Maxaan ku samayn lahaa hadii aan haysan lahaa hal malyan oo doolar (WQ: Jamaal Sahal)

Sheekadaan waxa ay kaaga markhaati furi doonta oraahdii ahayd “Haddii himmad jirto, waddadu waa ay imaanin”. Waxaa dhacdadaan iiga sheekeeyey buunigii waynaa ee Frank W. Gunsaulus.

Gunsaulus waxaa u muuqday iimo(cillado) haysta waxbarashada dalka. Waxaa u muuqatay in uu toosin karayo iimahaas(cilladahaas) haddii uu yahay madax jaamacadeed.
Waxa uu go’aansaday in uu aasaaso jaamacad uu asagu madax u yahay oo habka la habboon uu wax u baro ardayda.
Waxaa u muuqatay in uu u baahanyahay lacag dhan hal malyan oo doolar balse halkee ayaa uu ka keenin ayaa uu iswaydiiyey. Waxa ay noqotay waydiin maskaxdiisa ku soo noqnoqata markasta balse uusan warcelin u helin marnaba.
Habeen walba waa uu ku seexdaa fikraddas, aroortiina waa uu ku soo toosa. Marar badan ayaa ay maskaxdiisa ku soo noqotay illaa ay markii dambe noqotay mid maskaxda ka gashay oo aan ka baxayn xilli kasta.
Hal malyan oo doolar waa lacag badan sida uu ogyahay balse waxaa kale oo uu ogaa In heerka qofku uu gaari karayo uu ku xiranyahay heerka fakarka maskaxdiisa.
Maaddaama uu buuni(barafasoor) waynaaday iyo murtiile uu labadaba yahay waxa uu ogaaday in dhammaan dadka ku guulaystay nolosha ay ka guushooda ka bilaabeen ujeeddo cad.
Waxaa kale oo uu ogaa in marka ujeeddada cad lagu kordhiyo doonitaan xooggan oo ah in uu qofku ka dhabeeyo yoolkiisa ay ujeeddadii noqon doonto mid laga dhabeeyey oo la hantay.
Waxaas oo dhan waa uu ogaa balse wali ma garanayn halka uu hal malyan ka heli karayo.
Dadka intooda badani waa ay quusan lahaayeen ayaga oo oranaya “Aragtidaydu waa mid aad u qurux badan balse ma suurto galayso in ay shaqayso.”
Sida uu Dr Gunsaulus yiri iyo sida uu u fakarayay labaduba waa ka duwanyahiin sidaas dadku u fakaranaan. Aan idiinka dhexbaxo oo asagu ha idiinka sheekeeyo inta hartay, waxa uuna ku bilaabay sidatan:

“Galab Sabti ah ayaa aan qolkayga dhex fariistay aniga oo ka fekeraya habkii iyo qaabkii aan lacagtaas ku heli lahaa. Ku dhawaad labo gu’ ayaa aan ka fekerid kali ah ku jiray balse aanan waxba qabanin.
“Waxa aan go’aansaday in ay tahay in aan FICIL(FAL) ku daro malaynta(fakaridda)!
Waxa aan go’aansaday in aan lacagtaas ku helo hal toddobaad gudahiis. Sidee ku helin? Ismaba aanan waydiin markaan. Waxa kali ee markaan mudnaanta ii leh waa in aan go’aansaday xilliga aan lacagtaas ku doonayo in aan helo. Waxa layaabka ah ee aan doonayo in aan kuu sheego ayaa ah in dareen layaab leh uu ii yimid islamarka aan go’aanka gaarayba kaas oo igu oranaya “Maxaa aad go’aankaan horay ugu gaari wayday, lacagtu intaas oodhan waa ay ku sugaysaye!.”

Isbeddel dhakhso ah ayaa i galay. Wargaysyadii ayaa aan isugu yeeray oo aan ogaysiiyey in berri aan bixin doono khudbad aan ugu magac daray “Waxa Aan Ku Samayn Lahaa Haddii Aan Hal Malyan Oo Doolar Haysto.”
Isla markiiba waxa aan gudo galay in aan diyaariyo hadalkii khudbadda. Dhabtii ma ahayn wax hawl yar. Saqdhexe goor ah ayaa aan dhammeeyey qoraalkii kadibna aan hurdo u diyaar garoobay aniga oo rumaysan, hubana in aan heli doono halkaas malyan ee doolar.
Aroortii markii aan toosayba, waxa aan soo qabtay xaashidii,waa aan jilbo joogsaday kadibna Eebbe ka baryay in uu igu kaalmeeyo helitaanka ciddii iigu deeqi lahayd halkaas malyan ee doolar.
“Intii aan durraansanayay(ducaysanayay) ayaa aan dareemay qaboow kalsooni ah oo aan dareemayo aniga oo lacagtaas helay. Raynrayn kaliya waa aan dhaqaajiyey aniga aan qoraalkii hadalkii aan jeedin lahaa aan wadanin mana dareemin illaa aan goobtii dhex istaagay. Xilli aan ku doonto iima harin waxaana aan go’aansaday in aan maskaxdayda ka sheego iyo xasuustayda.
Markii aan dadkii hor istaagay indhaha ayaa aan inta isku qabtay sheegay waxii laabtayda ku jiray ee dareen dhab ah ahaa. Waxa aan u sheegay waxa aan ku qabanayo haddii lacagtaas la ii soo gacan galiyo. Waxa aan u sheegay in aan doonayo in aan ku dhiso xarun waxbarasho oo dhalintu ku shaqayso waxa la barayo isla goobta waxbarashada(baraatiko) iyo in dhalinta loogu sameeyo latalin iyo hagid maskaxeed.
Markii aan hadalkii dhammeeyey, ayaa nin ka istaagay meel saddex saf iga durugsan, inta uu soo kacay oo iigu yimid halkii aan taagnaa ee hadal jeedinta ayaa uu igu yiri “Mudane, Waa aan ka helay hadalkaaga waana aan rumaysanahay in aad samayn kartid inta aad noo sheegtay oodhan. Si aan kuugu dhabeeyo in aan ku rumaysanahay, haddii aad berri iigu imaan kartid xafiiskayga, aniga ayaa ku siinaya hal malyan oo doolar. Magacayguna waa Philip D. Armour.”

Dhalinyareygii Gunsaulus ahaa waxa uu tagay xafiiskii Armour, hal malyan oo doolar ayaana gacanta looga dhiibay. Lacagtaas ayaa uu ku aasaasay Xarunta Barashada Tiknoolajiyadda ee Armour.
Tani waa lacag ka badan inta buuni qof ahi shaqaysan karayo noloshiisa oodhan haddana lacagtaas ayada oo aragti ah ayaa ay wax ha ilbiriqsi ka yar kaga soo boodday maskaxda Gunsaulus. Halkaas malyan waxa uu ka dhashay fikrad balse aragtidaas waxaa xoojiyey oo ka dhabeeyey waa rabitaankiisii dhabta ahaa.

U fiirso…….. Ninkaani lacagtii uu doonayay waxa uu helay soddon iyo lix saacadood kadib markii uu go’aan cad qaatay oo ah in uu lacagtaas helo oo ku daray in uu ku dhaqaaqo qorshahii uu ku heli lahaa lacagtaas.
Wax cusub ama asaga gooni ku ah ma ahayn kalsooni darrada iyo rajada tabarta daran ee uu Gunsaulus ku doonayay in uu hal malyan ku helo balse waxa goonida ku ahaa ayaa ah in uu go’aan ku gaaray xilliga uu doonayo in uu lacagtaas ku helo asaga oo oranaya “Lacagtaas waa in aan toddobaad gudahiis ku helaa.” iyo in uu la yimid qorshe kadibna ku dhaqaaqay.

Buugga Think and Grow Rich(Fakar Oo Hodan noqo) ee uu qoray Napoleon Hill
Tarjumiddii Dr Jama Sahal
Mahadsanid akhrintaada.
La wadaag jaalleyaashaada.