Maxaan kariyaa maanta (WQ: Ina Siciid)

 

Guri kasta oo aad booqato waad ka maqlaysaa weedha ah “Maxaan kariyaa maanta”. Sababtoo ah qof waliba wax uu cuno ayuu maalin kasta u baahan yahay, qoys walibana cunto uu karsado ayuu maalin kasta u baahan yahay.

Muhiimadda ay cunto-karintu leedahay darteed, Bandhige wuxu jeclaystay in uu idinla  wadaago qado ama casho ay fududahay samaynteedu oo ay xataa ay raggeenu samayn karaan:

Maanta waa Cheese Pasta

Arrimahan soo socda ayaad isku daraysaa si aad u samayso Cheese ka kooban:

  • Baasto ½  kilo
  • Duqad ½ kilo
  • Tamandho ridqan koob
  • Basal ½ Kilo
  • Saliid koob
  • Toon/xawaska noocad jeceshahay
  • Caano dhanaan Koob
  • Milix malqacad yar
  • Filfil malqaacad yar
  • Basbaas cas iyo basbaas qaji
  • Mozerilla cheese
  • Baytaraaf xabad yar

Sida loo sameenayo:

Baastada ayaad so qaadaysa biyihii oo kuu kululaaday ayaad ku ridaysa in yar oo milix ah na wad ku daraysa kadib markay ku bislaato dhinac dhigo.

Samaynta suugada: waxad so qaadaysa maqle waxad ku shubaysa saliida markay kululaato waxad ku daraysaa basashii kadibna waxad ku daraysaa duqadii oo aad hore ugu walaaqday xawaashyadii, toontii oo ridqan iyo basbaaski casaa iyo qajigii iyo in yar oo milix ah, isku shiil alaabtas oo dhan kadib markaad aragtid in ay bislaaday tamaandhadii oo ku ridqana ku shub, markay bislaato tamaandhaduna waxaad ku daraysaa caanihii dhanaanaa wax yar ayaad ku yar daynaysa.

Weelkii aad ugu tala gaashay in aad offenka galisid ayaad so qaadaysa waxad hunta u dhigaysaa baastadii dushana waxad kaga daraysaa suugadi aad samaysay, baytaraafki oo aad hore u bislaysayna wad ku dul jar jaraysaa kadibna waxaad dusha kaga sii daraysaa cheeskii, dabka waxaad u gaadhsiinaysaa 180 muddadana waxad ku daynaysaa rubuc saac ilaa inta cheeska oo ka dhalaalayo si fiican uu dusha dahabi ka noqonayo.

Sidaa iyo qado wanaagsan ?

La soco qaybaha dambe ee cunto karinta.