Maxaad ka ogtahay Somaliland-ta qarsoon?! (WQ: Muhammed Dhimbiil)

Darbijiifka iyo Dhaxanta

Waa inamo iyo hablo , waa dad waaweyn iyo dad aad u yaryar , Waxa ay u hoydaan gidaarada iyo dooxyada ( dixda ) , waxa ay quutaan maalinba waxii ay helaan oo waxa ay cunto ka raadsadaan meelo aanad u quudheen qof binu adam ahi in uu cunto ka raadsado , sida meelaha qashin qubka iyo wax aan dhaamin.

Duruufaha iyo daranyada haysata dartood ayaa aanad u kala garanayn wiil iyo gabadh midka uu yahay qofka aad arkaysaa , badhkood waxa laayey gaajo , qaar ka mid ahi waxa ay ku dhinteen balwadaha xun-xun ee nolosha darbijiifnimadu bartay , qaar ka mid ah dooxyada iyo laagaha ayaa qaada marka roobku da ‘o oo ay ku dhintaan.

Intooda badan ehelkood ma noola oo ma haystaan waalidiin, kuwa waalidka lehi waa qaar uu waalidkoodii ay duruufuhu naafeeyeen oo ay ku dareen Somaliland ta qarsoon ee aan indhuhu qaban , wadaad iyo wabiin, madax iyo shacab cid u hadasha iyo cid arkaysaa aanay jirin, waxaana ay ku nool yihiin magaalo kasta oo dalka ah.

Dadka darbijiifka ahi bulshada daryeel iyo diir nax midna Kama helaan oo duruufta haysata iyo nolosha aanay iyagu dooran ee waayuhu baday ayey cay iyo takoor ku mutaystaan, waxaana loogu yeedhaa dibjir iyo xabaglayaal tusaale uu qofwaliba ugu soo qaato ilmihiisu in aanu kuwaasi oo kale noqon !

Waxa ay la daris noqdeen dhaxanta , gaajada , silica iyo darxumada , damqasho way is daayeen oo nolosha dan Kama laha , waayo waxa ay arkayeen sidii ay ku baxeen qaybo badan oo iyaga ka mid ahi oo u dhintay duruufaha la dariska ah , waxaana ay isku dhiibeen noloshaa darbijiifnimada ah .

Cidii ay fursad u helaan uma damqadaan waayo mabay arag naxariis iyo cid u damqata, iyagaaba isugu daran oo is dila , waxa ay u nool yihiin sida loo kala itaal roon yahay in la isugu amar ku taagleeyo oo loo kala adag yahay waxii la helana loo kala qaataa.

Noloshan tirsiga Maalmaha iyo bilaha iyo ciidaha iyagu way ka baxeen oo kuma jiraan , waxa ugu wanaagsan ama xasuus ku reebta maalinta uu cunto helo laba goor oo ka mid ah sadexda wakhti ee wax la cuno iyo kartoon ama joonyad uu cadceeda ama dhaxanta ka hoos gallo!

Waa dad u dhashay dalkan ay ku nool yihiin oo la xuquuq ah dadka dalka ku nool , dawlad daryeesha iyo cid danaynaysa midna ma arkaan , marka laga reebo ciidamo caydhsada marka ay meelahaa magaalada soo galaan mooyaane, maalmaha qaar waxaa dhacda in qaar ka mid ahi cid dhibaato u geystaan ama olole lagu qaado dhamaantood oo la xidhxidho inta loogu tago goobaha ay ku noolaayeen.

Iyagu hadii ay dhintaan, hadii ay xanuunsanayaan, hadii ay dhibaatooyin kale haystaan cid og iyo cid dareemaysaa midina ma jirto waayo waa dad aan muuqan ama indhaha laga laliyo , waa imtixaan lagu eegayo dadka inta kale iyo masuuliyada dawladnimo oo maaha wax bilaa xikmad ku socda.

Muhamed Dhimbiil