Maxaad Ka Ogtahay Colaadda Gobolka Nagorno Karabaakh? (WQ: Rashiid Odowaa)

Gobolka loo yaqaan Nagorno karabakh waa dhul buuraley u badan iyo Kaymo wuxu ka mid yahay Gobolka qooqaaska (Caucasus) oo u dhexeya Bariga Yurub iyo Galbedka Aasiya, Macnaha Eraygu waxa uu ka yimi kolkiisii hore afka ruushka wuxu noqonayaa Nagorno Karabakh (Buuraleyda madow), gobolkan waxa loo yaqaan ismaamul ka tirsan Dhulka Azerbeijan wuxu dhexda ugu jiraa dhulka  Azerbejan inkasta uu xuduudda Armenia u soo dhowyahay.Gobolkan waxa degay dad Armenian ah qarnigii 7aad CH,Armenia ayaa ku doodaysa anagaa gobolkan nalaga dhacay halka Azerbajan ay ku doodayson gobolkan waa dhulkayaga sidaa darted waanu difaacaynaa madaxbanaanidayada.

Haddaba labadan waddan waxay ka tirsanaan jireen Midowgii Sofiyeeti,ka dib Ruushka ayaa afti ka qaaday markii uu arkay xaaladda kacsan ee Nagorno karabakh 1980dii waxayna u codeeyeen inay qayb ka ahaadaan Armenia,hase ahaatee waxay dhalisay arrintaasi dagaal ka dhex qarxay labada waddan ka dib bubburkii Midowga Sovieti 1991kii  oo xornimo labada waddan ka qaateen waxa ku dhintay dagaalkaas  dad ku dhow 30,000 qof waxa ku barakacay (1) Milion qof dagaalldaasi waxay joogsaden 1994kii ka dib markii xabbad joojin la gaadhay,hase ahaatee Nogorno karabakh waxay ku hadhay gacanta Azerbeijan ka dib markii xoog lagaga saaray ciidamada Armenia, gobolkani wuxu noqday mid lagu muransan yahay marar badan sida sanadkii 2000,waxa imika 2020 dagaal ka dhex qarxay labada waddan iyadoo mid kastaa ka kale ku eedaynayo inuu dagaal ku soo qaaday.

Dagaalkan hadda socda Waxa xiiligan guulo waawayn sheeganay Azerbajan oo leh annagaa gacanta sare leh,haddana dhinaca kale Madaxweynaha Armenia Armen sarkissan ayaa ku adkaysanaya oo leh dagaalku joogsan mayo illaa ay Azerbajan ka baxayso dhulka ay haysato ee ay ledahay Armenia,dhinaca kale madaxweynaha Azerbajan Ilham Aliyew ayaa ku doodaya inay xaq u leeyihiin inay dalkooda difaacdaan.

Armenia oo lagu naanayso Israel ta labaad gobalka koonfurta Qooqaas (Caucasus) waxayna u badantahay Kirstan waxa ku hareeraysan waddamo badan oo muslim ah sida,Azerbaijan,Turki,Iran,iyo Goergia,waxa iska cad inay diintu ka badh tahay waxyaabaha la isku hayo iyo cadawadda.

Waxa lagu eedaynayaa Turkigu inuu dabada ka riixayo dagaalkan oo taageero toos ah siiyo Azerbjan Faransiiska oo aad uga cadhaysan ayaa ku eedaynaya inay Niman Jihaad doon ah oo ka yimi Suuriya inay waddanka Turkiga u soo dhex mareen si uga dagaalamaan, waxanu ku eedaynayaa inuu turkigu toos ugu jiro dagaalka, isagoo madaxweynaha fransiisku Macron ku baaqay inay tallaabo ka qaadaan Gaashaanbuurta Nato ka qaaddo Turkigu,maadama turkigu ku jiro Gaashaanbuurta NATO.

waxa kaluu ku eedayay dhiggisa Turkigu Erdogan inuu talaaboyin daan daansi ka wado  saliidda uu ka qodayo badda u dhaxaysa isaga iyo Greega. Sidoo kale Ruushka ayaa raacsan sida la filayo Armenia,in kastoo labada waddanba uu xidhiidh la leeyahay oo ay ku jiran gashanburta difaaca ay wada leeyihin labadan dal iyo ruushku waxa uu ku baaqayaa in si deg deg ah loo joojiyo,arrintaas oo ay isku raacsanyihin Faransiiska

 

Rashiid Odowaa

Rashidsalan@gmail.com

0634101213