Maxaad isku dhiibi waydeen haddii aad timaadeen Ingiriiska? (WQ: Kamaal Xasan Isaaq)

 

Maxamed waxaa uu  fursad  tababar ama siminaar u helay in uu kaga qayb galo dalka boqortooyada ingiriiska,  markii uu tegay meeshii intii aan tababarkiiba  bilaabmin  wuxuu la kulmay  walaalkii iyo habrawadaagii oo uu ku  ogaa inay  joogeen magaaladoodii Hargeysa  ee uu ka soo kicitimay  intii aanu safarkan ku iman  meesha ,

Aad buu ugu farxay aragtidii , wuxuuse la yaabay siday ku yimaadeen , maadaama labadooduba magaaladii Hargeysa ku dayacnaayeen , oo ka mid ahaayeen dadkan aad u isticmaala jaadka iyo sigaarkaka , waxbarashadana ka hadhay ee inta badan dulsaarka ku ah qoysaska , waxyeelo mooyaane aaan waxtarkana lahayn, ka  dib markii uu    xaal waraystay ,waxay u  sheegeen waxa ay ku sugan yihiin  , Maxamedna wuxuu waydiiyey , waar maxad isku dhiibi waydeen haddaad timaadeen ingiriiska ?  iyaguna waxay ugu jawaabeen walaal luuqada ayaananu garanayne , kaalay adigaa garanayee noo raac meesha layska dhiibo si aad noogu kala turjunto annaga iyo qoladan cadaanka ah , Maxamedna wuu raacay,

Ka dib markii ay gaadheen meeshii  ay doonayeen , ayuu maxamed xasuustay in uu hawl u socday oo wadankaba siminaark u yimid  , qoladii uu la socdayna aanu ku wargelin in cid kale uu raacay ileen nin magalada kala garanayana maahee , wuxuu damcay in uu telefoon kula xidhiidhii cidii  uu la socday ,  isla markii uu garaacay ama wacay telefoonkiina gabadh baa ka qabtay , intii uu  hallow , hallowda   hayeyna ,  wuxuu ku war helay iyadoo albaakii gurigii uu hurday lagu garaacayo   oo xaaskiisii ku leedahay xaaji waa  la eedamayaaye toos way gaadhay  salaadii casar  ee  kac oo tuko , intuu naxay ayuu toosay mise Hargeysa ayuu joogaa , waliba wuxuu hurdaa qolkiisii hurdada , intuu soo toosay ayuu yidhi” ilaahayoo riyadayda wanaagsan run nooga dhig “mise labadii nin ee uu ingiriiska kula kulmayna Hargeysay sidoodii iska dhex joogaan

Hoos ka akhriso maqaalo hore oo uu qoray Kamaal Xassan Isaaq

Sheeko siyaasi ah: Haddii aanu walaalkayo garab istaagi lahayn, maanta waxaasi kumay dhaceen

Cabsida carruurtu usha ka qabaan

Wadayaasha baabuurta iyo waxyeeladay carruurta ku hayaan

Hoos u dhaca sayladaha xoolaha oo saameeyey xoolo dhaqatada masaakiinta ah

Xilbaa lagu magacaabay!

Is hubso!

Sheeko dhab ah: I waydii waxaan rabo!

Badbaadada carruurtu waa badbaada bulshadeena

Waxaan la ooyayaa Gaajo!

 

Tell:  00252-63-4402758  

 kamalcadow@hotmail.com

Hargeysa Somaliland