Maxaad ka taqaanaa dadka waala? (W.Q. Nuur Xaaji Xiiray)

Dadka dadka waalaa waa dad isku xidhan oo qabiil walba leh, waxa ay iskugu hiiliyaan sida qabaa’ilka, haddii uu walaalkaa ku jiro waa kaa hiilinayaa xagoodana wuu kaa marayaa.

Dadka dadka waala dadka ay u arkaan in uu khatar ku yahay ayay ka dhigtaan hadaf: –

Ahdaaftoodana waxaa ka mid ah, qofka laga dhigtay hadafku siduu u noqon lahaa mid ka mida arrimahan:-

  1. In qofku isdilo,
  2. Qof rabshad gala had iyo goor inu noqdo.
  3. In uu waasho.
  4. In gurigiisu burburo.

Dadkan dadka waalaa waxa ay sameeyaan qofka laga dhigtay hadafka inay qofka sumcada ka dillaan si aanay: –

  1. dadka kale u rumaysan waxa uu sheegaayo.
  2. Si aan dadka kale u baadhin bal waxan uu sheegaayo.
  3. Si aanay u gargaarin.

Haddii ay ku guulaystaan inay ay qofka sumcadda ka dillaan ama u muujiyaan inu waalan yahay, waxay sii kordhiyaan weerarkooda ay qofka ku hayaan. Markaa qofkan khatar badan ayuu ku sugan yahay maxaa yeelay qofkan cid u gargaaraysaa ma jirto ama rumaysanaysa dhibaatada lagu hayo.

Dadkan dadka waalaa waxa ay doonayaan inay dhibaato laxaadleh gaadhsiiyaan iyadoo aan la dareemin. Intaas uun kuma ekee, laakiin hadafkooda ugu wayn waxa weeye sidii qofkan noloshiisa u dhamayn lahaayeen.

Dadka dadka waalaa waxay ay doonayaan geeri deg deg ah oo qofka ku timaad ama dhimashoo tartiib tartiib ah.

  1. Dariiqyada ayay isu istaagaan,
  2. Dhacdooyin ayay u sameeyaan ay ku dabayaan.

 

Ujeedooyinkooda waxa kaloo ka mid ah:-

  1. Noloshiisa oo dhan bay isku dayaan inay ogaadaan sidii ay u dhibi lahaayeen, xataa jin ayay u adeegsadeen, sidii ay wax walba uga ogaan lahaayeen ( jinkuna uma adeego qof sameeya dambi gaalnima mooyee)
  2. Dariiqyada uu maro iyo meelaha uu tago oo dhan bay dad u dhigaan.
  3. Qofka waxa ay ka dhigaan kali, markaas ayay dad u samaystaan iyaga ah oo qofka isku xeera.
  4. Meel walba cid baa u joogta markaas. Marku qofku is yidhaa halkaa tag badhankaas uun baa la taabanayaa.
  5. Waxa ay ka xayuubiyaan qofka cid walba oo caawin lahayd , saaxiibadiisii, ehelkiisii, iyo dadkii ay is yaqaaneen oo dhan oo ay ka hor keenaan.
  6. Dariiqadoodu waa cajiib hadii uu is yidhaa ka waran ama ka dacwoo dadku waxay u arkaan qofkan inuu waalan yahay ama shakisan yahay.

Dadkan dadka waalaa way sii dhiiradaan marwalba oo ay ku guulaystaan inay qof noloshiisa baabiiyaan.

Waxa jira dad badan oo ay adeegsadaan dadkan dadka waalaa haddii aanad ogayn waa kuwaa kor ku qoran ujeedooyinkoodu, dambigana waad la qaybsatay ama mushahar yar ha ku siiyaan ama si kaleba ha kuu adeegsadaan eh.

Nimankani waa wax jira in la is diidsiiyana ma keeynayso in xal yimaad. Markaa waxaa waajib ah in dadkan shacabku waa jaho loona qabto fal dambiyeedkan ay xalaalaysteen.

In culimada la waydiiyo diinta islaamku waxa ay ka qabto dadkan, ma muslim baa, ma gaalaa, ma munaafiqiin baa.

Masaajidadda safka hore ayay ku tukadaan, khudabadaha ayay qaar akhriyaan iwm. Wadaad iyo waranleba way adeegsadaan.

Dad badan ayay dhibaatadan ku dhacday oo ay hadana haystaa. Waxay gaadhay waqtigii layska qaban lahaa dadkan.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray oo Soomaali iyo Ingiriisi ah:

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

 

Nuur Xaaji Xiiray.