Maxaan u jecelahay Sayid Qudub? (WT: Hamze Mohamed Muse)

Jecaylka aan u hayaa ma aha carrin ku aaddan kuwa uu dhibayo kalgacalkani, se waa uu mutaystay qalbigayga ay ku duuggan yihiin sheekooyinka iyo hal’adaygnimada dadkii suubbanaa, ee aan jecalahay in Alle igu daro faylkooda, Qiyaamahana la ila soo saaro.

Waan jecelahay Sayidka iyada oo ay jiraan dad neceb oo xaasidiin ah. Farxad ayaan kala badbataa marka aan ogaado in kalgacaylkani ka xanaajinayo cadowga Alle, gaar ahaan munaafiqiinta.

Waan jecelahay Sayidka, waanan ku raaxaystaa marka aan ogaado in kalgacaylkani gubayo qalbiyada kuwo hinaasuhu hagaasiyey, kana mid yihiin kuwa ku andacooda in ay yihiin murti-maalo, kuwo dadnimada dhowra iyo iftiinshayaal nololeed.

Waan jecelahay Sayidka, waayo waxa uu in badan ka warramay waxyaabo laabtayda gubayay, maskaxdaydana daaliyey oo aan tahli kari waayey in aan dibadda u soosaaro, nasiib-wanaag, waxa aan helay waxyaallihii maskaxdayda ka guuxayay oo hortayda ku qoran, qallinkii Sayidkuna ka muuqdo.

Waxa uu awood u yeeshay in uu daaha ka faydo siraha ku qorsoon qalbigayga, waxaanu igu kaalmeeyey in aan fahmo haasaawaha naftayda.

Waan jecelahay Sayidka, waayo waxa uu igu hagay in aan hadhsado hooska (hadhka) Qur’aanka, waxaanan ogaaday in ay tahay gallad weyn oo aanu garan karin qof aan dhadhaminin, waa gallad bilaysa nolosha, barakaynaysa, nolol wanaag iyo hufnaanna horseedaysa.

Waa tee galladda ka weyn in Alle kugula hadlo weedhihiisii isaga ka soo fulay? Waxa uu awood kuu siinayaa –Alle- in aad akhrido, qaybto, qorto oo aad fasirto weedhihiisa, adiga oo ah bashar taag-darran.

Waan jecelahay Sayidka, waayo waxa uu i dhex geeyey geeddi socod nololeed, deeto waxa aan is arkay aniga oo la nool facii Qur’aanka ee jaad-gooniga ahaa. Waxa aan ogaaday sababta uu facaasi uga soocnaa dhiggiisa, sababta uu u mutaystay in uu u xambaaro farrintan weyn dacallada dunida.

Marar badan ayaan akhriyey sooyaal-nololeedkii asxaabta, waan tahli kari waayey in aan kula noolaado dareenkayga, ruuxdayda, qalbigayga iyo caqligaygaba, se Sayidku habka uu ii dhexgeeyey ayaa saamaxay in aan intaaba kula noolaado.

Sayidka waan jecelahay, waayo waxa aan ka bartay iimaankaaga oo sarreeya iyo Islaamka oo lagu dhaataa dhadhanka ay leedahay.

Waxa aan bartay -Sayidka dabadii- mar kasta oo aan u tafaxayto fahmidda xaqiiqada diintan, aniga oo barbardhigaaya hannaanka basharka dayaysani dejistay, waa mar kasta oo werwerkaygu bato, kalsoonidaydu xoogaysato, isla jeerkaana aan dareemo in aan fig sare ka soo fiirinayo aqoondarrada hadhaysay arlada iyo dadka oo ku hawllan waxyaabo aad u liita.

Sayidka waan jecelahay, waayo waxa uu i dareensiiyey sowracayga muslinnimo, taaso oo keensanaysa in aan ka khashaafo wax kasta oo liita, waxa uu i fahamsiiyey in aan kaga soocanahay filkayga caqiido aanay jirin abtirsiin kale oo lagu doorsadaa.

Waxa aan garwaaqsaday in aanan ku abtirsan dadkan habowsan, se aan ku abtirsado
geeddi-socod nololeed oo soo taxanaa min Aadam, Nuux illaa Muxammad. Waxa taariikhdaas qayb ka ahaa mudankii basharka iyo haldoorradiisii. Waxa qayb ka ahaa ergooyin Alle ku sharfay in Waxyi iyo Farriin ay xambaaraan. Qolooyinkaa dabadoodna waxa aan ku abtirsadaa facii ugu mudnaa ee taariikhda soo mara, oo ahaa mudankii ummaddan loo soosaaray. Wanaagsanaa in lagu dhaato, wanaagsanaa maamuuskaasi.

Aniga oo huwan abtirsiintaas, waxa aan la qirayaa Sayidka in aaminaadda(Caqiidada) qofka Muslimka ahi ka dhigan tahay waddankiisa, tolkiisa, ehelkiisa, waana waxa keli ah ee ay dadku ku midoobi karaan, danaha ka dhexeeya xoolaha ee ah dhul daaq-simeed, xero iyo dayr ay wadaagaan kama dhigi karto basharka kuwo ku midooba innahaas.

Waxa aan ogaaday in sowracaa Islaamnimo iyo abtirsiimaha kale waddo cad oo aan madmawo lahayn ku kala baydhayaan; taas oo ah: “ Idinkuna diintiina haysta, anna tayda ayaan haysanayaa.” Baadi iyo Islaam ma kulmi karaan, waddada keli ah ee furani waa in dhanka Islaamka loo soo kaco. Ma jirto bar ay ku kulmi karaan, si kasta oo loo huwiyo hu’ Islaam amaba ay u sheegato astaan Islaam.

Sayidka waan jecelahay, waayo waxa uu i fahansiiyey macnaha ay leedahay Weedha Ilaahay baa ah ta sarraynta badan, dhadhanka ay leedahay in si dhammaystiran loogu hoggaansamo Alle iyo ugu dambayn macnaha ay leedahay: “Kitaab baanu kugu soo dejinnay xaqiijinayaa wixii ka horreeyey ee kutub ah, isaga oo maragna u ah kutubtaas.”

Islaamku uma iman in uu sugo fursadda markiisa, si uu nafaha u saameeyo, se waxa uu yimid si uu wax u maamulo, awood buuxda oo diineedna u yeesho, weedha Allena noqoto ta sarraynta badan, dhammaan wixii baadi ah na ay gommodihiisa hoos joogaan.

Sayidka waan jecelahay, waayo waxa uu i baray in Islaamku yahay caalami, waxa uu ii baray in Islaamku u yahay naxariis idil ahaan dadka oo dhan.

Sayidka hortii, waxa aan u fahamsanaa caalaminnimada Islaamku in ay tahay uun: baaq nabadeed ku aaddan basharka, una shaqeeya habka iyo hannaanka diin fidineed ee Kiristanka, amaba kooxda Tabliiqa oo kale, isaga oo ka hoos shaqaynaya maamul kasta, se Sayidka dabadii ayaan ogaaday in Islaamku u yimid si uu awood buuxda u yeesho, uguna koobnaan gobol, ama gobollo tirsan, se uu u noqdo maamul fidsan oo aan dabar lahayn, gaadhana meel kasta, guri kastana gala si kasta oo mid awoodle u hor istaago.

La soco qaybta labaad…..

W/Q: Ixsaan Faqiih(Af Carabi)

W/T: Hamse

Hamze Mohamed Muse