Milicsiga buugga “Maguuraan” (WQ: Muhammad Suleiman Omar)

Horraantii sannadkan waxa magaalada Hargeysa lagu soo bandhigay buugga la magac baxay ‘MAGUURAAN – Sooyaalkii iyo Suugaantii Abwaan Cismaan Aadan Xuseen ‘Askari’ (1938 – 1989)’. Buuggan oo uu qoray qoraaga da’da yar ee Khadar Xuseen Daahir “Hayl”, waxa uu ka kooban yahay 368 bog. Buugga waxa loo hibaynayaa da’yarta Soomaaliyeed ee u heellan barashada afkooda hooyo. Qoraagu waxa uu ka afeefanayaa in aanu buuggani xanbaarsanayn suugaantii Abwaan Cismaan-Askari oo dhan iyo in suugaanta ku qorani aanay boqolkiiba boqol sax wada ahayn.

 

Waxa buugga loogu mahadnaqayaa dad aad u fara badan oo isugu jira halabuurro, fannaaniin iyo kayd-hayayaal suugaaneed. Waxa se su’aalo kugu dhalinaya kolka aad aragtid in bogga mahadnaqa ay wada qoreen qoraaga buugga Khadar Xuseen Daahir iyo Maxamed Cismaan-Askari oo uu dhalay abwaanka buugga laga qoray. Hase yeeshee, waxa ay sheekadu si fiican isugu kaa xidhmaysaa marka aad soo gaadhid labada bog ee Maxamed Cismaan-Askari kaga warramayo hindisihii qoraalka buugga iyo marxaladihii uu soo maray, kuwaas oo ku xusayo in uu isagu markii hore waday buugga, bal se uu 2013kii u igmaday hawshaas qoraaga buugga, Khadar-Hayl.

 

Abwaan Cismaan Aadan Xuseen oo yaraantiisii Cismaan-Carab loo yaqaannay, waxa uu ku dhashay miyiga magaalada Hargeysa, hilaaddii 1938kii. Hooyadii waa Xabiiba Xirsi, waxaanay abwaanka wada dhasheen afar wiil iyo shan gabdhood. Aabbihii waa Aadan Xuseen Cawl oo laftiisu ahaa gabayaa wax ka curiya godadka kala geddisan ee maansada. Abtigiina, waa Maxamed-Gabyaaye oo ku caanbaxay suugaanta, meelo badan oo Soomaalidu degtana laga yaqaanno.  Waxa intaas dheer, in walaalladii oo dhammi ay maansoon jireen, sida buuggu xusayo. Walaalladiisa suugaanta lagu bartay waxa ka mid ahaa abwaankii weynaa ee Yuusuf Aadan Xuseen “Allaale” oo ka mid ahaa halabuurkii kooxdii Waaberi, Axmed Aadan Xuseen “Axmed-Masri” oo suugaan door ah lahaa iyo Xasan Axmed Ibraahin “Embasi” oo wax ka curiya suugaanta. Cismaan Aadan waxa uu naanaysta Askari kula baxay heestii ‘waxaan ahay Askari’ oo uu 1970kii curiyay, isla markaasna ay isaga iyo kooxdiisii Xoogga Dalkuba dallacsiin ku mutaysteen.

 

MAGUURAAN, waxa uu ka kooban yahay shan cutub oo la isu xigsiiyay sida ay taariikhda curashada ee suugaanta cutubyadaas ku xusani isugu xigtay/dhoweyd. Tusaale ahaan, cutubka kowaad waxa uu ka hadlayaa curintii abwaanka ee xilligii gobannimadoonka (1956–1960), waxaanu xanbaarsan yahay 6 heesood. Cutubka labaad oo 19 heesood ka kooban waxa uu isaguna ka warramaya halabuurkii abwaanka ee xilligii dawladaha rayidka ah (1960–1969). Cutubka saddexaad oo ah kan ugu ballaadhani waxa uu ka kooban yahay 40 heesood oo abwaanku curiyay muddadii uu dalka ka talinayay Kacaankii Maxamed Siyaad. Cutubka afaraadna waxa aad ugu tagaysaa 14 riwaayadood oo uu Abwaanku curiyay intii u dhexaysay sannadihii 1960–1989. Halka aad cutubka ugu danbeeyana ugu tagi doonto waayihii abwaanka ee halgankii SNM oo uu ku biiray 1988kii. Buuggan oo si tayo wacan loo daabacay, waxa kale oo aad gudihiisa ugu tagaysaa sawirrada iyo magacyada qaar ka mid ah jilayaashii, heesaagii, halabuurkii iyo miyuusishannadii ka qaybgalay qaar ka mid ah riwaayadihii Abwaanka.

 

Buugga iyo Abwaanka laga qorayba, waxa faallooyin ka dhiibtay mudan iyo marwooyin caan ka ah saaxadda fanka Soomaalida, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Maxamed Aadan Dacar, Maxamed Cabdillaahi Singub, Faadumo Cali Nakruuma, Cumar Xasan Rooraaye, Saynab Xaaji Cali “Baxsan”, Shamis Abokor Ismaaciil “Guduudcarwo”, Qamar Cabdillaahi “Harawo”, Xasan Xaaji Cabdillaahi “Ganey”, Cabdi Cali Bacalwaan, Hibo Maxamed Huddoon “Nuura”, Sahra Axmed Jaamac, Aamina Cabdillaahi Xirsi, Saxardiid Maxamed Jebiye, Xuseen Xirsi Caddib “Boon”, Axmed Saleebaan Bidde iyo qaar kale oo badan.

 

Kolka ay abwaanka sifaynayaan, dhammaan dadkaasi waxa ay ka siman yihiin in Cismaan-Askari ahaa nin: waddani ah oo dal jecel, sharciga ku adag, leh maamul san oo eex ka madhan, dadka gacan qabta oo kaalmeeya, isla markaasna cibaado iyo Alle-kacabsi badan. Waxa kale oo ay ka siman yihiin in ay xusayaan in Cismaan-Askari bixiyay magaca koox faneeddii shaacbaxday ee Waaberi (1971kii), in uu kaalin weyn ku lahaa dhismihii tiyaatarka Hargeysa iyo in uu lahaa hindisihii dhismaha guryaha fannaaniinta Waaberi ee magaalada Hargeysa (Goljanno).

Buuggani kama madhna qaladaadka hadheeya badiba buugaagteenna, waxa uu se kaalin foolaad ah kaga jiraa buugaagta ugu qaladaadka yar, ugu na tayada wanaagsan saxnaanshaha qoraalka. Dhinaca higgaadda iyo habqoraalka, qaladka ugu weyn ee aad buuggan ku arkaysaa waa adeegsiga qaldan ee astaanta hakad (,) oo marar badan la dhigayo meel aanay lahayn iyo xarfaha labadhaca oo meelaha qaarkood aad qaladaadkooda ku arkaysid. Intaas waxa raaca, iyada oo uu buuggu isku soo noqnoqonayo oo ay sheeko qudhi meelo badan si isku mid ah kaaga hor imanayso. Tusaale ahaan, sheekada heesta ‘Geeshkayagow guulaysta’ waxa aad kula kulmi doontaa bogagga: 16, 24, 26, 30, 31, 32, 33, 39, 43, 46, 49 iyo 77. Guud ahaan se, buuggan waxa ka muuqda tacab ballaadhan oo baadhis, xograadin iyo tifaftirba leh, taas oo aan ku bogaadinayo qoraaga buugga.

Ugu danbayn, buugga MAGUURAAN, waxa uu ifka u soo saaray hibo dalaysnayd iyo hawraar in badan oo innaga mid ah ka qarsoonayd. Waxa uu mar kale daaha ka rogay waxsoosaarkii cuddoonaa iyo halabuurkii cosobka lahaa ee Abwaan Cismaan Aadan Xuseen. Abwaanku, waxa uu curiyay heeso wada foolaad ah oo badidoodu hana qaaday. Wuu yar yahay abwaan sida Cismaan-Askari oo kale wada yeelan kara intaas oo heesood oo wada caan ah, ujeeddo ahaanna ku kala fidsan dhinacyada kala duwan ee nolosha, sida: jacayl, waddani iyo Nebi-ammaan inta ba. Halkan waxa aan jecelahay in aan wax yar idiinka garooco magacyada iyo midhaha qaar ka mid ah heesaha Cismaan curiyay ee aynnu wada maqalnay – bal se laga yaabo in aynaan u aqoonnin in Cismaan leeyahay.

1. Derajaalow Nebigeennow

Adigaa Eebbe ku doortee

Jannadii noogu ducee…

2. Ramadaaney socotee

Salaama salaama…

3. Ramadaantii baxsanaydeey, marxabba.

Tuu Ilaahay barakeeyaay, marxabba.

4. Waa bishii naxariistiyo;

Denbidhaafka badnayd eey

Waa bil khayre

Berrito soonkiyo maantaba

Yaan lagaa badin khayrka.

5. Ramadaanta nin soomay

Soddonkeeda dhammeeyay

Sakadeedana dhiibay

Janno way u sugnaatay.

6. Safkii Nebigii iyo

Qoomkii suubbanaa iyo

Aan asxaabta raacnee

Sooma Ramadaanta

Salawaatullaahi; calaa khayril khalqi; Muxammad Mukhtaari.

7. Cawadhalad in aan ahay

Ciiddeennii Soon baa

Cirku nagu helee

Caafimaad san

Farax ciyaar leh

Nabad ku ciida.

8. Annaguna ciidnee

Idinkuna ciidoo

Nabad iyo caano

Aynnu ku ciidno.

9. Ahey ah, maskaxdaa laga abaaroobayeey.

10. Geeshkayagow guulaysta

Guul lagu reeyow guulaysta.

11. Nolol ugub ah aaran ah

Alleylehe helnee

Eebbow mahaddaa.

12. Guddideenna talisaa

Go’aankii ay keenaan

Haddaan garabka lala qaban

Oon lala giraangirin.

13. Anigu dablaan ahaanayaa

Naftayda waan la doodayaa

Raaxada waan u diidayaa.

14. Ma og tihiin magaalada

Muqdishaynnu joognaa..

Ma miliilicdeen weli

Mana jidhidhicooteen?

15. Shicibyahaw wanaagsani, walaalayaalow

Waaxyahayagii rumaadow, walaalayaalow

16. Halgan baynnu galnoo,

Nafta waynnu hurnoo

Guul weyn baynnu helnee; hinjiya!

17. Gadhka iyo waxaan labada law meel isugu geeyay

Sidii aar gantaal qaba waxaan gocasho reemaaba.

18. Inanyahay la ila rabee

Reerkoodu ila doonayaan

Adigu ma i raacsan tahay?

19. Dawadii naftaydow

Bal aan kula dardaarmee…

20. Yaa u sheega, Yaa ogeysiiya, Alla yaa u sheega!

Ismoog udbihii bay aslaysaa, Ismana oga.

21. Kasdaraneey

Kooraskii aad aadday

Waxaad ka keentay

Kabboo saydh miyaa?

22. Waan dibadgaloobay

Waan dalandoolaayey

23. Wadhaf iyo shinbiri

War iskuma hayaan

Waaya’aragnimo la’aaney ba’!

24. Waan ku haybinayoo

Hurdo kaama ledoo

Huqdaaday dishee. Haa haa.

25. Jacayl ma habaabi karo

Aabbahaa ma hagaajin karo…

Hadal waalid ma diidi karo

Habaar adag buu dhalaa.

26. Calaf lama dagoo

Lama diidi karo

Waa deeq Ilaah.

27. Dabaylyahay

Naf baa dibad iga jirtoo

Dan baa i hoggaaminaysee.

28. Ma dhammaado waqtigaad

Soo dhoweysataaye

Dheeraa muddaduyeey.

29. Ladnaan, ladnaan,

Ladnaan ku waaraay

Labadii is jecelee

Liibaanta ahaadaay.

30. Dhulkayga dhulkayga dhulkayga

In aan dhib galoon, dhakhsaw helo oon

Dhulkayga dhacsadaan ku dhaartay.

Muhammad Suleiman Omar

Email: halabuur2@gmail.com

Twitter: @halabuur

15/5/2020.