Maxad ka taqaan aragtida “feminism theory” iyo siduu ku soo bilaabmay? (WQ: Rashiid Odowaa)

Aragtidan Feminism waa kacdoon bulsho marka wakhti la joogaba mar Hirar iyo Mowjado soo kicisa waxay daarantahay in dumarka ay la sinnaadaan ragga ama xattaa laga sarraysiiyo ragga arrintan  oo adduunka saamayn xooggan ku yeelatay qarnigan 21aad,dhinaca Somalia waxa uu soo if baxay sanadihii Kacaankii Siyad barre dalka qabsaday waxayna ahayd arrintii Culimada lagu laayay 1975kii ka dib markii ay xukuumaddu soo saartay Xeerka Qoyska oo qodobo ka mid ahi si toos ah diinta uga hor imanayeen sida qodobka odhanaya Dhaxalka ragga iyo dumarku way u simanyihin markii Culimadu ay diideen waxa lagu fuliyay dil toogasho ah,arrintaas oo dareen xoog leh dadka ku abuurtay waxay ka mid ahayd waxyaabihii keenay bur burkii Somalia ay ka soo noqon wayday ilaa maanta.

Haddii aan Taariikhda dib ugu noqonna aragtida ama dhaq-dhaqaaqa loo yaqaan Feminist waxa Curiyay Nin Filosoofar Faransiis ah oo mabda’a shuucinimada jibbo wayn u  hayay oo la odhan jiray Charles Fourier 1837kii kalmaddan waxa kolkii hore ay ka soo if baxday waddanka faransiiska waxa ku xigtay Netherland 1872 waxa ku xigtay Ingriiska 1890kii waxa ku xigay waddanka Maraykanka 1910kii.

Ka hor inta aanu feminismku soo bixin waxa uu xaalka dumarku ahaa mid aad loo yaso marka la eego Yurubta Galbeed waxa la isku hayay dumarku ma dadbaa mise maaha, looma ogolayn in dumarku hanti yeeshaan,inay wax baran karaan,inay ka qayb qaadan karaan howlaha danta guud,waddanka faransiiska gabadha looma ogolayn inay suuqa marto ama meelaha pupliga ah,sidoo kale waddanka Jarmalka Ninku gabadhiisa wuu iibin jiray hadduu rabo,kufsigu wax iska caadiya ayuu ahaa ilaa laga soo gaadho qarnigii 20aad bilowgiisi dumarku xaq umay lahayn inay codeeyaan iyadoo duruufahaasi iyo jaahilnimadaas ayaa sbabtay inay fursad helaan dadka u dhaq dhaqaaqa feminismku

Femenismku halkaas  ayay ka  sii wadeen halgankoodii  waxa ay ka bilaabeen inay ku doodaan Dunidan caddaaladi ma taallo haddii aynu ka eegno xagga dhaqaalaha iyo Maamulka,Militariga,Golayaasha looga arrimiyo dalalka Adduunka waxa haystaa waa rag,meel kasta rag ayaa haysta waxay soo istaageen inaan dumarku caddalad ku haysan dunidan sidaas darteed waa in la helaa adduunyo ka duwan tan maanta aynu joogno oo ragga iyo dumarku u simanyihiin dhinac kasta. sidaas ayay ku doodeen.

Waxay markaas u tafa xayteen inay dumarka xaqa ka maqan raadiyaan hadba siday iyaga la tahay,kolka hore waxay ka bilaabeen in  magaca laftiisa ay ku jirto yasid sidaas darteed waa in la  simo sida “Police man ama police woman” ha loo rogo “police officer” waxa kaloo ay hirgeliyeen inaan la odhan Nin iyo naag ayaa wada socda ee ha la yidhaahdo “Partner” arrintaas oo ay ka ansixiyeen Hotellada la seexdo iyo madaarrada   waxa kaloo yidhahdeen gabadhu in aanay waxba dhalin ama ay ilmaha iska soo riddo hadii ay dan u aragto xor ayay u tahay ama isku muddo irbada ka joojinaysa,sidoo kale waa inay shaqo kasta qaban kartaa waa inay samaysan kartaa Hanti oo ay noqon kartaa qani,waa inay qandaraas saxeexi kartaa. Waa inaan hablaha jidhkooda la googoyn sida Gudniinka Firconiga ah.

Halkaas markay maraysay  Dumarka reer galbeedka naftoodu dhaq dhaqaaqaa dhinacooda ayay ka wadeen oo waxa jiray banaanbaxyo badan,waxa kaloo dhinacooda ka watay Xisbiyada Siyaasadda oo iyaguna cod ka doonayay oo Feminiskii Siyaasad ayuu sii galay.sida liberal feminism oo fasaxaya dumarka inay waxay doonaan oo caqligooda ka keenaan ay samayn karaan,waxa la dhiirri geliyay inay dharka ragga xidhan karaan oo qaab nin isu ekaysiin karto.meelaha qaarkood waxa la yidhi dumarka ayaaba mudnaanta koowaad ka leh ragga sida ay qabaan“Radical feminism” kuwooda sii xag jirka ah.

Waxay socotaba  aakhirkii soo gaadhay in la yidhaahdo ninku gabadhiisa hadday diiddo ma khasbi karo xattaa iyagoo wada hurda.haddana waxay uga sii gudbeen waxyaabo Diinteenna aad uga soo hor jeeda oo ay diidayso fidrada iyo abuurka allah ee uu ibnu aadamka  u abuuray taas oo ay dafireen qaabka ilaahy u abuuray aadmiga oo ku doodeen qofku isaga ayaa dooran kara jinsiga uu doono.isagaa dooran kara lab iyo dheddig ka uu rabo waxay maanta soo saareen sida Neo-femenismka kiisa casriga ah oo kale Erayga Gender oo aan loo hayn fasiraad sax ah waxay odhanayaan keliya waa hadba siday bulshadu u taqaanno uun.

Waxan ku soo xidhayaa dhaqamada shisheeye Sun bay sidaan ee ha laga digtoonaado kalmado badan oo la qurxinayo waxbaa ku hoos jira

rashidsalan@gmail.com

063-4101213