Hordhaca Turjumaha
Qormadani 1/Noofambar/2020 ayay ka baxday degelka Aljasiira ee af Carabiga ku baxa. Waa qormadii koobaad ee uu ku faafiyo Xaji Jaabir mareegtaas, tan iyo waagaas si joogto ah ayuu wax ugu qoraa, qormooyin mudnaan leh oo mawduucyo sheekada iyo warinteeda la xidhiidhana wuu kaga hadlaa.
Mawduucan uu bilawga u doortay Xaji Jaabir waxa uu la xidhiidhaa asalnimada sheekada, qofka warinayaa samaynta uu ku leeyahay, cidda loo warinayo ku xisaabtankeega iyo ajandayaasha kale ee sheekaynta ee asalnimada dhallanroga, caalaminimada oo irriddeedu reer galbeedayta iyo afafka Yurub ee Ingiriis ugu horeeyo noqotay iyo muranka kala dhexeeya maxalinimada. Waxa ugu yar ee uu innagu baraarujin karo qoraalkani waa in aynaan la shawikhin caalaminida sheeko aan leenahay (ama qof innaga dhashay, waa isla halkii uun e) ajandayaasha ukaska ama kama’a ah ee caalamiyaynta.
Naska qormada:
Markii aan kula kulmay sheekoyahanka Talyaani ee Jusebbe Kaatotsella Kuwayd, waxa aan u siday waydiin dib aan u dhiganayay tan iyo judhii aan ka dhamaaday sheekadiisa qurxoon ee โูุง ุชูููู ุฅูู ุฎุงุฆูุฉ/Ha odhan waan baqayaaโ oo daabacaaddeeda Carabigu ka soo baxdayย Daar Almutawasidย iyada oo uu turjumay Suuriyaanka Mucaawiye Cabdimajiid. Waxa ay ka duulaysaa sheekadu qisada dhabta ah ee orodyahanaddii Soomaaliyeed ee Saamiya oo ugu goโday qarqoon biyaha badda dhexe iyada oo isku dayaysa in ay Yurub u tacabirto. Talyaaniga oo qudha waxa lagu iibiyay in ka badan 100 kun oo nuqul ka hor inta aan loo turjumin sheekada afafka kale ee Yurub, illaa ay qaaradda ka baxday. Hadda waxa laga shaqaynayaa filin shaleemood in loo rogo.
Ninku wuxu kaga warramay jaribkiisa halabuur kulanka โSheekooyinka iyo Sheekeeyayaashaโ, markii uu sidaa uga dhamaadayba waxa aan kaga horreeyay waydiinta: Miyaanay kula ahayn in uu u banbaxo qoraagu mawduucyada ay isgaadhaan hami, aqoon, dhaqan iyo xataa juquraafi’ahaanba? Uma baahan Jusebbe wakhti uu ku fikiro, sidii oo uu fahmay in aan ereyo kale ku waydiiyay in uu rumaysanyahay haddii qoraa Soomaaliyeed uu u qori lahaa qisada Saamiya si ka runsan sida uu falay isagu, ayuu markiiba iigu jawaabay qoraaga isaga oo kale ahi, marka uu wax ka qorayoย mawduucyadan oo kale, in uu fahmi ogyahay garaadka akhistaha reer galbeed, sidaasna sheekadu ay ku helayso faafitaanka ugu badan aduunwaynaha, taasina ay tahay waxa ugu yar ee loo qaban karo gabadha hoyatay.
Runtii, in kasta oo sheekoyahanka Talyaani jawaab cadcaddaa wuxu igaga tagay layaab libinlaaban. Sheekadii lala rabay in ay dhigto nolosha gabadh Soomaaliyeed iyo hayaankeegii ay isku raadinaysay ee ku dhamaaday nasiib darro geerideeda, lana kaashaday ilo badan oo ay ku jiraan qoyska Saamiya, si loogu dhawaado dhabta wixii dhacay ka hor inta aan laga shaqayn sheeko ahaan, waxa ay soo baxday kama danbayntii waxsoosaar u cuntama akhristaha reer Yurub in ka badan inta uu yahay wax u eg waacaqa Soomaaliyeed. Waa run, si guud in masaaxadda ay sheekadu bixinayso ee u dhaxaysa waxa dhacay dhab ahaan iyo waxa uu abuurayo qoruhu ay balladhantahay, waxaba laga yaabaa in waxa ugu qurxoon ee la gaadhi karaa ay tahay qoridda wax aan dhicin iyada oo laga duulayo waxa dhacay, lakiin waxaas oo dhani meesha kama saarayaan in sheekadu leedahay khidaab garaad leh, kutalogalna ah oo ay kuย dhamaanayaan dhamaan farsamooyinka farshaxan, meeshana ayna ka saari karin sida ay doonaan ha u cod dheeraadaan e. Khidaabkaasi la yaab ayuu noqon, ama wax dhalanrogan marka uu buriyo deegaanka sheekada, kana dido.
Waa run sidaas oo kaleย in si guud suugaantu iyo si gaar ah sheekadu, shiki la’aan, ay aadamaysantahay isha illaa biyoshubka, oo way dhaaftaa qaybqaybinta cidhiidhiga ah, lakiin sida aan rumaysanahay sahrdi ayay taasi leedahay, waana in ay sida ugu runsan ee suuragalka ah uga cabiri karto xaaladda ay la dhaqmayso, labisankartana jawigeega illaa inta qaadkeegu yahay, sidaas ayuu u awoodaa sheekoyahan kasta in uu wax ka qoro goob kasta oo aduunka ah marka uu awoodo in uu tiro qalawgiisa uu mawduuca wax laga qorayo ka qaloonayo.
Sidaas waxa aan u leeyahay, waxa aan rumasanahay in sheekada “Ha odhan waan baqayaa” ay quruxbadantahay sida aan ku sifeeyay bilawga maqaalkayga, lakiin kamay runsheegin deegaanka sheekada, waxaba ay ku dhawdahay in laga soo rujiyay carradeedii si loogu abaqaalo carro aan teedii ahay, taasina waxa ay keensanaysaa badal beeliyay sida aan malaynayo asalnimadii laga filayay, oo ah raasamaalka waxsoosaar kasta oo halabuur ah. Aan si xaddidan u hadlo e, sheekada oo qaab diiwaangalin leh, haddii la odhan karo, dib ayay u habaysay bulshada Soomaaliyeed si ay ugu cuntanto sawirashada reer galbeed, inkasta oo ay keentay isburin cad. Tusaale ahaan, jidka ay haystaan xoogagga maxkamadaha Islaamka ee ay ku cabudhinayaan dadka adeegsada laftiisa ayay kula ordaysaa halyayyada sheekadu iyada oo madax qaawan saaxiibkeed fiidad caddo ah, iyada oo ku tamaniyaysa caalaminimo, marka taasi u dhabawdana, ee Saamiya ka qaybgasho ciyaaraha olombikada caalamiga ah doorkii Bikiin, waxa ay uga qaybgalaysaa ugu horrayn si ay u xorayso hablaha ay isku jinsiga yihiin ee sugaya fursad la mid ah.
Markaas, ma dhamstirmin muuqaalka halyayyaddu sida galbeedku sawiranayo illaa ay ka gadisnaato deegaankeega ka gaddisan galbeedka. Ma dhamaystiranteen illaa ay noqoto koobi akhristeheega reer Yurub ah, laakiin deegaan Afrikaan joogta, qaddiyaddeeduna marwalba tahay jabinta kala tagsanaantaas labada goobood kala gaysay. Miyaanay suurtagalayn in aan ka sheekaynno Saamiya oo aan ka gaddisnayn gabadh kasta oo kale oo Soomaaliyeed, lakiin orodka uun jecel tusaale ahaan, ku orodda jid kale iyada oo aan cidi dhibsanayn, oo la haysata dad kale iyada oo aan innoo ekayn mise taasi waxa ay wax ka jari lahayd muuqaalka sheekada sida hore loogu sii sawirtay?
Waxa layaab leh in wareejintaas ku dhacday sheekooyinka Soomaalliyeed ayna ku joogsan akhristaha reer galbeed ee dartii loo qoray oo qudha, waxa ay la wareegtay af kasta oo naska loo turjumay, heer ay ku soo noqotay deegaankeegii oo ay akhriyeen Soomaaliga iyo dadka dalalka gobolka ee ay isku dhaqanka yihiin iyaga oo aan iska dhex arkin, maaha in aan iyaga loo qorin oo qudha, ee waa in ayna marka horaba ka run sheegin sheekada. Arrinku wuu soo dhaafay in sheeko Soomaaliyeed oo badalan loo gudbiyo akhristaha reer galbeed, hadda Soomaalida laftooda ayaa ku socotaa. Hirgalka sheekaduna wuxu adkeeyay warintaas, oo waxa adkaatay in la isku dayo in lagu saxo shaqo kale oo ka hadlaysa qisada lafteeda tusaale ahaan. Sidaas oo kale waxa layaab leh in sheekadu dhawratay macaankii iyo xiiso galintii, taas oo laga yaabo in ay arrinkasta oo kale qiimo dhintay, taasina waa mushkilad kale shaki la’aan.