Maxay Somaliland ula soo noqotay madax bannaanideeda?

Somaliland oo xorriyaddeeda ka qaadatay ingiriiska sanndkii 1960kii bishii June 26keedii, isla markaana afar cisho kadib ku biirtay walaalahood Soomaaliya, si loo raadiyo saddexdii qaybood ee kale ee soomalida loona dhiso dawlad soomaali oo dhammi leedahay oo waxa loo yaqaanno shanta soomaliya, waxa ay la soo noqotay madax bannaanideede 30 sano kadib, markii ay nafahooda huree boqollaal kun oo haldoorkii ummadda ah , sidoo kalena uu ku baaba’ay wixii dadka reer somaliland maal iyo hanti lahaayeen, waxaanay u qaxeen dhanka dawladda Itoobiya, iyaga oo wax walba eber ka soo bilaabay.

Sababaha haddaba dhabta ah ee ay somaliland ula soo noqotay madax bannaanideeda waxa ka mid ah kuwan soo socda.

  1. Dadka reer somalilaan waxa ay la soo noqdeen xorriyaddoodii markii ay arkeen in calankii iyo xorriyaddii ay qaadeen ee ay sida walaalnimada leh ugu geeyeen walaalahood Soomaaliya, aan sidii ay doonayeen ee kalagacalka lahayd loo soo dhawayn, isla markaana lagu quudhsaday, loona arkay dad waal waalan oo xorriyadoodii bilaasha ku bixinaya, waxaana erayda lagu yasay ka mid ah in loo bixiyay, Soomaali Qaldaan, oo ay reer Soomaaliya ula jeedaan, dad qaldan oo xorriyaddoodii iska keenay iyada oo aan cidi ka dalbatay jirin.
  2. Ta ka sii darani waxa ay ahayd markii dawladdii la soo dhisay isla sannadkii oo madaxweyne ka ahaa Aden Cabdulle Cismaan ay reer Soomaliya xilalkii ugu sarreeyay qaateen, dadkii reer Somaliland ee niyad wanaagga iyo soomaalinnimada la tagayna looga tagay xilal aan macno buuran lahayn, taasi oo ay aad uga niyad jabeen dadka reer Somaliland. Niyad jabkaa ay ka qaadeen dadka reer Somaliland sida xun ee xamar loogu soo dhaweeyay waxa laga garan karaa af-ganbigii dhicisoobay ee sannadkii 1961kii ay ku tallaabsadeen saraakiishii reer Somaliland ee wakhtigaa ciidammada ka mid ahaa, kuwaasoo uu hoggaamiyaya Xasan Cabdulle Walanwal, “Xasan Kayd”. Waxa kale oo ay ku muujiyeen suugaan kala duwan oo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin qaabka loola dhaqmay. Waa kii Abwaan Qaasim lahaa

Dambi kuma hadlaayee ma arag dawladaan rabaye
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye
Dusha midabka Soomaali baad dugulka moodaaye
Misna laguma diirsadee qalbigu waa dirkii Kaaral e

 

  1. Tacaddiyadii kala duwanaa ee aan xadka lahayn ee ay kala kulmeen taliskii siyaad barre oo si gaar ah u beegsaday dadka reer Somaliland isla markaana u gaysatay xasuuq iyo in hantidood lala wareego hadh cad, qofka juuq yidhaahdana aan muuqiisa dib loo arki jirin. Tacaddiyadaa waxa kalo oo ka mid ahaa in dadka reer Somaliland qofka dhaqaale u kordho la xidhi jiray iyada oo la weydiinayo halka uu ka keenay, aakhirkana laga qaadi jiray iyada oo la leeyahay ma gaydid ama uma qalantid in aad maal iyo dhaqaale yeelato. Dhanka kale ciidammadii siyaad Barre waxa ay habeenkii saqda dhexe, guryaha kala bixi jireen ragga qaan gaadhka ah iyaga oo ku eedaynaya kacaan diid, kadibna iyada oo aan maxkamad la soo taagin la xukumi jiray raggaas, qaar bandanna sidaa lagu waayay oo aan dib loo arag.

 

  1. Markii jabhadii xaq u dirirka ahayd ee SNM ay halganka kula jirtay taliskii Barre, waxa ay hub iyo saanad isug dareen kooxihii ka dagaallamayay Koonfurta oo uu hoggaamiyaya General Maxamed Faarax Caydiid, waxaana kulan ay kula yeesheen magaalada Balligubadle sanandkii 1990kii ku heshiiyeen inuu dagaalk ka bilaabo gobollada dhexe sida Beled wayn iyo Jowhar, si furimo dagaal oo kala duwan loogu furo taliskii millatariga, kadibna looga wada tashado sidii loo soo wada dhisi lahaa dawlad loo dhan yahay. Caydiid oo wali dagaalkii ku jira oo aan ka guulaysan siyaad Barre ayaa BBC-du Waraysi lala yeeshay Cali Mahdi Maxamed, oo markaa ka qayb galayay shirkii Manifesto ee ay gogosha dhigtay dawladda Jabuuti, Cali Mahdi waxa uu u sheegay BBC-da in dagaalkii lagu riday Maxamed Siyaad Barre uu ka bilaabmay gobollada dhexe. Hadalkaasi waxa uu layaab iyo u qaadan waa ku noqday Madaxdii iyo saraakiishii SNM iyo odayaal dhaqameedkii guurtida ahaa ee muddo ka badan toban sano duurka ugu jiray inay xilka ka tuuraan Siyaad Barre.

 

Arrinta taa ka sii daran ayaa ahayd in markii la gudo galay shirkii dib u heshiisiinta soomaalida ee ka dhacayay Jabuuti ee Manisfto, waxa layska indho tiray oo aan lagu marti qaadin kooxdii SNM ee ciidankii dawladdii millatariga ka xoraysay dhulkii Somaliland, taasina waxa ay keentay in dadka reer Somaliland is weyddiiyaan.

 

  1. Sababta loo quudhsaday ee loo yaraysatay halkgankii ay tobanka sano ku jireen.
  2. Haddii maanta sidaa loo quudhsaday, isla markaana loo arkay dad aan qayb ahayn Soomaaliya inteeda kale, hadhow dawladda halkaa ka soo baxdaa sidee ayay u kaanaysaa, sidee ayay se ula dhaqmi doontaa dadka reer Somaliland.
  3. Sidee ayaa loo aamini karaa dadka reer Soomaaliya ee lixdankii sidii ay innoo galeen aynu ogayn, iyo dhibtii kale ee aynu u soo marnay xorriayddeenna.

Intaa kadib, iyada oo maanka lagu hayo, xorriyaddii lixdankii luntay, tacaddiyadii ka dhanka ahaa dadka reer Somaliland iyo quudhsigii loo gaystay, odayaashii guurtida iyo saraakiishii SNM oo isku duuban ayaa go’aan ku gaadhay in lagu dhawaaqo in Somalilaan la soo noqot madax bannaanideeda ka hor inta aan dawlad lagaga dhawaaqin shirkii ka socday Jabuuti ee ay wadeen Kooxdii Manifesto. Sidaa daraadded waxa lagu dhawaaqay in Somaliland la soo noqotay madax bannnaanideeda sannadkii 1991, bishii May 18keedii, halka dawladdii Soomaaliya loo dhisayay ee shirka Jabuutina lagu dhawaaqay bishii August ee isla sannadkaa.