Maxay mucaaradku ku diidanyihiin komishanka cusub? (WQ: Alimahdi Jibril Hassan Shiikh)

Mar hadii qarankii reero ha la baryo marayo, Cabdirashiid Riyo-raac iyo reerkiisuba danta dalka iyo dadkaba ha u tanaasuleen.

Hadii Madaxweynihii yidhi Siduu xalku ahaa Komishanka cusub waan awoodi waayay in aan kala diro’e reerohooda iila taga, sida Gudoomiye Faysal BBC-da u sheegay, warku waa iska cadyahay,

Shacabka been baa loo sheegayaa anigu waxa la isku hayo aan idiin sheego:
——————————————————————
“Labada Gudoomiye ee Mucaaradku waxay isleeyihiin Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Komishanka beeshiisa iska hor keena oo ha isa seegeen, madaxweynuhuna ina riyo raac is casil ha dhoho, waxaan taas ku cadaynayaa komishanka hore way diidanaayeen weliba doorashadii bay Muuse ugu shubeen bay ina lahaayeen, maantana way aqbaleen wax kale uma ogolaan waa intaas uun.

Madaxweynaha laftarkiisu siyaasadaas mid la mid ah buu ciyaarayaa isna wuxuu iska ilaalinayaa in la eersado oo sidii Boqor Buurmadow sheegayay oo kale la yidhaahdo reerkaanad waxba u ogolayn oo dagaal baad kula jirtaa maxaad u fara gashan komishan sharci ah.

HADABA WAXA AYNU DAAWANAYNAA MAXAY TAHAY WEJIGA LA INA TUSAYAANA.

“Waxaynu daawanaynaa laba kooxood oo kala ah, Mucaarad isleh Madaxweynaha iyo Deegaankaas iska hor keena, Iyo Madaxweyne iska ilaalinaya in uu dabinkaas ku dhaco, oo dhanka kalena isleeyahay diidmada komishanka ku shaanbadee mucaaradka in ay gudoomiyenimada u diidanyihiin reer, isna wuxuu isleeyahay eedaas iyagu ha qaateen ha isku taataaban oo cid kale ha ku tidhaahdo is casil komishanka, sida gudidii iyo xisbiyadoo si wada jir ah ula wada kulma kuna qanciya, ee aanu keligii badaas gelin.

MAXAY U DIIDANYIHIIN MUCAARADKU?

waxay u diidanyihiin komishanka waa
C/rashiid riyo raaac oo ay ku qoonsadeen in uu ka soo jeedo beel xisbiyada oo dhani cod ka rabaan oo aan maanta sharaxnayn reer gaar ahna heshiis kula jirin,
Masuulkaas waxaa keenay muuse biixi (Madaxweynaha Qaranka) halka labada gudoomiye ee kale soo xuleen xubno la qoys ah, waxay u arkeen keenista ninkan shax siyaasadeed oo uu ciyaaray muuse uuna beeshaas tusayo in isagu wax u ogolyahay halka labada nin ee kale reerohooda uun wax u ogolyihiin, arintaas waxaa laga baqay in gudoomiyaha komishanku cod ku keenayo xilkaas, madaxweynuhuna jacayl gaara uma qabin ninkaase shaxdaas buu ciyaarayay

Labada dhinacba marka aad dadka ku dhow dhow la sheekaysato xogta aad ka helaysaa waa kala riixashadaas uun.
Intaas keliya weeye waxa qaranku u liiqliinayo

Hadaba maanta maxaa la gudboon gudoomiyaha komishanka ee cusub?

Waxaa la gudboon Gudoomiye Eng Abdirashid Ali in uu Kasbado quluubta shacabka, waxaan leeyahay adeer waa maalintii ragga la kala baran jiraye gobanimo ku dhimo oo intaad banaankaa istaagto dheh, dartay dalka doorashooyinkiisu dib ugu dhici maayaane waan is casilay qarankaana u tanaasulay.

Beesha Gudoomiyahana maxaa la gudboon?

Beesha gudoomiyuhu ka soo jeedana waxaa la gudboon in ay qaranimada ka raacan, waxaan leeyahay yaanay inagaga dhegin Cabdirashiid riyaac waa lama taabtaane, maanta qaranka ha loo tanaasulo, oo sadexdan oday lagu kala.guntado, gobanimaduba intaas bay idiin jirtaaye.

Boqor Osman Buurmadow oo ah shakhsi waalidna ii ah ixtiraam badana aan u hayo odaygaygiina ah waxaan isna leeyahay “Camuu maanta adna sharaf gunto beeshaadana shaal huwiyoo qaranka ha loo tanaasulo, dhamaanteen iyo dalkeenaba waxaa u sharaf ah in ay doorasho inoo dhacdo qarankana guushiisu waa doorasho hooyo u ah dimuqraadiyada la inagu majeerto e, beelnimadu yaanay qaranka inagala waynaan.