Maxay Somaliland ka baran kartaa falsafadda siyaasadeed ee Abiy Ahmed? (WQ: Mustafe Aadan)

Marka si qoto-dheer loogu fiirsado isbedelada siyaasadeed ee uu Abiy Ahmed ka wado dalka Itoobiya, gaar ahaan dhinaca axsaabta siyaasadda (political parties) waxa kuu muuqanayaa in uu yahay hoggaamiye aragtidii iyo falsafaddii uu ugu magacdaray ‘MEDEMER’ ka dhabaynaysa, taas oo uu sheegay in uu ilaa yarantiisii aaminsanaa.

Falsafada Abiy ee MEDEMER waxa ay salka ku haysaa siyaasadda cusub ee ah in dhiig cusub lagu shubo siyaasadda gammuurtay ee dalkaas, taas oo meesha ka saaraysaa siyaasad iyo axsaab dad iyo qoomiyado gaar ah kooto ugu xidhan. Asxaabta TPLF iyo ODP ganafka ayay ku dhufteen hindisaha Abiy Ahmed.

Tallaaban oo kale waxa u baahan Somaliland iyo dalalka kale ee geeska oo axsaabtooda siyaasadda shakhsiyaad gaar ahi ay xuurto ku haystaan muddo dheer, si dhallinyarta iyo aqoonyahanku fursad u helaan.

 

Fiiro gaar ah:

Buugga uu ku soo bandhigay falsafadiisa ‘medemer’ oo wax badan ayaa ku qoran yihiin keliya waxa aan eegayay fikirkiisa axsaabta siyaasadda.