Miyaaney Ka Xishoon? (WQ: Umayma Good)

Jaamcadduhu meel walba adduunku ah waxa ay munaasabaddaha qalinjabinta ay casuumaan dad nolosha wax ku soo kordhiyey, ama ugu yaraan noloshoodda wax weyn ka badalay. Jamcaddaheena waxa inoo dheer waxa ka soo qayb gala oo lagu sharfaa maddaxda dalka; madaxweynaha, ku xigeenka, wasiiro iwm. Maanta waxa ardey ku dhaw sagaal boqol ka aflaxeen Jaamcadda Cammuud ee magaaladda Boorama, waxaana jaamcadda sharaf u ah in sannad kasta madaxweynaha ama ku xigeenku kasoo qayb galo qalinjabinta oo uu la qaybsaddo farxadda guushoodda, balse aniga waxa iga degi wayday oo i damaqaysa  damiirka ay maddaxdu ku hor imanayaan ardeyda ay ogyihiin inaanay berri waxba ugu filneyn oo wax ay ka geysanaya halgankoodda shaqo la’aantu ay yartahay.

Mudane madaxweyne waxa ku jira ardeydan qalinjabineysa arday naafo ah; oo indha la, oo dhaga la’ oo aan helin adeeg uga gargaara ina ay sidii ku habooneyd wax u bartaan. Waxa ku jira arday agoon ah oo aabayaashood dhinteen balse hooyooyinkood  ay rafaad iyo shaqo adag u galeen ina ay waxbartaan. Waxa ku jira arday is koris ah oo galinna xoogsanayey galinna waxbaraneyay. Waxa ku jira arday ay waalidkood awoodi waayeen ina ay ka bixiyaan lacagta waxbarashadda oo ka dib qaraabaddooda loogu baryo tagey. Waxa ku jira arday ammaah iyo deyn kaga baxaya maanta jaamcadda.

Imisa ayaa sidaa si la mid ah sannad kasta ka qalinjabiya Jaamcaddaha dalka oo maanta bilaa shaqo ah? Imisaa tahriib maciinsadey ciil dartiis markii ay awooddi waayeen inay helaan shaqo ay naftoodda wax ku taraan ama abaalkii walidkoodda ku ceshaan? Imisa ayaa werwerka baahiyaha guryahoodda yaal iyo murugadda shaqo la’aanta ku miyir beelay oo isla hadlaya maanta? Imisa ayaa  isku qudh bixiyey ciil dartii iyo rajo ay ka waayeen mustaqabalkii ay rabeen?

Mudane madaxweyne miyaanad ka xishooneyn  inaad hambalyeyn kaliya ugu timaad ardayga ku soo dhameystey werwer oo ka fekerayey halka uu ka keenayo lacagta waxbarashadda sannadka xigga, maanta oo qalinjabintiisii ahna shaki kaga  jiraa inuu berri shaqo heli doono iyo inuu guriga la fadhin doono shahaaddada? Miyaanad ka xishooneyn inaad errayo aan rajo laheyn aad la hor timaadid hooyadda wiilkeedda ama gabadheedda silica iyo rafaadka kaga soo bixisay waxbarashaddii dheerayd?

Miyaanad ka xishooneyn boqolaalka arday ee aad ogtahay inay u baahan yihiin shaqo ee aan wax qorshe ahi kaaga oolin? Miyaanad ka xishoonayn inaad hoggaan ka tahay siyaasad xumadda sababtay in dhalinyarta maanta aflaxysaa uu shaki iyo walbahaar kaga jiro mustaqbalkoodda? Miyaanad ka xishooneyn inaad waliba fileyso in lagu faano inaad ka qayb gashay qalinjabintoodda?

Waxa ayaandarro ah ina madaxdda dalku ay sannad kasta ka qayb galaan qalinjabinta boqolaal arday ah oo ka aflaxaysa jaamcaddaha dalka iyaga oo ugu sacab tumaya inay masuuliyaddoodii dayaceen oo ay markhaati ka noqdaan inay hogaamiyayaashu  gabeen gudashada waajibkoodii.

Maxaa uga cudurdaar ah madaxweynaha  in maanta dadka uu masuulka ka yahay ay heli waayaan waxbarasho ama rafaad adag wax ugu bartaan, oo  ardayga naafadda ah, kan agoonka ah, ka danyrta ah aaney helin waxbarashaddooda xaq ay u lahaayeen? Maxaa uga cudurdaar ah in hooyo miskiin ahi uga werwersho waxbarshadda iyo shaqadda awlaaddeda? Imisa hooyo oo shalay silic ku bixisay kharashkii waxbarashadda ubadkeeda ayay maanta haddana dantu ku kalifaysaa inay wiilkeedda ama gabadheeda shaqo u beryo tagto?

Waxa run ah inuu ayaan darran yahay ardayga dalkayga wax ku baranaya. Haddaan runta la isku sheegin oo aan la is xisaabin tan laga bixi maayo. Ilaa goorma ayaan ku jireynaa maddadaaladdan ah inaan dal dib u dhismaya ku nool nahay? Ilaa goorma ayaan la xishaabtanka madaxdeenna Somaliland ay inala dhaafeysaa in nabadgalyadda ay tahay abaal ay dawladdu inoogu deeqayso? Ilaa goorma ayaan musuqmaasuqa taagersanaanynaa oo kolba reer sugayaan in hebelkooddu xafiiska u  fadhiisto?

Ugu danbayn, waxaan boggaadinayaa oo hambalyeynayaa ardayda  dedaalka iyo kartidda kaga soo gudbey caqabaddaha tirada badan ee soo waajahay. Waxa aan aad uga xumahay in inbadan oo ka mid ahi ay dib u wajihi doonaan dhibka shaqo la’aanta. Waxa hubaal ah in qorshe xumo aanay natiijo fiican ka soo socon balse waxa iyanna habboon in niyad-wanaag iyo rajo la wehashado.  Ilaahow cilmigga dadkayga mid anfac leh nooga dhig, madaxdda dalkayga na qaar mas’uuliyadda dadkoodda garta nooga dhig!

Alla Mahad Leh

Umayma Good

umaymagd@gmail.com