Maxaa ugu muhiimsan waxa aynu qabsanay 29-kii sano ee Somaliland jirtay? (WQ: Axmed Nuur Guruje)

” Waxaynu qabsanay waxaa ugu muhiimsan ”.

 

Nin prof ah uu u dhashay wadanka sucuudigga , dadiisunna tahay 70 jir ayaa waraysi lagga qaaday isagoo magaciisa qariyey waxaa lagga hayaa ” weligay arrimaha wadankayga tallo kamaan dhiiban , aragtidayna maan cabirin , waxay ila tahayna ma sheegin , waxaanan dhimanayaa anigoo aan waligay talinin ”.

 

Sababta Prof sidaa u leeyahay waxay tahay , qofka u dhashay wadanka sucuudigga talooyinka wadankiisa isagu wax doora kuma laha , rayina kuma darsan karro .

 

Somaliland 29 sanno ee ay jirtay , waxay qabsatayna waxaa ugu mudan in aynu arki karro wixii inaga qaldan imika , in aynu sheegi karro wixii qaladan iyo in aynu qaladkeena farta ku fiiqi karro .

 

Dadka ugu badan ee maanta qaladaadkaas wada arkaya , ee indho fayow oo ilbaxnimo , aragtiyeed iyo aqooneed ku eegayaana badankoodu waa dhalinyaradii dhalatay intii Somaliland jirtay , sidaa darteed waxqabad ka wayn Koritaanka ilbaxnimo ee aynu samaynay ma jirro .

 

Qaladaadka jirra .

 

Xoghayihii horre ee Wasaaradda Gaashaandhigga Rober gates ayaa isagoo ka hadlaya dib u habaynta haayadaha dawladeed wuxuu yidhi ” Reform ka ama dib u habayntu waa sheeko aan dhamaad lahayn ”.

 

Sidaa darteed  , Somaliland wax badan baa ka qaldan , qaladkeena in aynu saxnana waynu isku raacsanahay , marka laggu darro qaladka ugu wayn ee aynu galo oo ah in aynu dhamaanteen macaa anigan idinla hadlaya aynu codkeena qabyaalad ku bixino  .