Muhiimadda qiirooyinka (Emotions): WQ: Mukhtaar Axmed)

  • Erayga “Qiiro” marar badan ayaynu maqalnaa dad badan oo leh ‘’ waan ka qiirooday arrinkaas” waa dareen muujin qoto dheer oo la xidhiidha fal dhacay oo u badan xaalado xun iyo wax kaa yaabiyaba. In badan waxa laysku qalddaa qiirada iyo murugada, murugado waa dareen xanuun leh oo ka dasha dhibaatooyinka nolosha innaga soo wajaha ee ka midka yihiin geerida, xanuunka iyo dhibaatooyinka kale ee noloshu keento. Qiirada waxa aad loogu adeegsadaa ka xumaanshaha wax ku dhacay qof kale, waxa aanay noqon kartaa dhibaato dhacday amma wax la xidhiidha qof sameeyay fal wanaagsan amma mid xun oo aad loogu farxmo amma laga xumaado.

Cilmiga kasmo nafeeddaa amma cilmi nagsiga erayga qiiro ( Emotion) waxa uu ku macnaynaynaa isku ururka dareemayaasha la xidhiidha dhanka nafsadda ee ka mid ka midka yihiin murugada, farxadda. Cadhada iyo ciishoodka. Dareemayashani waxa ay ka turjumayaan fayo qabka maskaxeed ee qofka. Haddii qofku uu fayow yahay maskax ahaan waxa hubaal ah inuu muujiyo qiiro la xidhiidha hadba waxa lasoo gudboonaada ha samaado amma ha xumaado e’. Tusaale ahaan haddii aad la kulanto shay kaa farxinaya oo aad farxi waydo waxa suuro gal ah in lagaaga shakiyo inay wax kaa si’ yihiin, sidoo kale waxa suuro gal haddii shay laga xumaado amma laga murugoodo aad ka murugoon waydo in  iyadana ay shaki badan keenayso.

Horumarka laga sameeyay cilmiga nafta ayaa in badan lagu faalleeyay waxybaabo badan oo la xidhiidha nafta iyo waxyaabaha soo wajaha. Hadddaba maqaal dheer oo lagu daabacay shakabada ( Verywell mind) oo ah shabakad la faloota arrimaha nafta, caafimaadka iyo qoyska ayaa lagu daabcay maqaalkan aynu ka hadlayno ee ah u jeedka iyo muhiimadda qiirooyinka ( Purpose and inportance of emotions) linkgaxa maqaalka.  (https://www.verywellmind.com/the-purpose-of-emotions         2795181#:~:text=A%20Word%20From%20Verywell,meaningfully%20in%20our%20social%20worlds.)

Ugu horrayn maqaalka waxa lagu xusay in muhiimadaha waawayn ee ay qiirooyinku innno leeyihiin ay ka mid yihiin “ in qiirrooyinka innaga caawiyaan go’aan qaadashada, fahmidda xaaladaha innagu xeeran, ka felinta fal xun amma wanaagsan iyo qaar kale oo badan” si haddaba si wananagsan loogu fahmo waxay ay dhab ahaan yihiin qiirooyinka waxa habboon in la fahmo qaybaha kala duwan ee ay leeyihiin qiirooyinku;-

  • A subjective component( Sida aynu ula falgalnno Qiirada)
  • physiological component( Sida jidhkennu uga fal celiyo Qiirada)
  • An expressive component (Sida aad u dhaqanto ka fal celinta Qiirada)

 

Qiirooyinku waxa ay innagu dhiirriyaan in aynu ficil samayno ( Emotions Can Motivate Us to Take Action)

Haddii kusoo wajaho imtixaankaagii ugu dambeeyay amma xaalad adag oo dhibaato u geysan karta noloshadaa markaaba waxa hubaal inaad go’aan qaadato kaas oo keensanaya inaad ficil samayso aad kaga hor tagayso inaad imtixaankaas ka gudbi waydo amma in xaalad xumu ay kusoo wajahado. Tani macnaheeda ayaa ah inaad ka murugsan tahay inaad imtixaanka ku dhacdo, saas awgeed waxa aaad samaysaaa inaad ficil qaadato aad dadaal badan samayso si aa u baasto imtixaanka sidoo kale, xaalad kugu soo wajahan ayaad ka hor tag u samaynaysaa si aanay xaaladdaasi kuu wax yeellayn. Sidoo kale haddii aad aragto fal xun oo agtaada ka dhacaya waxa hubaal ah inaad ka xumaato markaasna waxa aad samaynaysaa ficil aad kaga hor tagayso xaaladdaas agtaada ka dhacday.  Sidoo kale, haddii aad doonayso inaad samayso fal wanaagsan kaas oo aad u aragto inuu yahay mid ay ku duugantaha sumcad iyo xushmad, waxa aad badanaa ka dheeranaysaa inaad samayso fal khaldan oo bulshadu si taban uga falceliso.

Qiirooyinku waxa ay innaga caawiyaan in aynu badbaadno, hore u soconoo isla markaana uga fogaanno khataraha ( Emotions Help Us Survive, Thrive, and Avoid Danger)

Dabeecad yahaynkii jaarles Daarwin ( Charles Darwrin 12 February 1809 – 19 April 1882) waxa uu aaminsanaa in qiirooyinku ay yihiin wax lala qabsado taasoo aadanaha iyo xayawaankaba u sahahasha inay ka bad baadaan khataraha. Mar kasta oo aynu cadhoono waxa aynu ku dhiirranaa in aynu ka takhalusno waxa aynu ka cadhoonnay sida in aynu samayno gacal ka hadal iyo muujinta waxa laga xumaado oo ah cayda iyo aflagaaddada. Marka oo aynu kalanno cabsisana waa marka kasta oo aynu ka cararno amma iska difaacno waxa inna cabsi gelinaya oo ah bahalo iyo bani aadam doonaya inay nafaheenna galaaftaan. Tani macnaheeda ayaa ah in waxa innagu riixaya ka firxadka cabsida iyo dagaalkaba ay yihiin qiirooyinka. Aadamaha iyo xayawaankuba waxa ay ka siman yihiin qiirooyinka qaarkooda ka midka yihiin cabsida iyo cadhada.

Xayawaanku waa ay yaqaanan bahalka khatarta ku ah naftooda, sidoo kale aadamuhu waxa uu garanaya wax kasta oo khatar gelin kara nafsaddiisa. Waxa suuro gal ah in dood laga keeno libaaxyada iyo bahalaha kale ee khatarta ah in la rabbeeyo oo laga dhigto dab joog. Waana sax in bahalo badan laga dhigo dad la joog, waraabaha oo Soomaalidu ka aaminsan yihiin in aanu rabbaayad noqon ayaa la arkay isagoo sida bisadaha bani aadamka iskala nool. Waana dhab in xataa jiirka iyo noolayaal yar yarba sida shimbiraha ay dadka qaarkooda ka dhig dab joog. Tani ayaa ah in noolayaasha laga dhigi karo kuwo la nool aadamaha. Cilmiga nafta waxa jira wax loo yaqaan “Saamayn iyo la qabsi” Influence and adaptations” kuwaas oo ah noolaha waxa saamaynta ku leh uu yahay deegaanka iyo siduu usoo korey.

 

Qiirooyinku waxa innaga caawiyaan in aynu go’aan qaadanno ( Emotions Can Help Us Make Decisions)

Qiiroonyinku waa ay saamayn taban iyo mid toganba ku leeyihiin go’aaannada aynu qaadanno, go’aanku waa waxybaaha ugu adag ee bani aadamku qaato. Waayo cidna ma oga natiijada ka dhalan karta go’aan qaadashada ka dib. Saas awgeed dareennada kala duwan ee farxadda iyo muragadu waxa iinagu riixayaan in aynu go’aan qaaddano. Tusaale ahaan maamulaahaga goobta aaad ka shaqayso ayaa waxa uu maalin kasta kaala dul dhacaa canaan joogto ah, wax aad samirtaba maalin waxa imanaysa aad go’aan ka qaadato sida inaad meesha uga taagto amma aad cid dacwad u gudbisato. Sidoo kale haddii maamulahaagu ku ammaano oo uu kaa farxiyo waxa aad go’aan ku qaadanaysaa inaad wanaajiso isagana isla markaana aad shaqada si wanaagsan u qabato.

Qiirooyinku waxa ay dadka u sahlaan inay inna fahmaan ( Emotions Allow Other People to Understand Us)

Marar badan iyadoo jawigu kaa qasan yahay oo aad is leedahay is qari, asxaabtaada iyo ehelkaagu ma ku waydiiyeen waxa kugu dhacay ? xaaladaheena nafeed badanaa maaha kuwo la qarin qaro, indhaha iyo wejigaba waa kuwo laga dheehan karo. Dadka bartay aqoonta cilmiga nafta waxa suuro gal ah inau kuu sheegan nooca xaalad ee ku haysta, sida in lagaa xanaajiyay, arrimo qoys inay ku haystaan iyo in dhibaato kaleba kugu timi. Afka jismiga ah ( Body language) waxa uu sahlayaa in la garto nooca xaaladeed ee aad ku sugan tahay. Haddii aanay qiirooyinku kasoo bixin lahayn jidhkeena waxa suuro gal ahaan lahayd in aanay cidina inna fahanteena isla markaana waxa hubaal in ay dhibaatooyin badan oo nafsiini ah ay inna soo gaadhi lahaayeen.

Dhanka kale, arrinkani waxa uu dambi baadhayaasha iyo bahda caafimaadkaba u sahlayaa inay inna fahmayaan xaaladda aynu ku sugannahay, qofka dakhartarka ah badanaa waxa aynu aragnaa isagoo indhaheenna eegaya iyo guud ahaan jidhkeenna si uu uga arko sifo la xidhiidha waxa uu innaga baadhayo, sidoo kale qofka dambi baahdhaha ahna waxa uu badanaa u fiirsadaa qaabka aynu indhaha u dhaqaajiyo iyo gacmaha kuwaas oo ka turjuma in qofku been sheegayo iyo in kale. Waxa iyana xusid mudan in marka aynu farxad muujinno ay dadku innala farxaan oo ay innoogu hanbaleeyaan farxaddaas sidoo kale haddii aynu murugsannahay dadku waa ay innala qaataan oo waxa innala wadaagaan oo innagu garaab galaan in aynu kasoo kabanno murugtaas.

Qiirooyinku waxa inno sahlaan aynu fahanno dadka kale ( Emotions Allow Us to Understand Others)

Badiba dadku waa ay ka fal celiyaan xalaadaha kala duwan ee nolosha innagu soo mara, tani waa caksiga ciwaanka hore oo sida ay dadka kale u fahmayaan qiirooyinkeena aya innagu u fahanna qiirooyinkooda taasoo ee keenaysa in aynu go’aannadeedna ku salayno hadba xaaladda uu ku sugan yahay qofka aynu doonayno in aynu la macaamilno.  Waxa jira siyaabo kala duwan oo aynu dadka u farxad gelinno amma murug iyo dhib u gelino. Tusaale ahaan, waxa jira dad badan oo aan u fiirsan xaaladda ay dadku ku sugan yahay, waxaana dhacda in qodku ku dhawaaqo erayo qofka dhibaato u keena, sidoo kale waxa dhacda in qof uu qof kale meel fagaaraha ku ceebeeyo isagoon ka war qabin dareen gudeedkiisa. Haddaba qofka bani aadamka mar kasta kuma sugna xaalad goonni ah, waxa suuro gal inaad saacadba aad qabto dareen gooniya, waxa innnaga gudboon in aynu ka warqabno xaaladaha uu qofku su sugan yahay.

Ugu dambeyntii, maqaalka waxa lagu soo idleeyay, qiirooyinku waxa ay saamayn taban iyo mid toganba ku leeyihiin nolol maalmeedkeenna, maalin kasta waxa aynu ka kulannaa xaalado inna farxad geliya iyo kuwa inna murug geliya sidoo kale waxa aynu ka kulanna dad ay iyaguna ku sugan xaaladana kala duwan. Soomaalidu waxa aad is odhanayaa waa dadka ay ku adag tahay inay muujiyaan qiirooyinka kala geddisan, tusaale ahaan ninka ragga ah haddii la ooyo arrin qabsaday oo uu ooyo waxa loo arkaa astaan liidasho iyo jileecnimo ah. Sidoo kale lamanayaasha waxa suuro gal ah in aanay muujin dareen farxadeed oo jacayl ah.

Si kastaba qiiradu waxa ay door wayn ka qaadata nolol maalmeedkenna, qiiradu waxa ay sahlaysa in ka garto dadka innagu xeeran xaaladaha ay ku suganyihin iyo weliba kuwa aynu innagu ku sugannnahay. Sidoo kale qiirooyinku waa kuwa sahlaya in aynu qabanno dambiilaha sidoo kalena sahlaya in aynu garanayo qofka dhibka iyo muragu haystaan. Si kastaba waxa loo baahan in aynu aa aad ugu dhug yeelanno qiirooyinka kuwaas innoo leh muhiimadaha badan ee ay innoo leeyihiin.

W/Q: Mukhtaar Axmed.