Maxay tahay shaqada sirdoonku yaase ka shaqeeya? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Maalmahan ayaan ku arkaayay qaar ku amaanay shaqada sirdoonka bandhige.com,  oo u sawiraayay ninka sirdoonka patriotic ama halyay, horta halyaynimadaa mid ayaan ka odhan lahaa oo soomali ayaa hadal hore u dhamaysay, nin is faanshay waa ri  is nuugtay.

Hadaba qof marka uu soo dhigo rayi wuxu u jeedaa ka dhiibta idinkuna rayigiina. Runtii hadaba in badan ayaan is diidsiiyay inaan ka jawaabo laakiin waan is haynkari waayay.

Bari ayaan riyooyinka ka sheekayn jiray, qaar an aqaanay oon moodayay dad caadi ah laakiin sirdoon ah oon la sheekaysan jiray ayaa inta ay riyo beena soo sameeyaan ayay yidhaahdaan nuur riyadaa ayaan arkay, si ay aniga riyo iiga heleen, kuwaa aan idiin sheegayaa  safafka hore ee masaajidad ayay ku tukadeen waliba salaada subax, qaarna dacwada ayaabay ka shaqeeyaan.

Sheekh kashki ayaa mar masaajidkiis u duceeyay, Allah ha unaxariisto eh, wuxu yidhi illaahaw safafka dambe u naxriiso, kuwa dhexna u naxriiso, dadkii ayaa yidhi safka horena, wuxu ugu jawaabay waa kuwa warka naga qaada, hadaba kuwa aad halyay dadka uga dhigaysaan waa kuwaa.

Waa kii odaygii reer hargaysaad ee dadka wanaagsan ahaa yidhi waar afar nin oo reer hebel ah ayaanu ahayn eh yaa na soo sheegay, waa tii loogu jawaabay afarta ayaanu mid lahayn, waakaa sirdoon, ka kuugu dhaw ayaa hunguri ku siisanaya.

Waqtigii Madaxwayne Cigaal, Alla ha unaxariisto eh, ayaa la soo guray dadkii la xasuuqay,anigu maba aaminsanay in dawladii siyaad bare ina xasuuqday eh, kuwii qorshaha laynagu xasuuqay dajiyay wali gadhwadeen ayay inoo yihiin, oo waa kuwa laynagu dhex beeray eh, waxna waa qorshayn waxna waa fulin, koonfur qorshihii ayuunbay fuliyeen, wali way kuu taliyaan kuwii qorshaa dagay lagugu xasuuqay, aan ku noqdo Cigaal, Cigaal markaas ayuu kalmad cajiiba meeshii ka yidhi wuxu yidhi, dadkan mijin qaada ayaa la siistay, yaa siistaa kuwii sirdoonka u ahaa.

Mid ka mid ah sirdoonadii Siyaad Bari ayaa igu yidhi markii wadanka la soo galay, dawladii Siyaad Bare waxa ka hadhay Black box, waa sirdoonka ayuu u jeedaa, waa kuwii uun.

Ma taqaanaan cida ka shaqaysa, waxa ka sheqeeya dadka kuwa ugu liita iyo kuw billaa camal noqday oo sabri waayay, iyo kuwa billaa xirfada ah,  Oday Alla ha u naxriistee dhintay oo dadkii wanaagsanaa ahaa oo busaaradsaday ayay u yimaadeen markaas ayay ku yidhaahdeen intaa yar iska qaado oo sir doon noqo, waara iga taga ayaan ku idhi buu yidhi.

Midda kale in shaqo xun ay tahay oo munaafaqnimo  u baahan, wali intaas ayaan jiray oo maan arag iyada oo la leeyahay, shaqo sirdoon ayaa halkaa ka banaan, waydun aragteen shaqooyinka kale oo dhan waa la xayaysiiyay. Halkaa waxaa kaaga cad inay tahay horta shaqo u baahan laba wajiiley ayay ku tusaysaa, diinteeduna way xaaraanyeeshay laba wajiilaha.

Maxay diinteenu ka tidhi shaqadan, illaahay ayaa ayaad quraana oo suuratul xujuraat ku jirtay ayuu ku yidhi waar hays basaasina, oo hays xamanina…………………………………………..hadii ay xaaraan tahay iyo hadii kaleba bal culumadeenu waa kuwan buuxa eh u tagaa oo soo waydiiya hana u dhuubina eh sida dhabta ah eed u shaqaysaan waydiiya, illayn aakhiradiina ayaa ku xidhan eh.

Ana yaanan cadaalada ka sii tagin eh sirdoonku waa midi laba af leh ama waa aalad, hadii wanaaga loo adeegsado umada iyo mujtamaca dhisaysa, hadii xumaha loo adeegsadana dhib badan, laakiin inta badan xumaha ayaa loo adeegsadaaa, sida aynu naqaan, waayo dad xun uun baa ka shaqeeya, carabtu maahmaah ayay yidhaahdaan nin isagu wanaagii ka madhan cid kale ma wanaajin karo.

Markaa waxa iswaydiinleh ma kuwan halyayga inooga dhigaaya sirdoonka ayaa run sheegaya mise illaahay.

Laakiin mid baan idiin sheegayaa dadku waxaa ayay intabadan ka shaqeeyaan, aakhirana meel ayay iska dhigeen, waaba shaqada casriga ah ee laga wada shaqeeyo, waana shabakadii dajjaal, xadiisku sida uu sheegayo dajjaal waxa u shaqaysa daabad la yidhaa jasaasa, waa jaajuuska rumayso ama ha rumaysan.  Hadii aad doonayso inaad sii baadho British Spies in Arabia by Sheikh Imran Hosein YouTube ka dhagayso waxa uu ka yidhi daabadaa jasaasa.

Hadal iyo guntii sirdoonku waa munaafiqiinta aakhirusamaanka mid liitana magac iyo sumcad ayay u sameeyaan, ninka raga ahna waxay isku dayaan inay xiniinyo siibaan sumcadana ka dillaa.

 

Wa billaahi tawfiiq

Nuur Xaaji Xiiray

Nur.hersi21@gmail.com