Miyaad taqaan Cabdiqadiir Khan? W/X:(Sheekh Rakuub)

Badhtamihii qarnigii labatanaad iyo dhammaadkii dagaalkii labaad ee dunida magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki ee dalka Japan waxa daqiiqado gudahood ku naf waayey dad lagu qiyaasay laba boqol oo kun. Japan oo xilligaa ahayd dal awood ciidan leh, kaalin mugweynna ka ciyaaraysay dagaalkii labaad ee adduunka ayaa qabsatay dhul Chine lahaa. Ciidamo xulafada Maraykan hoggaaminayeen ah ayaa dhulkaa Japan qabsatay joogay.

Maraykanka oo xilligaa u soo doobinayey in uu noqdo horjoogaha dunidu wuxu talaabo aan dunida hore looga arag ka qaaday Japan magaalooyinkeedii Hiroshima iyo Nagasaki. Wuxuu u adeegsaday hub aan noociisa dunida loogu arag oo daqiiqado gudahood meesha lagu soo rido ku baabiinaya. Hubkaas oo loo yaqaan Nukliyeer–hubka wax gumaada, isagaa ahaa dalkii ugu horreeyey ee samaysta. Maalintu magaalooyinkaa ku soo riday toban cisho ka hor ayuu tijaabiyey.

Dalalkii isaga la awoodda ahaa ama awood ahaan ku soo xigay waxa ay isku dayeen in ay samaystaan hubkaas, si ugu yaraan ay uga nabadgalaan Maraykan.

Boqortooyadii Ingiriis ayaa sannadkii 1940kii samaysatay hubkan. Midowgii Sofiyeet ayaa ahaa dalkii saddexaad ee samaysta hubkaas sannadkii 1949kii. Faransiisku 1960kii ayaa uu samaystay, ugu dambayn dalka China ayaa 1964kii samaystay. Shantan dal waxa loo yaqaan shanta dal ee ugu awoodda badan Qaramada Midoobay, lehna codka kama dambayska ah. Sababta ay u yeesheen waa awooddooda hub, dhaqaale, iyo aqooneed. Midda ugu weyn ayaa ah in hubkoodu qaangaadh yahay.

Sannadkii 1968kii dagaal qadhaadh ayaa dhexmaray labadii dal ee mar dalka isku ahaanjiray–Hindiya iyo Pakistan. Dagaalkaas waxa la sheegaa in Hindiya u adeegsatay gaasta nukliyeerka. Dhacdadaasi waxa ay carisay aqoonyahannadii Pakistan oo garawsaday in ay kaalintoodii gabeen. Ragga qaar ayaa qurbaha oo ay xilligaa ka xoogsanayeen uga soo dhaqaajiyey in ay dalkooda wax taraan. Raggaa waxa ka mid ahaa Cabdulqadeer Khan.

Cabdulqadeer Khan sannadkii 1935 –kii waxa uu ku dhashay magaalada Bhopal, Hindiya. Khan waxbarashada aasaasiga ah waxa uu ku dhigtay Karachi. Sida oo kale jaamacadda Karachi ayaa uu physics–ka ku bartay. Delft University of Technology ayaa uu aqoonta casrigaa ka bartay. Intaa ka dib Khan waxa uu shaqo ka helay Physics Daynamics Laboratory ee Amsterdam. Muddo kooban ayaa uu la shaqeeyey. Urenco–hay’adda cilmibaadhista nukliyeerka reer Galbeedka ayaa uu shaqo ka helay. Isaga oo loo tixgeliyey in uu yahay khabiir xeeldheera ah.

Abdulqadeer Khan iyo Pakistan

Ka dib dagaalkii dhexmaray Hindiya iyo Baakistaan, Khan waxa uu ku mashquulsanaa sidii uu dalkiisa ugu samayn lahaa nukliyeerka. Shirkadaha sameeya madaxyada qaada hubka nukliyeerka oo Khan xidhiidh wada shaqayneed ka dhexeeyey ayaa uu xogo muhiim ah ka helay. Urenco waxa ay sheegtay in uu Khan ka xaday naqshadaha hubka oo shirkaddaasi lahayd. Khan kolkii uu isku–dubaritay hawlihiisii sannadkii 1972–kii ayaa uu fasax ka qaatay Urenco.

Safarkiisu mid dhuumasho ah ayuu ahaa. Si uu u indha–sarcaadiyo sirdoonka Holland iyo kuwa Maraykanka wuxuu kolkiisii hore sheegay in uu New York u dalxiis tagayo. Kolkii uu joogay muddo kooban wuxuu goostay tigidh kale oo Maka ah, isaga oo sheegay in uu soo cimraysanayo. Intii aanu madaarka Maka ka bixin ayuu tigidh kale oo Islaamabaad ah goostay, sidaas ayuu dalkiisii ku tagay.

Raysalwasaarihii xilligaa Zulfikar Ali Butto ayuu u sheegay qorshihiisa ah in uu doonayo in uu dalkiisa u sameeyo hubka wax gumaada, maaddaama Hindiya samaysatay (sirdoonka Baakistaan wuxuu soo gudbiyey xog ahayd in Hindiya samaysatay hubka–wax–gumaada, laakiin warbixintaasii carin oo kaliya ayay ahayd). Raysalwasaare Zulfikar waa uu soo dhaweeyey una ballanqaaday in uu dhankiisa ka heli doono wax kasta oo uu uga baahdo, isagana looga fadhiyo arrinkaas in uu ka soo dhalaalo.

Raysalwasaare Bhutto wuxuu u diyaariyey Khan deegaanka Kahuta oo Punjab ka tirsan. Waxa loo diyaariyey aqoonyahanno isugu jira saynisyahanno, kuwa technoloyga ku xeeldheer, saraakiil ciidan ah, ingineero iyo khubaro cimilada bartay: Bashiruddiin Mahmood oo khabiir saynisyahan ahaa kana tirsanaa hay’adda PAEC. Lieutenant–General Zahid Ali Akbar oo ahaa Pakistan Armay Corps of Engineers madaxeedii. Khaliil Qureshi–physical chemist. Iyo hay’ado badan ayaa dawladdu u diyaarisay in ay Khan garabsiiyaan.

Muddo dheer oo hawshaasi socotay ka dib 30/5/1998 ayaa Khan iyo Pakistan tijaabo midhadhal ah sameeyeen. Waxa iyana bishaas kow iyo tobankeedii tijaabisay Hindiya. Sababta in ay dedejiyaan Khan iyo kooxdiisu ka dambaysay ayaa lagu sheegaa in ay doonayeen isla bishaa iyaguna is muujiyaan. Waxa ay noqotay talaabo dunida Muslinka oo dhan laga soo dhaweeyey, laguna diirsado.

Khan iyo faafinta hubka wax–gumaada

Cabdiqadiir Khan waxa uu qaatay aragti ah in ay lagama maarmaan tahay in ay helaan hubkan uu dalkiisa u sameeyey dalalka kale ee Islaamku. Ciraaq ayuu u duulay bilowgii sagashanaadkii.

Madaxweyne Saddaam Xuseen ayuu la kulmay una soo bandhigay aragtidiisa ah in uu u sameeyo Ciraaq hubka wax–gumaada. Saddaam waxa uu ka shakiyey in Khan yahay basaas Maraykan ah sidaa ajligeed soo dhawayn kama uu helin. Laakiin sabaibhii loogu soo duulay Ciraaq waxa loo aaneeyaa safarkii Khan iyo la kulankiisii Saddaam Xuseen.

Khan ma uu fadhiisan ee haddana wuxuu u duulay Liibiya isaga oo la kulmay madaxweyne Qaddaafi, una soo bandhigay aragtidiisa. Qaddaafi soo dhawayn weyn ayuu kala kulmay. Waxa uu Khan u sameeyey madaxyada hubka nukliyeerka qaada. Iyaga oo hawsha badhtanka kaga jira ayaa CIA–du ogaatay. Qaddaafi waxa lagu khasbay in uu joojiyo hawshaas. Khan waxa uu u duulay dalkiisa Pakistan.

Khan iyo Sirdoonka Maraykanka

Sirdoonka Holland waxa ay ka warhayeen in Khan uu xaday naqshadihii Urenco, sidaa awgeed dhaqdhaqaaqyadiisa Baakistaan si dhow ayey ula socdeen, waxa aanay ku wargeliyeen hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA–da.

Sirdoonka Maraykanku waxa uu ka shakisnaa muddo dheer safarada Khan ee ku aaddan China oo uu aaminsanaa in naqshadda madaxyada xambaara nukliyeerka uu u doonanayo. CIA–du waxa ay aaminsanayd in waqooyiga Kuuriya oo Khan tagi jiray yadna uu u doonto naqshadda samaynta gantaalada.

Xilligay xogta heleen Maraykanku waa xilligii uu socday dagaalkii qaboobaa oo Maraykanku taageerayey xooggagii Muslimiinta ee ka dagaalaamayey Afghaanistaan. Madaxda Maraykan waxa ay is tuseen in laga maarmaan tahay in dalkoodu gobolka saaxiib dhow uu ka helo, saaxiibkaana aanay Baakistaan cid uga mudnayn. Sidaa ajligeed warbixinaha CIA–du soo gudbinaysay guriga cad lagama soo dhawayn. Baakistaan iyo Khan fursad dahabi ah ayey u noqotay arrintaasi, waana midda sababtay in ay u helaan wakhti ay ugu soo biiraan dalalka haysta hubka wax–gumaada.

Dhammaadkii sagashanaadkii shaqada ugu weyn ee CIA–du qabataa wuxuu ahaa doondoonista Khan. Sababta oo ah waxa ay xaqiiqsatay in uu fidinayo hubka wax–gumaada. Daarihii mataanaha ahaa waxa ay leexisay doonistii sirdoonka reer Galbeedku raadinayeen Khan, waxa aanay u wareegtay raadiinta Osoma Bin Laden.

Osoma oo joogay Afghanistan si Maraykanku ugu duulo wuxu laalay doonistii Khan, Baakistaanna wuxuu u sheegay in aanay dan ka lahayn Khan, se ay doonayaan Osoma, taasna Baakistaan gacan ka siiso, iyaguna u ballanqaadaan in Khan nabadgalo. Khan waxa ay u noqotay fursad kale oo uu ku sii fidiyo aragtiyihiisii, isaga oo dalal badan iyo hay’ado badan hawlahaas kala shaqeeyey.

Abaalmarrinada la guddoonsiiyey

Maamuus cid la weyneeyo midda ugu sarraysa ayey dawladda Baakistaan siisay Khan. Abaalmarrinada la guddoonsiiyey waxa ay kala yihiin; nishan–e–Imtiaz (1999) hilal–i–Imtiaz (1996).
Raadkiisa aan marna la ilaaweyn

Cabdiqaadir Khan waxa uu dhidibbada u taagay in Baakistaan noqoto dal ka mid ah dalalka dunida ugu quwadda weyn, waxa uu awood ahaan la simay dalkii ay is hayeen (Hindiya). Waxa uu meel la istaajiyey dalalkii dunida ugu quwadda weynaa, Khan wuxuu dunida Muslinka u horseeday curinta atomic bomb oo abid lagu xusi doono.

Xanuunka COVID-19 ayuu u geeriyooday sannadkii 10/10/2021. Aaskiisa ayuu ka sheegay raysalwasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan in ay Pakistan wayday geesi qaran.

 

Xigasho:Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Bandhige@gmail.com