Maxaad kala socotaa Buugga John Bolton ee “The Room Where it Happened: A White House Memoir” oo Trump jiifka u diiday? (WQ: Maxamed Daacad)

Diblomaasiga John Bolton oo ahaan jiray kaaliyihii amniga qaranka ee madaxweyne Trump, ayaa Buuggiisa kusoo bandhigay fadeeraxado badan oo ku saabsan Aqalka cad intii Trump joogay. Qeybo kamid ah buuggaas oo ay daabaceyn wargeysyada sida Washington post, Doug Mills/The New York Times) iyo kuwa kale oo badan ayow Bolton uga hadlay qaabkii trump u dhiiri geliyay in muslimiinta wadanka Shiinaha in xerooyin loo oodo. Waxuu daaha kaga qaaday sababtii Trump u difaacay Dhaxal sugaha Sacuudiga maxamed bin salmaan, kadib dhacdadii lagu dilay weriyihii Sacuudiyaanka ahaa ee Turkiga lagu dilay.
Waa Ttumpka qirtay markii ow xilka qabtayba in ayna ka mid ahayn wax yaabaha ow ahmiyada weyn siin doono xaquuqul eensaanka, xiligaas wixii ka danbeeyay waxuu trump u arkaayay in xaquuqda aadanuhu caqabad ku tahay fikradaha ku dayashada mudan, sida laga soo xiktay Buugga ow qorey Bolton. waa buugga iftiiminaya muuqaalka Aqalka cad ee maanta iyo hadafka trump iyo xaqiiqooyinka ku geedaaman.

John Bolton waxuu buuggiisa kusoo bandhigay Sababtii ka danbeysay in trump difaaco maxamed bin salmaan markii ow dhacay dilkii “Jamal Khashogg”. waxay ahayd siyow indha caalamka iyo dareenkooda uga leexiyo inantiisa Ivanka trump oo xiligaas muran culus ka dhashay in ay emailkeeda gaarka ah u isticmaashu shaqada xukumadda, waxuuna Bolton leeyahay waxuu afkiisa ka sheegay in taageeridiisa Dhaxal sugaha sacuudiga ay ka duweyso indhaha caalamka falka ay sameysay gabartiisu.
Buugga waxaa lagu iftiimiyay fadeeraxado ku qotoma in trump iska indha tiray xadgudubyadii shiinaha ee xaquuqda aadanaha ama mararka qaarba ow dhiiri- geliyo xadbudubyadaas, waxaana jirtay ayow leeyahay Bolton in trump ugu yaraan laba munaasabadood ku dhiiri-geliyay madaxweynaha Shiinaha inow xeryaha ku uruuriyo muslimiinta shiinaha.

John Bolton waxuu cadeeyay in xalfad casho oo ka dhacdqy aqalka cad sanadkii 2018 ow weydiiyay asigu sababta ow shiinaha cuna qabatayna ugu saarayo muslimiinya Shiinaha derteed. Munaasabad kale oo ahayd kulan madaxeydkii madaxda wadamada G20 oo dhacday sanadkii 2019 kana dhacday wadanka japaan ayaa madaxweynaha Shiinuhu ku faahfaahiyay sababaha ow u sameeyay xeryaha lagu xeraynayo muslimiinta Shiinaha, dhankiisa madaxweynaha wadanka maraykanka ayaa bogaadiyay waxuu ku dhiiri-geliyay in ow sii wado shaqadaas!.

waana Buugga John Bolton oo Trump u diiday jiifka, ee wasaaraddiisi cadaaladuna dalbahayso in la soo saaro go’aan lagu joojinayo daabacaada buuggaas. waana Buugga trump ka dhigaya mid kartidiisu liidato musuq-maasuqna ku ba’ ay, waana buugga carada xun geliyay taageerayaasha trump ee midigta fog, waana buugga trump ku noqon doona darbadii siyaasadeed ee ugu danbeysay, waana buuga daabacaadiisu trump ku tahay laba jir geel oo aad naas u diido afarta ayow kuu diidaa, waana buugga ay ku cadahay in trump wax war ahba ka hayn in Britian leedahay Hubka Nuclearka.

Wasaaradda Caddaalada wadanka maraykanka oo ku doodeysa in Buugga Bolton ow dhaawacayo amniga qaran ee wadanka maraykanka, ayaa soo saartay dalab deg deh ah oo ay maxkamada federaalka uga codsahayso inay soo saaraan amar fulineed oo ku meel gaar ah, oo ay ku joojinayaan Daabacaada iyo faafida buuggaas, ayidoo buuggaas la sheegay in Axada 22june 2020 la soo saari doono.

waana xili trump wado boor isku qaris, kadib markii wax walba fashilmayn ow doonayo ficil dabooli kara sirta banaanka taal, waxuuna doonaya in ow Shiinaha cuna qabatayn kusoo robo, asoo sheegay sababtu inay tahay cadaadiska ay ku hayaan muslimiinta wadankaas, waana xili ay ka digeyn shiinuhu in ow qalinka ku duugo ama saxiixo go’aan ow ayiga cuna qabatayn ku saarayo sabaabo la xariira muslimiinta Shiinaha.

W.Q Maxamed Daacad(M.C.C Daacad)