Maxey Macallimiinta Somaliland ka barteen Covid-19? (WQ: Abdifataah M. Ahmed)

Dadka ku jira caalamka wax dhiggida mid kasta oo ka mid ah waxbaa ku soo dhex tuurey,sidda hibo aqooneed oo qofku shaqada u leeyahay xirfad ahaan,tababar macallinimeed,shaqo-qaran,amma ku meel gaadh shaqo nololmaalmeedka lagu sii xejiyo,sannadihii horre oo dhan billow illaa dhammaad waa la maleyn karaayey shaqada macallinimada,dad badana waxa ay la aheyd xirfadd inta nolosha ka hadhey lagu qaadanaayo,baranimo,tamashiir,sabuurad iwm,12 sanno ka hor markii aan ku soo biirey caalamka baranimada iyo xirfaddani waxey ila muuqatey in aan inta nolosha ka hadhey shaqadani ku jiri doono,ayaamaheygana  aan ku qaadanaayo cashar,dejinta nidaamka waxbarashada iyo tacliinta,sameynta jadwalada waxbarashada,inta aan hawl-gab ka gaadhaayo shaqadani,Macallimiin,ardey,shaqo guri,imtixaano,fasaxyo iyo shirar ayaa u diyaar ah in ay ayaamaheyga buuxiyaan,haddase si tartiib,tartiib ah ayaa wakhtigu u soo luminayaa riyadaasi,wuxuu soo saarey wakhtigani waayaha ku duugan xirfadda macallinimo ee luminaaya xiisaha barayaal badani ay shaqadani u qabaan,taasi oo si rasmi ah waayadani dalka uga muuqata iyada oo noqotey shaqo aan ahmiyad la siin lana dhex waddo shaqooyin kale oo xafiis ama ganacsi,isbeddel kasta oo la sugaayeyna waxa wejigiisa soo dedejiyey saf marka karoonaha oo hubaal la,aan iyo niyad jabka ku jira macallinimada soo saarey,isaga oo dhanka kalena toosh weyn ku iftiimiyey waxbarashada cussub ee mustaqbalka dalku u hayaami doonno.

Macallimiinta Somaliland guud ahaantooda waxa ay bandoogan ka barteen arrimahani

  1. ugu Horreyn xaaladdani waxa ay barayaal badan u saamaxdey is-barasho,isku xidhnaan iyo midnimo dhexdooda ah si ay uga gaashaantaan xaaladdan adag ee la galay,Urur sameyn,Shirar,War saxaafaddeed,fikir iyo hal-abuurid ay kaga jawaabaan ayaamaha adag ee xirfaddoodu gashey.
  2. Mustaqbalka Xirfadda Macallinimo waxa ay ku Jirtaa in ay noqdaan shaqaale isku xidhan,wada tashi leh,u midooba shaqadooda si ay kaalintooda u muujiyaan una raadsadaan xaq badan oo kaga maqan bahda waxbarashadda ee ay ka midka yihiin
  3. Macallimiin badan iyaga oo aan xaaladdani u diyaar aheyn aqoon ahaan iyo karti ahaan ayaa karoonuhu u dhacey
  4. 50% ka mid ah macallimiinta somaliland oo ku jira da,da hawl-gabka isla markaasina aan aqoon iyo khibrad  u laheyn cilmiga iyo aqoonta Tiknolojiyadda ayaa nidaamkan cussub ee waxbarashadda masaafada fog la galay #Online E-Learning,iyaga oo aan diyaar u aheyn (Digital Platforms) ayaa qabtani u dhacdey
  5. Mustaqbalka waxbarashadda Adduunka oo u jiheysan aalada Tiknolojiyaddu waxa ay macallimiin badan oo reer somaliland ah u fureysaa weji cussub xirfaddooda
  6. Wakhtiga karoonuhu wuxuu barayaal badan ku dhaliyey fikir cussub oo la xidhiidha in aan shaqadani aheyn mid mustaqbal leh iyaga oo markii horreba ku samraayey duruufo adag oo ay ku qabeen.
  7. tiro badan oo barayaal ah wuxuu karoonuhu tusey in aaney aqoon u laheyn cilmiga tiknolojiyadda,la socodkooda dhanka waxbarashadda ee adduunkuna uu yar yahay,wuxuu ku qasbey in ay barashadda cilmiga kumubuyuterka bartaan,isla markaasina ay iibsadaan agabyada iyo qalabada kala duwan ee tiknolojiyaddeed laguna gudbin karo casharada/dersiyada.
  8. in aaney aheyn shaqaale joogto ah oo leh xaqa,xuquuqda iyo mushaharka kuwa joogtada ah ayuu barayaal badan tusey karoonuhu
  9. Dhammaan hadda macallimiinta somaliland waxa ay wada arkayaan waxtarka aqoonta kumbuyuterka iyo tiknolojiyadda odey iyo willba.
  10. barayaal badan ayaa mustaqbalka isku diyaarinayaa la jaanqaadida waxbarashada masaafada fog oo xilligan billawgeedu dalka soo gallay.
  11. agab kasta oo la isticmaaley iyo sifo kasta  oo casharkaa lagu gaadhsiiyey ardeyda maqan ayaa macallimiintu mustaqbalka  sii wadan doonnaan
  12. Macallimiin badan ayaa kor u qaadi doonna aqoontooda la xidhiidha waxbarashada  sida tababarka macallinimo,isticmaalka agabyada tiknolojiyaddeed,barashadda manaahijta,barashada qorsheynta,maamulka iyo hoggaaminta waxbarashadda.
  13. jaamacaddaha iyo goobaha waxbarashaddu guud ahaan waa in ay weji kale oo ay macallimiinta aqoontooda kaga faa,ideysan karaan soo bandhigaan sida cilmi baadhisyo cussub oo la xidhiidha xaaladdahan cussub
  14. Waxa keydka tacliinta dalka ku soo biirey,Casharo badan oo duuban iyo Agab wax dhigasho macallimiintu ay u diyaariyeen nidaam ku saleysan waxabrashada masaafada fog,keydkaasi oo mustaqbalka saameyn ku yeellan doona waxbarashadda  koolajka iyo fasalka,taasi oo sababi doonta in ardeydu ay guryahooda wax ku bartaan casharkana loogu diro.
  15. “Virtual classes office”masaafada fog xafiis lagula socdo dalka waa in wasaaraddu mustaqbalka furtaa,waayo siddaan arkeyno hadda macallimiin  ayaa waxbarashaddaasi billaabey ardeyna wax ugu dhigga.
  16. Macallimiintu akhris badan oo arrimaha waxbarashadda ah dalka iyo waddamada caalamkaba ha sameeyaan si ay aragti uga hellaan xirfaddooda hagaajisa.

     

    Abdifataah M.Ahmed

    Ceelaabe_10@hotmail.co