Maxaad Ka Taqaannaa Ninka Soomaaliya U Kiraysatay Inuu La Dagaallamo Heshiiska Iskaashiga Ee Somaliland Iyo Maraykanka. W/Q: C.raxmaan Hayaan

Dawladda taagta daran ee Soomaaliya ee ka talisa isgoysksa KM4 isla markaana shisheeyuhu ilaaliyaan ayaa cir iyo dhul midna qaban wayday tan iyo intii uu soo shaac baxay heshiiska Iskaashiga maraykanka iyo Somaliland, kaasoo ay meel mariyeen guddida xidhiidhka dibadda ee aqalka Senetka dalka Maryakanku. Soomaaliya ayaa geed dheer iyo geed gaabanba u fuushay si ay uga hortagto inuu  heshiiskaasi hirgalo balse dawladda maraykanka oo iyadu danteeda ka dhex aragtay xidhiidh ay la samaysato Somaliland wakhtigan quwadaha caalamku ku hirdamayaan Baabal Mandabka iyo badda cas oo muhiimmad weyn u leh safarrada maraakiibta ee isaga kala goosha bariga iyo galbeedka ayaa arrintaa go’aan adag ka qaadatay isla markaan dhag jalaq u siin wayday

Dawladda Soomaaliya oo sii laban laabtay cadaawaddii ay u haysay somaliland ayaa sidoo kale qaadday tallaabooyin kala duwan oo ay ku hagardaamaynayso Somaliland tan iyo intii ay dawladda Maraykanku shaacisay inay danaynayso in ay xidhiidh toos ah la yeelato Jamhuuriyadda Somaliland. Hagardamooyinkaasi waxa ka mid ah.

  1. Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isla markii uu la wareegay jagada madaxweyninnimo, boosaskii ugu horreeyay ee uu magacaabo waxa ka mid ahaa xilka la taliyaha arrimaha wada hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya isaga oo u magacaabay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo madaxweyne ka ahaa Soomaaliya xilligii ay Somaliland iyo Soomaaliya bilaabeen in ay wada hadlaab isaga oo markii go’aan ku gaadhay inuu carqaladeeyo in wada hadalladu sii socdaan isla markaana ka baxay dhammaa heshiisyadii ay wada galeen labada dhinac, taasoo caddayn u ah in uu doonayo Xasan Sheekh in aanay dhicin wax wada hadal ahi

 

  1. Kadib markii Koongresska Maraykanka, ay ansixiyeen Xeerka Iskaashiga Somaliland, ayaa dawlada Soomaaliya, ee uu hogaaminayo Hassan Sheik, waxa ay kiraysteen qareen lagu magacaabo Von Batten Montague.

Von Batten ayaa hore waxa u qabsaday urur ka dhisan Maraykanka oo lagu magacaabo United Somali Alliance.

Ururka United Somali Alliance oo ka soo horjeeda aqoonsi la siiyo Somaliland ayaa dadka sameeyey ay ka soo jeedaan Maamul- Goboleedka Soomaalida Itoobiya.

24 saac ka dib, markii uu gudbay Xeerka Iskaashiga Somaliland, ayaa Von Batten uu sheegay in dawlada Soomaaliya ay u wakiilatay waxa uu ku sheegay ilaalinta midnimada Soomaaliya.

Von Batten ayaa saaxiibo badan ku leh Golaha Wakiilada iyo Koongreeska Maraykanka, ahna qareen u dooda Ururka ONLF iyo United Somali Alliance, oo ah urur loo sameeyey in laga hortago aqoonsi ay hesho Somaliland.

Hore ayaa Von Batten waxa uu ugu guulaystay in uu ku qanciyo madaxda sare ee Maraykanka in safaarad Maraykanka uu doonayay in uu ka furo Hargeisa, dib looga noqdo.

Iska hor imaad gaaban dabadeed, waxa Koongreeska Maraykanka ay sheegeen in ay dib uga noqdeen safaarad ay ka furan lahaayeen Hargeisa, caasimada Jamhuuriyada Somaliland, kadib kulankii Aqalka Sare ee Maraykanka ay ku qabsadeen Capitol Hill, maalintii Khamiista, July 9, 2022.

Balse waxa hubaal ah in Somaliland ka guulaysan doonto cadowgeeda isla markaana aqoonsigeediis oo dhawyahay. Guul Somaliland.

LInk-gan ka gal twitter-ka uu ninkani ku daabaco qoraallada ka soo horjeeda Madaxbannaanida Somaliland.

Qayb ka mid ah qoraalka waxa aan ka soo xigtay Axmed Adam https://www.facebook.com/photo?fbid=2349979698491826&set=a.937169209772889

C/raxmaan Hayaan

cbdrxmngeni@gmail.com