Maxay kala mudan doonaan ku-meel-gaadhka Jirde, Hoggaan-muhashada Xirsi iyo maamuus-dhigista Cirro? (WQ: Maxamed Xaaji Maxamuud)

 

Guddoomiye Cirro ka tag Golihii Wakiillada ee aan 2012 sheegay in aaney cidna sharciyan ka qaadi karin – isaga oo iskii uga taga ma ogiye. Cirro xilka ka tag goor uu hilbihiisa feentay, lafihiisa ruugay, maraqiisa cabbay, oo uu digaandigaha ka sameeyey – dantiisana si wacan ugu fushaday. Guddoomiye-nimada Cirro ee Golaha Wakiilladu waa ta sababteeda leh in uu Waddani soo baxo, Gabboosena boodhka afka galiyo! Waa ta keentay in uu Waddani xoogaysto oo uu deegaan walba isku ballaadhiyo, dawladda Kulmiye na uu itaal af, dhaqaaq addin iyo malafsi maalba isaga caabiyo. Halka ninkii ka itaalka weynaa; waa Madaxweyne-Xigeen Saylici e, uu xilkii uu hayey damaciisa doorasho u adeegsan kari waayey ee uu goob cidla ah la yuurursaday.

Maanta se xaal sidii hore waa uu ka duwan yahay, waayo Cirro ma aha kii shalay iyo ninkii qaranka kaalinta saddexaad kaga jiray ee maamuuska dastuuriga ah lahaa. Isna maanta ammuurtaasi kama dadna oo xaajo waa isbeddelka igu yimi garwaaqsaday oo laabta ka ogsooni. Cirro maamuus ahaan maanta waxa ka milgo weyn dhiggiisa xisbiga Kulmiye. Sababta oo ah Muuse waa murrashaxa xisbiga xukuumiga ah sidaa darteed fagaare wal oo la isugu yimaado wixii hadda ka danbeeya waxa maamuuska yeelan doona sida caadada ah Guddoomiyaha/Murrashaxa Kulmiye.

Sidaa soo ay tahay Cirro waxa uu ku khasban yahay in aannu murrashax keliya ahaan ee uu dardar weyn oo saa’id ah la yimaado. Waxa uu ku khasban yahay in uu dedaalka intii hore ka sii badiyo. Guddoomiye-nimada Jirde iyo Hoggaamiye-nimada Xirsi labaduba dhawaan waraabe u taag ayey noqon doonaan. Waayo Xilkii ka mashquulinayey Cirro ee Golaha Wakiilladu waa cirka u tuur, waxa la isugu yimaadaaba waa xisbigii Waddani oo afkaarta iyo doonista murrashaxa ku shaqeeya.

Ma aha in uu Cirro ballan-furayo waase in ay dani seeto tahay oo uu qalwadii mas soo galay. Waa hadda iyo wax wal oo waraabe u taag ahaa oo soo af-meermay iyo Cirro oo maanta mucaaridnimo kaw u tahay kuna qasban in uu xoog iyo xiniinyo isugu geeyo in uu la tartamo murrashax gaadiiday oo aad u xoog roon shakhsi ahaan, waayo-arag ah oo siyaasadda ku ruug-caddaa ah dawladnimo weyn na dhabarka ku haya.

Maxamed Xaaji