Sida aan kasoo xigtay Proff Günther Schlee buugiisa (siday cadawgu u abuurmaan : How enemies are made ) “khilaafka Aadamaha asalkiisu wuxuu ka bilaabmaa kala duwanaashaha dhaqan, isir ama aragti ” ( Günther Schlee : 2008).
Colaada iyo is-Afgarranwaaguba waxay ka bilaabmaan inaad adigu tahay Warfaa anna aan ahay Jaamac. Inaan nahay labbo qof oo kalla duwan waxay keenaysaa tartan nuuc walba leh , tartankaasina waa halka u horraysa ay ka abuuranto collaadu.
Aadamahu waxa uu ku kala caqli baddanyahay sida collaada tartanku keeno loogu baddalo tartan badhaadhe iyo barwaaqo keena . Tartanka badhaadhaha keenaayi waa marka loo tartamo si xarrago , xiise iyo xushmad leh oo cunfi iyo xannaaqadba ka madhan “Badiyaaba waa bahdeen ” .
Tusaale : bulshada caalamku waxay ku tartamaan ciyaaraha nuucooga kala duwan ha u madnaato kubbada cagtuye. Kuwa guullaha ka gaadhay intooda baddan ciyaaraha waa kuwa ku tartama ciyaar xushmad iyo xarrago leh. Tartankani wuxuu keenaa hal-abuur , dhiirigalin iyo horumar. Waana sida xeerka Binu Aadamka ee saxda ahi dhigayo.
Eeg ! tartan ka Soomaalida gaar ahaan ciyaaraha sida kubbada cagta , lugaha uun kama ciyaarnee afka iyo gacmaha oo aan tartanka ku jirin ayaan kusoo darnaa. Markaasaay luntaa xuramadii iyo xiisihii ciyaartu oo ay goobtii tartanku noqotaa xarrun dagaal .
Ciyaartii wada-xanaaqada ahayd ama cunfiga badnayd uunbaa xagga Siyaadana usoo baddelnay. Markaasaan ciyaarynay Siyaasad wadda xannaaqada oo xurmadii iyo xiisihiiba beeshay . Tartankani wuxuu keenaa dib u dhac dagaal iyo in la isku hub urursado. Waxana dhigaya xeerka kaynta (The survival of the fittnes) . Ninkii rooni reerka ha u hadho.
Tartan waa lama hurraane ma tartami karnaa tartan wanaagsan ? Haa waan tartami karnaa , laakin waa marka aan fahano sidda sillan suganta loogu baddallo sugan sugan.
Ummadba waxa ay ummadaha kalle ku dhaaftay sida nadiifta ah ee xarragada leh ee ay dhexdooda ugu tartamaan tartamada siyaasadeed , dhaqaale iyo aqoomeed .
Maxaan qoday doox sal weyn
Maxaan helay deeq mug weyn
Wax uu dad jeclaan lahaa
U waayey wax soo daldala ( Hadraawi : Daba huwan).
WQ: Cabdullahi Xaaji Siciid