Mugdiga iyo mustaqbalka maxaa looga cabsadaa? (W.Q. Maxamed Cali Bile)

Habeenku wuu ka cabsi badan yahay maalinta, iyadoo laga yaabo in halistu badan tahay maalintii. Marka laga reebo xayawaanka qaarkii, wixii kale ee naftaada khatar gelin kara oo dhami maalintii ayay socdaan, haddii ay tahay dad iyo haddii ay tahay gaadiidba. Oo haddii dhibaatoo dhami ay maalintii joogto, maxay baqdintu u badantahay habeenkii marka ay madowdahay?

Nin aan saaxiibnahay ayaan maalin weydiiyey su’aashan. Waxaanuu iigu jawaabey “habeenkii markay madowdahay si fiican wax u arki meysid oo laga yaabee in meesha aad marayso uu qof fadhiyo geedka hoostiisa adna aanad iska arkayn”. Waxaan weydiiyay “haddii geedka aad sheegtay uu qof hoos fadhiyo dharaar cad miyaad ka baqaysaa? Wuxu yidhi “maya”. Haddaa maxaad habeenkii uga baqaysaa haddii uu qof hoos fadhiyo geedka?

Waxa cabsida keenay habeenkii markay mugdiga tahay maaha habeennimada, mana aha mugdiga. Marka ay meeshu iftiin tahay, ama ay dharaar tahay, taladu adiga ayay gacanta kuugu jirtaa. Balse marka ay mugdi tahay, talada wax yar ayaa gacanta kuugu jira amaba talo gacanta

kuuguma jirto e’ nasiib ayaad ku socotaa. Maalintii waxa aad arkaysaa dadka iyo gaadhiidka hortaada socda, kuwa ku weydaaranaya, kuwa kale oo meel taagan, cadceeddu dhinaca ay kaa xigto. Dhammaantood waxan kuu muuqdaa waad ka cabir qaadanaysaa. Waxa aad sii arkysaa waxa kugu soo socda, waanaad ka baydhaysaa, ama waad ka ordeysaa, ama waad u diyaargaroobeysaa inaad iska celiso haddii ay khatar tahay. Dad kale ayaa kuu soo gurmanaya xataa haddii aad halis gasho dharaartii.

Marka ay mugdiga tahay, waxaad ka baqaysaa waa in wax fajisiciso ihi kula kulmaan. Ninka geedka aad ag marayso hoos fadhiya dharaartii waxa aad arkaysaa dharka nooca uu xidhan yahay oo kuu sheegi kara inuu waalan yahay iyo inuu miyir qabo. Waxa kale oo aad arkaysaa inuu nin xoog weyn yahay oo khatar ku gelin kara, iyo inuu carruur yahay ama qof gaboobey. Habeenka madow se dhinaca xun ayaa wax kastaa kuugu muuqanayaan.

Mustaqbalka laftiisa waa laga baqaa sida mugdiga looga cabsado, waayo waxa soo socda ee uu wato ayaanaad garaneyn. Horta wax kasta oo noloshaadaa saamaynayaa waxa uu kaa jiraa dhinaca mustaqbalka. Markaa waa kugu qasab inaad mar kasta mustaqbalka ka fikirtaa. Baqasho wuu leeyahay oo waxaaba ku xidhan wadkaagii oo aad og tahay inuu kaa jiro dhinaca mustaqbalka oo wakhti kugu soo socda aad dhiman doonto. Noloshii reerkaaga, mustaqbalkii carruurtaada, imtixaankii aad gashey oo natiijadiisii aanaad weli ogeyn, baayacmushtarkaagii oo dhan ayaa natiijadiisu ku xidhan tahay mustaqbalka.

Bal waxaad ka warrantaa, haddii la sameeyo muraayad la xidhan karo habeenkii oo wax kasta sidii dharaarta oo kale kaaga dhigaysa. Dabcan maad cabsateen oo wax kasta oo kuu dhow iyo wax kasta oo kaa fogba waad arki lahayd. Dhibaatada kugu soo socotana waad sii ogaan lahayd waanaad ka sii gaashaaman lahayd oo meeshii aad ku socotey adoo nabad qaba ayaad gaadhi lahayd. Bal ka warran haddii muraayaddaa gudcurka dharaarta kaaga dhigaysa imikaba la sameeyey oo la adeegsanayo.

Diyaaraduhu habeenka madow inta ay cirka maraan iyaga oo xawli aad u sarreeya ku socda, ayay daruuraha iyo roobabka dhex jibaaxaan, oo markiiba boqollaal kun oo diyaaradood hawada ku wada jiraan haddana isma jiidhaan mana lumaan. Mid walbaa sida ay cirkaa madow u socoto ayay halkii ay ku socotey fadhiisataa. Diyaaradahaas habeenka madow socdaa iyaga ayaa ka khatar yar gaadhiidka dhulka socda dharaarta cad. Waxay diyaaraduhu haystaan wax la mida muraayadda aan sheegay ee ku sii tusaysa wax kasta oo kuu dhow iyo wax kasta oo kaa fog, sidaa darteedna inkastoy meel madow marayso haddana duuliyaha (pilot) wadaa diyaaraddu cabsi ma qabo oo ILAAHAY ka sokow  taladu gacantiisa ayay ku jirtaa.

 

Haddii cabsidii madowga xal loo helay, miyaan cabsida mustaqbalkana xal loo heli Karin?

Ka warran haddii aad leedahay karti aad ku garan karto mustaqbalka oo aad wax ku sii ogaan karto. Dabcan taa lafteeda cabsidu way kaa yarayn lahayd. Haddii masalan aad sii ogaan karto natiijada aad imtixaanka keeneyso, ama meesha aad aqoon ahaan gaadh kartid toban sannadood dabadood. Ama shaqada nooca aad dooneyso inaad ka shaqeyn doonto, amaba haddii aad tahay hoggaamiye dal ama ummadeed halka aad rabto inaad gaadhsiiso shan sannadood gudahood ad sii arki karto. Ka warran haddaad awoodaaba leedahay ama aad haysato wax kuu sahlaya inaad tidhaa “ummad yahay shan sannadood dabadood halkaa iyo halkaa ayaan idin gaadhsiinayaa, dhaqaalahana sidaa ayaan ka yeelayaa.

Muddo aan ku qiyaasayo illaa saddex sannadood ka hor ayaan daawaday barnaamij ka socdey TV Soomaalilah oo ka warramaya xiddigiska iyo sida Soomaalidu xiddigaha uga sii garan jirtey waxa ku soo socda. Weriyihii barnaamijka daaddihinayay waxa marka an iminka dib u fikirey uu iila eekaa Abdi Good. Weriyaha kolba waxa u soo dhaca tilifoon ay soo dirayaan dad TV-ga daawanaya oo ku leh, waar waad danbaabeysaa ee qeybka waxba ha ka sheegin, ILAAHAY mooye qofna ma oga waxa soo socda e’.

Dadkaa tilifoonka soo diraya qaarkood London ayay ka soo dirayaan. Anigii ayaa yaabay oo idhi “dadkani miyey is yeelyeelayaan mise ogaal la’aanta mustaqbalka ka haysa ayaa waxan oo cabsi ah ka keentey?  Waa dhab oo ILAAHAY mooyee cid wedka sii ogi ma jirto. balse wax kasta oo kale waa la sii ogaan karaa. Sowtan TV-gu sii sheegayo asbuuca soo socda oo dhan sida ay hawada London noqon doonto ee qofku u sii diyaar garoobayo haddii ay dhaxan tahay ama haddii uu roob imanayo saddex maalmood ka dib. Sowtan malaayiinta qof meelaha qaarkood laga daad-guraynayo ee la odhanayo maalin heblaayo duufaan baa meel heblaayo ku habsanaya.

Mustaqbalkaaga iyo mustaqbalka ummaddaada inaad ka taliso aqoon iyo niyad ayaa kaa xigta. Caqli iyo maskax ayaa la isu geeyaa, oo macluumaadka sii shiili kara, oo kala shaandhayn kara oo ka soo saari kara sawir si cad kuu tusaya sida ay wax noqon karaan, ama se si sida aad ugu dhow. Wax kasta oo qalin iyo buug loo qaato si cilmi lehna looga doodo, natiijo wanaagsan baa ka soo bixi karta. Wixii tegey way tegeen oo tiigsimaad ma laha, marka laga reebo sida ay muhiim u tahay inaad cashar ka barato oo meelihii aad wanaagga kala kulantayna sii adkayso, meelihii aad qaladaadka ka samaysayna isku daydo in aanay mar kale kuu dhuuman e’ aad ka diyaar garowdo.

Marka horumar dal iyo ummad laga hadlayo, waxa maanta jooga wax yar baad ka qaban kartaa ama se waxba kama qaban kartid. Waxaad arkaysaa waa natiijadii wax soo bilaabmey xilli hore. Waxa maanta jooga waxa keliya ee aad ka qaban kartaa waa inaad iska ilaaliso in aanay khasaare badan kuu keenin iyo inaad dhinaca faa’iidada lehna sii balaadhiso. Waxa se gacantaada ku jiraa waa mustaqbalka oo u baahan in aanaad marti u ahaane, ee

aad adigu sidaad rabto u xukunto. Waxa muhiim ah inaad leedahay Kambas (Jiheeye) kuu sheega dhinaca aad u socoto inuu yahay dhinicii saxa ahaa iyo inuu yahay dhinac kale. Waxaad u baahan tahay inaad leedahay wax kuu sheegaya inaad xawligii aad rabtey ku socoto iyo inaad gaabineyso si aad isu la hesho meeshaad ku socotey iyo wakhtigaad ku talo gashey inaad ku gaadho.

Haddii aad tahay arday jaamacadda dhammaynaya waa in ay si cad kuugu muuqataa halka aad dooneyso inaad gaadho shan sannadood gudahood. Haddii aad ganacsade tahayna waa inay kuu qorshaysan tahay halka aad dooneyso inuu ganacsigaagu gaadho muddo ad qabsatey ka bacdi. Haddii aad hoggaamiye ummadeed tahayna, waa inay kuu caddahay oo aad sii sheegi kartaa halka ummaddaada iyo dalkaagu gaadhayo wakhtiga muddo ad qabatey, ka soo qaadba shanta sannadood ee soo socda. Haddii aanaad hadafyadaa si cad u sii sheegi Karin maanta, waxay u badan tahay in aanaad hadafkaa marna gaadheyn.

Maxamed Cali Bile