midoobay ee 2017 ee lagu cambaareynayey burburka goobaha diinta iyo dhaqanka wuxuuna Ku qoray Twitterkiisa  “Hanjabaadiisa waa mid akhlaaq darro ah oo aan ahayn dhaqan Mareykan,” .

 

WQ: Mukhtar Xasan Aimed