Maxamed Mooge: Xidhiidhka halganka iyo Fankiisa Q.2aad (WQ: Cabdikariin-Xikmaawi)

Inkaste oo uu asxaab jecel, isna jecelyahay lahaa. Inkaste oo magaalo ku barbaarray oo ku koray uu jooggay. Inkaste oo ehelkiisa iyo dadkiisuba ay muuqaalkiisa ku indho doogsannaayeen, isaguna ku deexannaayay, haddana, hal mar ayuu xiise iyo xidhiidhba u jarayaa intaasba!! Maxaa dhacay?!! Belo ma yara, baasna waaba ku lammaannaa!!

“Halkii laygu dhallayee

Hoygii aan ku ababiyo

Magaalada Hargeysiyo

Hanaddada ku noolleen

La hal-maali jirrayoow,

Hadal iga dardaarana

Aan idiin hor-mariyee

Hareedkiyo gadhkiibaa

Hamash igu baxayoo

Ciradii haligysoo

Hal-haleel tallaabada

Hore uma dhaqaaqee,

Dhallin lama hobsheeyoo

Halka lagu caweeyiyo

Haasaawihii ka tegay..

Waa maxay sharkan aan kula galay?! Ha sheexinne, anba shooggaye, inta aad shanta dhabanka saarto, bal hadda inyar dareenkaaga keen halka aynnu ka hadlayno. Eeg hareerahaaga. Haye, yaa joogga? Ehelkaagii saw kuuma nabdoonna? Alaylahee.. Miyaannad galabta la ballansanayn qaar ka mid ah asxaabtaadii kugu qaaliga ahayd? Waadiga qoslaye, bal hadda u ducee saaxiibkaaga ku ag fadhiya, iyo qof kaste oo kugu qaaliyaba.

Maxaynnu ka warramaynaa? Wax kale maaha, intaas aynnu kor ku soo xusnayba nin sida cawsha ka banjooggoobay ayaynnu soo qabannaynaa. Waa kuma? Waa Maxamed Mooge. Allaw kuu naxariiso, haye hadda, Maxamed bal warka na sii.

Hanfi iyo dabeylbaan

La haraadayaayoo

Hawd aan la marin baan

Ka dhex heesayaayoo;

Hiil waxan ka doonnaa

Hoolifloow libaaxiyo

Inta habar-dugaaggoo

Hammi iyo walaac baa

Hurdo iga dhaartee,

Waar maxaad tidhi!! ‘Hammi iyo walaacbaa, hurdo iiga dhaartee’ subxaannaka ya wadduud!! Xaggee ayuu iskala helay labada eray?! Dhaygag badannaa falkiyaha midhahan yaabka leh maankiisa ka soo godlay. Ha yaabbin, ha yaabbin, waa wakhtiga, waa marxaladda, waana xaaladda!! Cismaan Diiriye Kulane (Carrabay) ayaa midhaha heeskan ku faro yaraystay, wax codkiisa cajabta qabana innagu soo gaadhsiiyay Maxamed Mooge.

Halkaad iga jirtaanbey

Dhaxantu iga haysaa

Tolla’ay reer hargeysoow!!

Markii lagu jiray halgankii SSDF, iyo kii SNM -ba, waxa la sheeggaa in heeskaas awgeed rag badani duurka u galeen. Oday habeen noo sheekaynnaayay ayaa nagu yidhi “Adeer Alle ayaa igu oge, heeskaas oo si dhuumasho ah Hargaysa loogu dhegaysannaayo kolkii aan maqlay, ayaan anigu magaalada ka baxay, sidaasna jabhaddii SNM ugu biiray” kelidii maaha odaygan uunne, maantadan rag joogga, oo codka Maxamed Mooge, gaar ahaanna heeskani duurka geysay ayaa buuxa; joogana.

Haddaba, heeskan iyo heeskii kale–ee ‘Soomaalidu ma-huruddaa’ oo labadaba uu Cismaan-Carrabay lahaa, ayaa mar uu ka warramayaayay qisooyinkooda waxa uu yidhi: ” Anaku marba qolaan kicinnaynay, dagaalbaan ku jirnaa; ma i fahamtay horta? Iminka hadda Maxamed Mooge oo kale saddex heesood ayaan u dhiibbay, Soomaalidu ma hurudaa, Tolaay ree Hargaysaw …..” Inkaste oo aanu heeska saddexaad sheeggin, haddana heeso kale oo yaab leh, iyo maansooyin cajiib ah ayuu waraysiga ku bixinnayaa abwaanku.

Bal hadda aynnu markale dhegaha ku culano codkii yaabka lahaa ee Maxamed. Haye hadda..

Haradaa biyaha lee

Hoygiinna taallee

Ka haraadantiinbaa

Hiirtaanyo cuduriyo

Igu dhalisey hawlloo

Dibnahayga haraggii

Hamuumyada u qoomme

Khayraadkii iyo hantidii ummadda ka wada dhaxeeyay, oo inta ay koox yari isku koobtay guud ahaanba dadkiina gaajo iyo macaluul u lee’anayaan ayuu arkayaa, cadho iyo is ciilkaanbi awgeed ayuu kolkaas dibnaha la qaniinnayaa!! Maxaa xiggi doonna? Bal hadda..

Hanad iyo adoowgii

Hooyo iyo wiilkeed

Hebel iyo carruurtii

Markey kala hulleeleen

Kala haayireennee

Isu hiilintoodiyo

Hadafkoodi kala diley;

Ama ays halmaameen

Wixi hoogga lagu dhigey

Hoos u eegi waayeen

Markaan taa hubsadeybaa;

Hiirtaanyo cuduriyo

Igu dhalisey hawlloo

Dibnahayga haraggii

Hamuumyada u qoomee !!

Aabbe, hooyo, wiil, waalid, walaal, wehel, waraso iyo weecaanba dadkii isku ahaa ayaa kala go’ay, kolkaas ayaa qof walbaba tiisu culsalaysay. Hubaashii waxa jirtay in wakhtiyada qaar hooyo wiilkeedii curad la dillay, haddana qosol, mushxarad, oo sacabbee la odhannaayay. Waxaas oo dhibba ayuu ogyahay; arkaa hal-abuurku. Maxamed Mooge oo la aragti ahaana waxa uu heeska ku laliyay codkiisii qarxiyaha Rabbaanniga ahi ku xidhna.

Tolaay reer hargeysoow ..

Tolaay reer hargeysow. .

Heesta 2-aad.

Dar Allaad-u-huruddaa !!

Qisada saxda ah ee heeskan, isaga oo abwaankii lahaa ka sheekaynnaaya waxa uu yidhi:

“Qisadeedu waxay ahayd, halkaas iminka ay ku jirto qolada asluubto, xaggeeda danbe; markaa dhabar-jabinta ayaa meesha lahayd. Markaa makhsin xagga danbe ah ayaan ku xidhnaa. Markaa waxbaannu dilaynaa ayay iyagu lahaayeen; Illaahbaa wax dillee. Burco ayaana layga soo afduubbay. Waana 1982-kii. Calaa kulli xaal markii meeshaa lay keennay, 17-habeen markii aan ku jiray, ayaan ogaaday meeshu in ay Hargaysa tahay!!! Laakiin markii horre maan garannayn meel ale iyo meel aan jooggo; Burcaa indhaha laygaga soo xidhay.

Sheekadaas ka gayoon maynno–oo waa sheeko dheerre, dabadeedna waan baxsaday. Daaqad iga danbaysa oo Kiniisadda ku jeedda -Kiniisaddu waa dhisme hadda iyo hilaaddaasba iska kharaab ahaa, laakiin wakhtigii gumaystaha ingiriisku isticmaalli jiray- ayaan laba garaa’ida dhexdooda laad ku dhuftay, shabagiiba waa ruqay, labadii mid ee garaa’idka ahaana gacmahaygaan ku kala riixayba, markaa halkii baan ka dhacay…

Markaa xaggii dooxa iyo baan qabtay, Inji iyo meeshaas -Inji waa sariibad weyn oo ku taalla magaalada Hargaysa, gaar ahaanna xaafadda Dunbuluq- markaa nin Aadan Shire la odhan jiray oo dhintay, gurigiisa oo daantaas ah ayaan galay. Dee halkaasaan galay, oon maalintiiyoo dhan ku jiray, habeenkiinna waa layga kaxeeyay, oo nin Nuuradiin la odhan jiray gurigiisa oo Jigjiga-yar ah ayaa lay geeyay, kaana habeen ayaan ku jiray. Guri ilma Maxamed Nuur Amaan leeyihiin–oo Biyo-dhacay ah; kaasaa lay geeyay, kaana 5-habeen ayaan jooggay.

Dabadeed iyaguna xadkii Wajaale, iyo kii Jabuuti uunbay culayska saareen; in aanan ka bixin. Calaa kulli xaal markii danbe gurigii ilma Maxamed na waan ka baxay, gaadhi tagsi (Tex) ayaa lay keennay, halkaa, een een, een, ii sheeg meesha maxaa la yidhaahdaa kaantaroolka ‘Halleeya’ Halleeya waxa joogga niman belo ah, oon meelna laga dhaafi karinne cirka wax ka shiishaaya. Markaa halkaa sokadeeda ayaan kaga degay, markaasaan idhi ‘gaadhiga marka meesha aad ku dhaaftaan, meelahaas horre ii joogsada burahaas ayaan lugaynnayaaye. Gaadhigii markii cabbaar uu dhaafay ayay eegeeggeenno, sidii wax uu ka xumaaday, dee xaggaas uunbaan kaga soo wareeggay, Berberana sidii baan ku galay.

Dee Berbera gabadh lala soo tegay baan ahaa!!! Ha, ha, ha, ha, ha, ‘oo markaas dharbaad xidhatay?’ ha, ha, ha, dhar dumar!! Waxa iigu daran, dee dheguhuna iima daloollin, markaasaan hahahahahah…. Horta ta iigu daran, markaasoo, markaasaan xagganna qariyaa, xagganna muuniyaa hahahaha… Adigu galnayoo, dabadeed guban baan u lugeeyay. Goobaale meel la yidhaahdo, oo dee maalintii iska daaye habeenkii aad bakhtiyayso; kulaylka, ayaannu lug ku marnay. Dee horta arrintaasi markii aan xaggaas tegay, laba inan baa ii yimid, oo qoyskayga ah, oo milatariga iiga soo baxay. Aniga iyo labadii inan oo wada soconna, ayaa niman Daraawiish ahi Burco nagaga soo baxeen!!

Tuulo war-i-daad la yidhaahdo, oo saraartaasa, soolkeedaasaannu iska helnay, maalintii oo dhan baannu isku rasaasaynnaynay. Adigu fiidnimadii, bay waxay qabteen hilinkii dadku ka dhawaa ma garannaysaa; oo xaggii dadka ayay naga mareen ma garannaysaa, dabeedna cidlaannu afka iska saarnay, ilayn waa kuwa iyagu xaggaas mareenne. Wax aannu iska guuraynaba, waxan kuu sheeggayaa Barkhadaw -Barkhad Maxamed Kaariye, waa ninka abwaanka waraysannaaya sheekadanna ka guraaya- Ma maqashay bahaluhu waxbay uriyaan? ‘Nacam’ haddaad dadka ka dhex baxdo, wax walba waad urinnaysaa; midhkaa anigaa ku idhi.

Walaahi sida bahalkaad wax u urinnaysaa, oo sida bahalkaad wax u arkaysaa, waxa midhaa laydhkan iyo, magaaladan iyo ayaa nuurkii indhaha innaga qaaday. Dabeeto annaka oo meel marayna saddexdayadii, ayaa hebeeddi noo urtay: habeed geel. ‘Waryaadhan meesha ma geel baa daaqaaya?!!’ wax aannu wadnaba, saaladiibaa qoyanba!! Awr galabta laga caraabiyay ayaannu helnay Barkhaddaw. Dabeeto waannu iska soconnayoo, xoolihiibaa noo uray iyo gurigii. Dabeeto markaasaannu waryaadhaheen waa la yaallaa meesha, oo reerbaa uraya!!

Waxaannu dooddannaba, goor danbuu Orgigii ku dhuftay ‘Ooh’ hahahaha… Dabeeto, aar waakaase inna mariya. Markii aannu u tagnay, inta badan ardaa yar ayay reer miigu dhinac ka samaystaan; oo la fadhiisto. Ardaagii ayaannu fadhiisannay. Dabeedna markaasay gabadhii kuriga lahayd, ninkii reerku waa ka maqanyahay. Anaa ku idhi ‘waar reerkaw, waar reerkaw’ markaasay gabadhii tidhi “dadka goortan soconnayaa ma jinbaa mise waa insi!!!” Horta Barkhaddaw kalmadda iga keentay qisadaasay ahayddoo, yacnii dee wax aan ku sawirro ma hayo oo, rikoodh aan kaga duubbo ma sito oo… Dabeed niyaddiinna waxay i tidhi ‘iyadaad u dhimannaysaayoo, nafteeda, ninkeeda, iyo neefkeedaad xorraynnaysaayoo, iyana sidaasay ku leedahaye, horta in aanay waxba dunida ka ogayn….

Dee markay sidaas tidhi ayuunbaan yar fikirrayoo, markaasaan ku idhi ‘Dar Allaad u huruddaa, Waxba dunida kama ogid..!! Markii aannu meeshii ka baxnay, ayaan dabeeto dagaallo kale iyo wax galnayoo, markaa ururkii SNM oo wax yar ahaa oo iga horreeyay, ayaa lix nin ii soo diray……….. Dabeedna meeshaasaan ka baxay, dabeedna Jigjigaan tegay, dabeedna Maxamed uunbuu Illaahay iskugu kaayo keennay…… Markaa intuu ka qaado maaha e, way dheertahay…”

Qisadaas yaabka leh ayay ku soo baxday heeska la yidhaahdo ‘Dar Allaad U-huruddaa’!! Naaxiyadda habboon, iyo gacanta miisaaman, waxa codkiisa ku saddexeeyay hoobalkii caan baxay, ee dulmi diidka ahaa, Alle godka haw nuurro e, Maxamed Mooge Liibaan. Bal hadda heeskiinna waa kane, ku soo dhawaada.

Dar Allaad U-huruddaa

Waxba dunida kama ogid!

Dugsigaanad nicinnoo

Dibaddaannad aaminin

Col ku doonnayaan jirin

Dila baan la odhannoo

Duubcas aan naxayn iyo

Daraawiishi kuma helin

Dumar baad ka tahayoo

Danbi taana kuma lihid!!

Dayac baanad araggoo

Adigoo dardhanayaan

Dusha roobku kaa helin

Dayax baanad gudinnoo

Dawyo aan la marin baan

Gudcur kaaga daba iman

Dumar baad ka tahayoo

Danbi taana kuma lihid

Dariiqaad martaabanaad

Hadba dib-u-luggaynnoo

Dabin dhawrba maad noqon

Adiga oo dar lumiyoo

Qaar daba maraayana

Dawac waanu kugu ciyin!!

Adigoo daallay shalayoo

Dirgan waayay maantana

Duhur lagugu soo bixin !!

Daman baannad noqonnoo

Dibnahaanad xidhannoo

Hadal baannad dayn wali !!

Dumar baad ka tahayoo

Danbi taana kuma lihid!!

Midhaha heeska waxa leh Aadan Tarabbi Jaamac. Laxanka, kamanka, iyo codkuna waa Maxamed Mooge. Sida uu abwaanku ugu gaabsaday meeriska ah “Dumar baad ka tahayoo, Danbi taana kuma lihid” ayaan ana in aan sii faahfaahiyo wax sheekada dheer aan uga gaabsaday.

W/Q: Cabdikariin-Xikmaawi

Fg: Qisada heeska waxa abwaanka ka waraystay Barkhad Maxamed Kaariye 2016.