Maxay ku kala duwan yihiin shaqsiyada hoggaamineed ee Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi? Q.2aad (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)

 

Qormadeenii hore ee shalay waxaynu si kooban u dul maray shakhsiyadda Hogaamineed ee Korneyl Muuse Biixi, Qoramadeena Maantana waxaynu si kooban ugu eegaynaa, Amasador Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),Musharaxa Madxweyne ee Xisbiga Waddani:

Shakhsiyadda Hogaamineed ee Cabdiraxmaan Cirro: Xirfad ahaan waa diblumaasi muddo dheer kazoo shaqeeyay wadamo badan oo caalamka ka tirsan, oo uu wakiil uga soo noqday Jamhuuriyaddi Burburtay ee Soomaaliya, shaqsiyad ahaan, waa nin degan, aadna u afgaaban, jecelna inuu inta badan dhegaysto dadka, aadna u qanciyo intii awoodiisa ah, waxaa kaloo dadka sida weyn u yaqaanaa ku sifeeyaan inuu yahay nin daacad ah, oo aan sida siyaasiyiinta kale hagardaamo badan lahayn,waa nin jecel inuu markasta kasoo dhexmuuqdo goobaha ay ku kulmaan bulshada dabaqadeeda hoose, sida maqaaxiyaha iyo goobaha dadka caadiga ahi ku qaxweeyaan, oo aan lahayn isla weyni u diida inuu fahmo dadka uu rabo inuu hogaamiyaa kuwa dhabta ee ay yihiin marka loo eego sida ay u fekerayaan,iyo sida ay u nool yihiin labadaba, waa nin dabacsan, oo aaminsan inuu qiimo ku leeyahay dadkiisa, balse, aanu dadku isaga wax ku ahayn.

Cabdiraxmaan Cirro, Malaha aftahamo iyo balaaqad la majeerto oo hibowi ah, oo uu si fudud ugu soo jiidan karo quluubta dadka uu la hadlayo, taas bedelkeedana, wuxuu isticmaalaa Xeeladda ah jeedinta Khudbado aad loo soo ururiyay nuxurkooda, oo lagu ladhay weji furnaan iyo dhoolaceddeyn diblumaasiyadi ku xardhan tahay, balse, dadka dhaliilaa, waxay ku sifeeyaan inuu yahay Hogaamiye jilicsan, oo aan go’aamo ad-adag gaadhi Karin waqtiyadda qadhaadh, ee ay go’aamadda noocan oo kale ahi muhiimka yihiin in la qaato, waxay kaloo ku dhaleeceeyaan, in talada xisbiga inteeda badani ay ka go’do Musdanbeedka iyo Khusuusta Beesha uu kasoo jeedo ee Habar Yoonis,, sida Gudidda Guud ee Beesha uu kazoo jeedo, waxaanay tusaale usoo qaataan, waqtigii uu Mubaayacadda la gelayay Cabdiqaadir Jirde iyo Beesha Arab (xiligii Shirweynihii Wadani ee u danbeeyay) in ciddii la socotay isaga, ee mubaayacadda la gelaysay Beesha Arab  ay dhamaanba ahaayeen Xubnaha Xisbiga Wadani ee Beesha C/raxmaan Cirro ka tirsan, iyo Xubnaha Gudida Guud ee Beesha Habaryoonis oo keli ah, lagana tegay dhamaanba xubnihii kale ee xisbigu ka koobnaa, ee beelaha kale kazoo jeeday, taasoo mugdi gelisay sawirka xisbigu ku dhex lahaa bulsho weynta reer Somaliland, waa sida ay dad badani ku andacoodaane.

Dhinaca fikirka siyaasiga ah, kuwa dhaliilaa, waxay ku sheegaan in uu aragti ahaan u janjeedho midnimadda Soomaali weyn oo mar kale laysla helo, xidhiidh aad u dhow la leeyahay hoggaamiyayaasha Soomaaliya, fikirkan oo ah mid ay xasaasiyad ka qabaan in badan oo dadka ku dhaqan Soomaaland ahi, laakiin, tani ma ahan mid isaguun ku kooban, ee waa mid Muuse Biixi laftiisu la wadaago, marka loo eego xidhiidhka aadka u dhow ee uu la leeyahay Ismaaciil Cumar Geelle, oo ah Madaxweyne U ololeeya sidii Marlabaad Soomaaliya laysugu keeni lahaa Midnimadeeda, halka, labada xisbiba ee Kulmiye & Wadaniba ay haatanba ku jiraan siyaasiyiin iyo aqoon yahano caan ku ahaa fekerka ku aadan midnimadda Soomaaliye, qaarkoodna ay labada meeloodba (Soomaliya, Somaliland) ay xilal kazoo qabteen.

Isku soo Wada duuboo, Akhirstoo aday ku taalaa sida aad u naaqishi karto labadan qormo ee xidhiidhka wadaaga, iyo bardaaminta labadan Hogaamiye ee ay qormooyinkani ka kala hadlayeen, kadibna ku jaangoyso xulashadaada ka turjumaysa kan ku haboon inaad ku aaminto masiirkaaga, kan dalkaaga, diintaada, tan jaarkaaga, iyo masaaliixda aad la wadaagayso dunida inteeda kale.

NB: Waan ka cudurdaaranayaa, kana raaligelinayaa haddiiba ay jiraan cid ay qormooyinkaygani si taban u taabteen dareenkooda (cafwan ayaann idiin leeyahay).
La soco, Qormadda sadexaad iyo Shakhsiyadda Hogaamineed ee Faysal Cali Waraabi, oo dad badani qabaan inuu sidii Markonka Faransiiska usoo bixi doono si aan cidina sii saadaalin, iyadoo aad moodo in taagerayaashiisuna soo kordhayaan maalinba maalinta ka danbaysa si aan la dareemayn,halka dadka siyaasadda odorosaana ay isha uun ku hayaan labada kale.

Qalinkii: Hussein-Lucky Mohamed Mohamud,

Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com