Maxay aqoontu saameyn buuxda ugu yeelan weydey nolosheena?(W.Q. Maxamed Cali Bile)

18 maalmood ayaan Hargeysa soo joogay. Waxay aheyd muddo gaaban balse aad u xiiso badan. Waxa an qabtey laba muxaadaro oo ballaadhan iyo shirar badan oo googoos ah oo aan la yeeshey dhallinyaradda aan fikir waadagta nahay. Muxaadaradii hore oo lagu qabtey qolka shirarka ee Ururka Dhallinyaradda ee SONYO waxa ay ku saabsaneyd sababta ay aqoonto saameyn mug leh ugu yeelan weydey nolosha. Dhallinyaradii meesha iskugu timid ayaa aad arinkaa uga hadashey. Qodobadii aan anigu arinkaa ku arkey ayaan ku soo koobey 12 kan qodob.

  1. Tacliintii lagu baran jirey dugsiyadda dalka xiligii isticmaarka, waxay aheyd mid loogu tala galey iney u adeegto hawlihii iyo maamulkii isticmaarka ee xiligaa. Dadka dugsiyadda ka soo baxa oo ahaa tiro aad u kooban waxa intooda badani noqon jireen dad ka shaqeeya xafiisyadii isticmaarka oo u badnaa karraaniyo iyo turjumaano iyo woxoogaa macalimiin ah. Xiligii isticmaarka mey jirin tacliin loogu tala galay iney saameyn ku yeelato mujtamaca ama dalka hore loogu mariyo.
  1. Markii gobanimada la qaatey iyo sanadihii ka danbeeyey, tacliinta dalka lagu baran jirey mey lahey aragti fog. Waxa la baran jirey buugaag laga keeney Suudan, kiiniya, Ingiriiska iyo Masar. Tacliintu wey fiican tahay ee hala barto mooyee, mey jirin aragti dheer oo laga lahaa tacliinta.
  1. Xilligii kacaanku dhashay, 1969 kii iyo wixii ka danbeeyey, tacliintu waxa ay laheyd 3 hadaf oo kala ahaa in tacliinta lagu fadhiisiyo dhaqanka, afka iyo bii’adda Soomaalida, iyo in loo adeegsado borobagaanda lagu taageerayo dawladdii markaa jirtey iyo in tacliinta sare ay u adeegto wax soo saarka sida beeraha iyo warshadaha.
  1. Inkastoo dhinacyo badan hor-u-mar laga sameeyey xagga tacliinta, hadana weli ma cadda hadafka waxbarasho ee Soomaaliland leedahay. Waxa aan caddeyn nooca qofka la rabo in uu ka soo baxo tacliinta 12 sannadood ee dugsiyadda hoose, dhexe iyo sare lagu barto oo aheyn in uu ardeygu barto xisaab iyo Juqraafi iyo maadooyin aan noloshaba meel kaga jirin. Waxa aan iyadu melena heysan tacliinta jaamacaddaha dalka oo aan kuba saleysneyn baahida waddanka taalla. Tacliinta Jaamacaddaha waxa loo dhigtaa shahaadad ku qaado.
  1. Hadafka koowaad ee dhallinyaraddeenu wax u barataa maaha saameyn ku yeelo dalkaaga iyo mujtamaca balse waxa inta badan wax loo bartaa ku shaqeyso oo mushahar ku qaado oo bariis ku cun. Waa aragti gaaban oo anaani ah. Wax looma barto wax ku bedel ama wax ku ikhtiraac. Loomana barto dadkaaga dhibaatada kaga saar.
  1. Tacliin la barto laguma shaqo tago ee xirfad ayaa lagu shaqeystaa. Tacliinta lagu barto dugsiyada sare iyo jaamacadduhu dalkeena malaha wax xirfad ah, taasaana keentey in ardeyga jaamacadda dhameystaa noqdo “buug buug sita” oo aan loo soo diyaarin sidii uu uga qeyb geli lahaa shaqooyinka iyo wax soo saarka dalka.
  1. Ummaddeena qofka wax bartaa uu ka sii fogaadaa ummadda inteedii kale ee u baahneyd aqoontiisa. Marka ay qofka tacliini u korodho ama mansab wuu ka dhex baxaa dadka inta u baahan aqoontiisa, waxaanu u guuraa xafadaha dadka ladan, waxa uu la sheekeystaa dadka isaga la midka ah, aqoontii u barteyna waxa uu u adeegsadaa hor-u-marka naftiisa iyo reerkiisa oo keli ah. Markaad dhinac ka eegto, dadka wax bartey xaasidiin ayay u muuqadaan oo inta ay wax ku soo barteen hantidii ummadda ayay naftooda uun ka fuudh yeeleen.
  1. Dadkeena wax barta waxa ku yar kalsoonidii ay aheyd in aqoontu u kordhiso. Tusaale ahaan, halka caaqilka iyo suldaanku iyaga oo isku kalsoon uga hadlayaan sharciga dalka iyo sharciga doorashooyinka, arki meysid jaamacaddeheenna oo ka doodaya arrimaha sharci ee dalkeena. Aqoonyahanku wuu isdhiibey oo wuxu rumeysan yahay inaan cidina aqoon ka dhageysaneyn. Arki meysid aqoonyahan sharciga bartey oo ka doodaya sharciga doorashooyinka, halka ad arkeyso odey aan distoorkaba weligii arag oo hadana kalsooni ku doodaya.
  1. Qofkii aqoonta lahaa waxa uu u qaatey in aqoontu tahay inta uu bartay oo wuxu quudhsadaa aqoonta kale ee dadka aan dugsiyadda galin leeyihiin. Habeen aan muxaadaro qabtey ayuu nin dhallinyaro ihi i weydiiyey in dalka afmiishaarnimo lagaga shaqeysto oo aan aqooni shaqeyn. Waxaan ugu jawaabey, haddii aqoontaadii afmiishaar iska celin kari weydey marka hore ayaaney aqoonba aheyn. Takale, afmiishaarnimadu waa xirfad wanaagsan oo si qaldan loo adeegsadey. Ka warran haddii ad aqoon leedahay aftahanimana aad baratey- afmiishaar iyo dhagmiishaartoona kuma soo gaadhi karo.
  1. Aqoonteenii lamaba heysato waxa nolosha dhabta ah ka jira. Aqoonyahanka waxa lagu soo koriyey hooyo khudradleey ah ama hilibley ah, ama macalimad ah, ama aabbo wastaad ah, ama bakhaar leh ama dawladda u shaqeeya. Sidaas oo ay tahay, ma jiro qof wax bartay oo doonaya in uu ku shaqeeyo farsamadii lagu soo koriyey oo uu hore u mariyo. Kuligeen waxa aan raadineynaa shaqo dawladdeed oo sare ama lacag iyo dhac-dhac ka soo geleyo ama hay’ad ajinabi ah. Wixii ina horyaaley ma rabno.
  1. Dadkii wax bartay ma abaabulna oo bulshada ma dhex galno. Shaqadii dadkii wax bartay “waa nin iyo gaaraaguuf”. Deegaanka iyo xaafadda uu qofka wax bartay degen yahay sumcad kuma laha oo kama qeyb qaato waxa ka socda. Luqadiisu wey isbedeshey oo isaga iyo dadku isma fahmaan. Abaabul la’aanta ayaa itaalkoodii iyo aqoontoodiiba qarisey. Maadama aanu abaabulneyn, waa laga maarmey oo dadka intii kale ee abaabulneyd sida qabiilka ayaa taladii haya kii wax barteyna kolba waa sida loogu taliyo.
  1. Nidaamkeena dawladnimo si qaldan ayuu ku soo bilaabmey, aqoontana sidii la rabey umuu adeegsan. Wuxuu ka doorbidey oo u sahlanaadey in uu iskaashi la sameeyo inta weji ku macaashka ah iyo beel adeegsadayaasha. Xataa mid-midkii aqoonta la bidayey ee nidaamka siyaasadda galay isagii ayaa ku dhex milmey oo u dhaqmey sidii qof aan aqoon laheyn.

 

W.Q Maxamed Cali Bile

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

bileaqoontaiyonolosha@gmail.com