Mucaaradku Madaxweyne Biixi Wixii Ay Moodayeen iyo Wuxuu ku Noqday. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Waxa ay ku xisaabtamayeen inuu yahay askari aan waxba kala socon siyaasadda casriga ah ee haatan adduunka ka socota iyo tan Soomaalilaan.

= Waxa ay hilmaamsanaayeen inuu haystay waayo-aragnimo afar madaxweyne oo Soomaalilaan soo maray oo la soo shaqeeyey, qaarna ay aragtida ku kala duwanaayeen. Madaxweyne Cabdiraxmaan Tuur โ€˜AHN โ€˜ wuxuu guddoomiye ka ahaa shirkii Balay gubadle ee lagu doortay 1990. Markii dambena aragtidii dawladiisa ayey ku kala duwanaayeen. ย Halkaasina waayo-aragnimo ayuu ka korodhsaday.

= Madaxweyne Cigaal โ€˜AHN โ€˜ wuxuu ka korodhsaday waayo-aragnimo shaqo iyo mid maamul oo wasiirka arrimaha gudaha ayuu u soo noqday.

= Madaxweyne Riyaale wuxuu ku ahaa mucaaradka ugu xoogga badan gaar ahaan madaxdii xisbigii Kulmiye, aakhirkiina waa kuwii isaga iyo Siillaanyo kursiga ka heleen.

= Madaxweyne Siillaanyo waxa ay SNM iyo Soomaalilaanba soo wada shaqeeyeen 1985-2017. Waxaanu ka korodhsaday waayo-aragnimo jabhadeed iyo mid maamul. Marka waxaasi oo waayo-aragnimo ah la isku daro, waa ta maanta keentay inuu si fudud mucaaradkiisii uga adkaado.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com