Maxamed Albu-Casiis: 26 jirkii noqday wadkii madaxda Carabta (WQ: Kamaal A. Cali)

Maxamed Albu-Casiis, waxa uu ka dhashay qoys sabool ama danyar ah oo ka kooban 9 ruux, oo midkood naafo yahay.

Aabihii waxa uu ahaa danyar muruqmaalnimo kaga shaqaysta dalka Liibiya, laakiin qaddarku kuma uu simin oo markii uu saddex sano oo keliay jiray ayaa uu dhintay.

Maxamed waxa uu waxbarashada ku soo dhigtay duruuf aad u adag, iyo dugsiyada ay danyartu wax ka barato. Illaa toban jir maalintii uu noqdayna waxa uu waxbarashada dhinac waday in uu u shaqeeyo soo saarista biilka qoyska, waayo adeerkii oo hooyadii dumaalay ayaa noqday bukaan socod aan shaqo awoodin.

Markii dakhligii uu soo saarayey uu ku filnaan waayey waxa uu ku qasbanaaday in uu waxbarashada iskaga tago, si uu u helo saacado badan oo uu shaqeeyo. Inkasta oo ay warbaahintu aad u faafisay in uu waxbarasho jaamacadeed dhammaystay, haddana wargeyska Gulf news waxa uu ka soo xigtay walaashii Saamiya in aanay duruufuhu u saamixin in uu xitaa dugsiga sare dhammaysto.

Maxamed waxa uu shaqo ka waayey hay’ado kala duwanaa oo dawladda dalkiisa ah, kuwaas oo uu filayey in heerkiisa aqooneed ku filnaa in laga shaqaalaysiiyo, laakiin sifo aanu ku qancin qoysku ayaa uu ku waayey shaqooyinkaas.

Maxamed ugu dambayntii waxa uu bilaabay in uu iskii u ganacsado, waxa aanu suuqa khudradda ee magaalada Sayidi Buu-Sayid dhex dhigtay miis uu ku iibiyo khudradda cagaaran iyo midhaha. Sida ay qosykiisu sheegeen bishii dakhligiisu waxa uu ahaa 140 dolar, oo qoysku biil ka dhigto.

Nasiibdarro waxa ay dhibaato weyni kala haystay maxamed Albu-Casiis iyo dawladda hoose oo si joogto ah si ay jidadka u furto miisaska uga burburin jirtay dhalinyarada uu ku jiro ee jidadka hareerihiisa ku ganacsada, marar badanna ka kaba qaadi jirtay miiska ay alaabtu u saarantahay.

Arrintan oo khasaare joogto ah ku haysay, ciil badanna badday ayaa ugu dambayntii sababtay in uu maalin Jimce oo bisha Diisambar 17 ahayd, sannadkii 2010 kii, dab isku hor qabadsiiyo xarunta degmada. Kaddib markii uu si aad ah uga cadhooday dawladda hoose oo kala wareegtay kaariyoon uu khudradda ku dul iibin jiray, iyo bilayska oo isagii dhibnaha ahaa dhib u geystay,

Qoyskiisu waxa ay sheegeen in iibsashada kaariyoonkaasi ay sannado badan ku qaadatay Maxamed, sidaa awgeed ay ku adkayd in uu ka hadhaa. Bilayska oo uu ashkato ugu tegey ayaa waxba ka dhegeysan waayey, weliba mid ka mid ah saraakiishii bilayska ee uu cabashada u sheeganayey oo ahayd gabadh lagu magacaabo Faadiya Xamdi ayaa si badheedh ah dadka hortiisa ugu dhirbaaxday iyada oo afka Faransiiska oo dalkaas aad loogaga hadlo ku tidhi, ‘Degage’ oo macnaheedu yahay, ‘Tag’. Waana kelmadda illaa maanta hal-ku-dhegga u noqotay dadyowga carbeed ee gadoodka kala hortegey madaxdooda kali taliska ah ee xilka ku dhegta.

Isla maalintii uu Maxamed isgubay waxaa cirka isku shareertay cadhada ay dadweynaha dalka Tuuniisiya ka qabeen in dawladda oo gabtay waajibkii ka saarnaa shaqo u abuurka dhalinyarada, haddana intii shaqada samaysatay kula kacday falkan ay kaga burburisay ishoodii dhaqaale, in ay ugu darto bahdilaad iyo in dacwaddooda la dhegeysan waayey.

Waxaa durbadiiba jidadka dhammaan magaalooyinka dalka Tuuniisiya buux dhaafiyey malaayiin dad ah oo ku dhawaaqaya ereygii uu u dhintay Maxamed ee afka Carabiga ku ahaa, ‘Irxal’ oo macneedu yahay guur ama tag. 18 maalmood kaddib ayuu Maxamed u dhintay dhaawacyadii dabka ka soo gaadhay. Laakiin dhimbiishii kacdoon ee dabkii jidhkiisa dilay ka dhalatay waxa ay socotaa illaa maanta oo laga joogo ku dhowaad 9 sano. Waxa aanay galaafatay madaxweynihii Tuuniisiya, Madaxweynihii Masar, Madaxweyneyaashii Liibiya iyo Yemen oo iyagu uba dhintay sababtii kacdoonkaas. Waxa ay burburisay dalkii Suuriya oo dawladnimadii galbatay, waxaa maanta xasilooni darro siyaasadeed iyo xiisado ka taagan yihiin dalal badan oo carbeed, kuwo kalana waxa ay habeen iyo dharaar wadnaha farta kaga hayaan goorta uu iyaguna ku guban doonaan dhimbishii Maxamed Albu-casiis.