Maxaad kala socotaa isbeddellada uu ku tallaabsaday Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa (WQ: Mahad Ciise Xirsi “Boos”)

 

Ibraahim Axmed Raabi waa xoghayaha cusub Dawlada Hoose ee Hargaysa waxaa la magacaabay bishii March, 2015 ee sannadkan sii dhammaanaya. Waa aqoonyahan ku xeeldheer maamulka iyo socodsiinta hawlaha shaqo xaafiiska u masulka ka yahay, waana masuul u dhashay karti, aqoon, daacadnimo, iyo waliba hufaan shaqo.

Intii uu joogay Dawladda Hoose ee Hargeysa waxaa ka dhashay isbeddel la taaban karo sida dhinacyada saacadaha shaqada, socodsiinta hawl-maalmeedka shaqo ee xafiiskiisa iyo xafiisyada agaasimeyasha waaxyaha Dawlada Hoose iyo laamaha degmooyinka Hargaysa. Waxa xafiiskiila lga heli karaa ilaa 2:00-da duhurnimo taas oo waafaqsan sharciga shaqaalaha Dawlada iyo ka hay’adaha madaxa bannaaan. Waa tusaale fiican oo lagaga dayan karo waddanka oo dhan.

Waxaa la dareemi karaa korodhka miisiyadda iyada oo Dawaladda Hoose dhawaan soo iibsatay qalab casri ah oo ku kacay qiime aad u badan taas oo fudaydin doonta shaqada ay bulshada u hayso Dawlada Hoose ee Hargeysa.

Sidoo kale Dawlada Hoose ayaa noqotay mid si degdega u bixisa kharashaadka Haayada Dawlada iyo kuwa madaxa banan ee wada shaqaynta leeyihiin mudadii yarayd ee joogay xoghayaha cusub ee Dawlda Hoose ee Hargeysa si ka dhakhso badan sidii hore.

Dhinaca kale waxaa la fudaydiyey faylasha guryaha cusub iyo jeexista taaso awal hore wasto badan geli jirtay qofka aan aqoonta u lahayn Dawladda Hoose-na waqti badani kaga lumi jiray daba-socodka faylkiisa. Imika qof kasta oo si sharci ah u socda wuxu u dhamaysan karaa hawshiis si bilaa laaluush ah oo sharciga waafaqsan oo degdeg ah, taas oo ah calaamad muujinaysa hufnaanta shaqo iyo maamul ee Dawlada Hoose Hargeysa.

Ururinta cashuuraha Dawladda Hoose oo ka firficoon sidii hore loogu yaqaaanay oo dadwaynaha la siiyey wacyigelin ku filan taas oo sababtay in si buuxda dadku u bixiyaan cashuuraha ku waajibay. Iyadoo maalmahan ay socdaan hawlo jidadka lagu bannaynayey oo la furay waddooyin xidhnaa iyo kuwa la degayba.

Sidoo kale shaqaalaha Dawladda Hoose ayaa shaqadadooda iyo niyad-samaantooduba kor u kacday kadib markii ay arkeen nimaadka iyo kala-danbaynta iyo awood-siinta qofwalba shaqada uu ka hayo Dawlada Hoose ee Hargaysa.

Waxa guud ahaan muuqda hoggaanka Dawlada Hoose dhammaan sida Maayarka iyo Madaxweyne-xigeenka, shaqaalaha iyo dhammaan Golaha Deegaanka oo runtii aad mooddo in bilihii ugu danbeeyey uu waa cusubi u beryay marka la eego sida firficoon ee ay shaqada u wadaan taas oo soo celin karta kalsoonida shacabku ku qabo Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Taasi haddii ay sii socoto waxaa dhallin kartaa in Dawlad Hoose noqon karto meel lagaga daydo maamul-wanaagga iyo horumarka (Good governance, leadership and development ) isla markaana dadwaynaha gaadhsiin karta dhammaan adeegyada faraha badan ee bulshada Hargaysa uga fadhido Dawladda Hoose.

Qalinkii Mahad Ciise Xirsi “Boos”

sulub@hotmail.com.

Tell: 0634479513

 

“Aragtiyaha lagu lagu daabaco Bandhige waxay gaar u yihiin loona nisbeeyaa qoraaga maqaalka”