Maxaad ka taqaanaa xanuunka isku-furanka “Fistula” (WQ: Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan)

Hordhac

Xanuunka isku-furanka loo yaqaano (obstetric fistula) waa xanuun ku dhaca haweenka wakhtiga foosha oo dheeraata ama fashilma awgii,  iyadoo ay isku furmayaan xubno markii hore kala xidhnaa ama kala xadaysnaa.

Xanuunkan waxa loo qeybiyaa laba qaybood oo kala ah:

  1. Isku-furan ku dhaca kaadi-haysta (urinary bladder) iyo xubinta taranka ee haweenka (vagina)
  2. Isku-furan ku dhaca kaadi-haysta (urinary bladder) iyo malawadka (rectum)

Dunida xogta la hayo xanuunkan waxa qaba haween lagu qiyaaso 2 milyan, halka sanadkii ay qaadaan haween lagu qiyaasay 50,000 ilaa 100,000.

Bukaanka ugu badan ee yeeshaa xanuunka iskufuranka (obstetric fistula) waa dadka aadka u fiqiirka ah iyo qaar nafaqo daro hayso. Xanuunka isku-furanku waa xanuun laga hortegi karo isla markaana la dawayn karo.

Xanuunka isku-furanka la yidhaah keliyaataa ma, aha xanuun, laakin wuxuu dhaawacaa qaab-dhismeedka jidhka haweenayda isagoo qaarkood ka dhiga curyaan, waxa kale oo uu waxyeelaayaa caqliga haweenka iyo isdhex-gelkii bulshada ay la lahayd sababtuna waxay tahay haweenayda xanuunkan ku dhacaa waxay  bulshadu kala kulantaa takoor joogta ah.

Xogta Somaliland laga hayo

Xanuunka isku-furanka (obstetric fistula) meelaha uu ugu badan yahay Somaliland waa xadka ay la leedahay waddanka deriskeeda ah ee Itoobiya “Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya”, waxa kale oo bukaanku ka yimaadaan gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Bukaanka Soomaalida ah ee xanuunkan qabaa waxay badi ka siman yihiin in ay yihiin haween da’yar lagu guursaday (11 ilaa 17 jir), haween leh gudniinka fircooniga qaybtiisa saddexaad ama afaraad, haween ay ragoodi kala tageen ama la furay, haween nafaqo-daro badani ka muuqato iyo in ay yihiin haween dan yar ah oo dhaqaale buuran oo ay isku daweeyaan aan haysan.

Somaliland, labada cisbitaal ee xanuunkan lagu daweeyaa waa Edna Adan Maternity Hospital oo Hargeisa ku yaalla iyo cisbitaalka Dr. Qaws oo Boorama ku yaalla, runtii cisbitaaladaa aan sheegay iyo shakhsiyaadka ku hawlan daawaynta dadkaa xanuunsanaya ee qaba xanuunka isku-furanku (fistula) waxay bulshada Soomaaliyeed ka mudan yihiin in la gacan siiyo iyo in lagu amaano shaqada ay hayaan.

Calaamadaha xanuunka

  • Caabuqyo (infections) soo noqnoqda
  • Kaadida ama saxarada oo aan la hayn karayn siiba xiliga habeenkii
  • Cuncun ama xanuun ka haysta xubinta taranka ee haweenayda
  • Galmada oo dhibta

Waxyaalaha sababa xanuunka isku-furanka (fistula)

  • Foosha oo raagta (prolonged labour): waa marka haweenaydu foolato saacado ka badan 18 saacadood, sababo kala duwan sida in ay gudan tahay (FGM) tahay ama nafaqo daro hayso
  • Qaliinka lagu jaro muruqa u dhaxeeya xubinta taranka (vagina) iyo dabada (anus) ee loo yaqaano (episiotomy)
  • Dhiciska (abortion): wuxuu ka mid yahay waxyaalaha sababa xanuunka isku-furanka (fistula) haddii si fiican loo maarayn waayo.
  • Kufsiga (rape) haweenka loo geystaa, wuxuu ka mid yahay waxyaalaha keeni kara xanuunka isku-furanka (fistula)
  • Waxa kale oo sababi kara waxyaabo yar yar oo isku tegay sida shucaaca wax lagu daweeyo oo kale (radiation), xanuunka kansarka (cancer) iyo khalkhalka ku dhaca mindhicirada.
  • Waxyaalaha kale ee si dadban uga qayb qaadan kara xanuunka isku-furanka (fistula) waxa ka mid ah:
  1. Faqriga (poverty)
  2. Nafaqo-daro (malnutrition)
  3. Aqoondaro (lack of education)
  4. Haweenayda oo da, yar lagu guursado (early child marriage)
  5. Xarumaha adeega caafimaadka bixiya (MCH, Referral Hospitals) oo ka hooseya intii caalamiga ahayd

Talooyin Caafimaad

  • In la sameeyo xarumo badan oo adeega caafimaadka bixiya sida xarumaha dhallaanka iyo hooyada (MCH) iyo cisbitaalo lagu samayn karo qaliinka la jeexo caloosha hooyada (cesearean section).
  • In dhalmada ubadka la kala dheereeyo ugu yaraan laba sanno tiiyoo la isticmaalayo naasnuujinta iyo kiniinada, irbadaha kala koriyaha (family planning).
  • In waxbarashada iyo dhaqaalaha gabdhaha kor loo qaado
  • In wacyigelin la siiyo bulshada in xanuunkani yahay mid laga hortegi karo lana dawayn karo, si loo yareeyo takoorka bulshadu ay ku hayso.
  • In la tababaro shaqaale badan, si kor loogu qaado xirfadooda caafimaad, siiba umulisooyinka (midwifes), si hoos loogu dhigo xaddiga iyo khatarta xanuunku

Waxa Qoray: Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan