Mullaaxda galool Yaa Maydhax looga diiraa? Q1aad (WQ: Xasan Cabdi Shire)

Qaaybta koowaad ee Taxanaha Sheeko Waayeed.  

Degalka iyo degaanka Samo-wanaag waxaa uu ka midyahay kuwa ugu sheekada badan magaalooyinka ku teetsan geeska Afrika ee xiga badda cas iyo badwaaynta Hindiya, magaca Samo-wanaag si fudud taariikh ahaan kuma bixin, waxaase muddo isku hawlay oo tacab iyo tiigsi labadaba geliyay dad kala duwan oo isugu jira: cuqaal iyo waxgarad, indheer-garad iyo waayo arag, dadkaas  oo maskaxdooda tuujinayay sidii ay degaanka aanu ku kornay lagu hilaadin lahaa daymo wanaagsan iyo magac xambaarsan xikmadaha laga dhaxlo iyo hibooyinka Alle ku hodmay Samo-wanaag, sababtaas ayaa jiilashii naga horeeyey isugu ladheen waqtigana u galiyeen in loo bixiyo Samo-wanaag.

Waa goob nabadeed magaalada Samo-wanaag, dadku habeenkii isugu soo hoydo oo loo doorbido in ay tahay hoy iyo goob  xasilloon, waa madal hiddaha iyo dhaqanka lagu lulay laguna cagaariyay. Waa goob degan oo dad gob ahi afkaa ka joogaan ama deegaan ku yihiin, qofna gaar ku eegi maayo hadaanad adigu kasban oo aanad durbaano u tuman ilaaq iyo maag, martida xeerin iyo xigaal labadaba waa lagu sooraa laguna soo dhoweeyaa.

Degal kani  aniga iyo dhowr qof oo kale muddo ayaan ku negayn, waa tobannaan sanno oo u dhigma inta lagu negaan karo magaalo nabdoon iyo gob sooryo leh, Warsame ahaan waxaan  ula baxay  Degma-bila marka la eego sida ay u dhistay noloshii dadka degan iyo kuwa soo gala ama u godoshay maanan ku negaa xasilooni darri badan. Samo-wanaag dhankasta waa ka koraaysaa waana ka wanaagsan tahay sanadba sanadka ka dambeeyaa. Xalay intii u hoyatay waa deegaan oo dadku u siman yihiin, gaadiidka iyo koriimaadka dadku waa isla tartamayaan waxaayna u korayaan si xaawli ah waana jaantuska iyo cabirka  dadku isku-tusaan xawliga dhanka koriimaadka magaalo, da’yartu waa qaar ku niyad san goobtaas iyo qaar u hanqal taagayaa geyi aanay ku tabcin.

Waxaa la yagleelay goobihii bulshada oo si siman loo sameeyay, waxaa jira kulamo xiiso badan oo dhalinta iyo akhyaarta kale isku wareeyaan, taariikhda koraysa iyo kuwa la ilaabay waa is-barbar socdaan oo dadka waxaa culayska saaray sidii  qofkasta dantiisa u gudan lahaa, goobaha shaaha lagu cabbo laguna sheekeeyo waa sii yaraanayaan maadaama duruufta magaalo sii koraayso aanay, koobocaasina aanu u ogolaanayn sii caadeysigiisa suuqyada iyo caadaysiga fadhi ku dirirku, sidii magaalo cadadeed ahaan jirtay dhaqaalaha waa isu dheeli tiranyahay oo dakhligu ma xuma lakiin kharashaadku waa u dhigmaan, xanuunada ay keenaan dhaqaala xumida iyo werwerka dhaqaala xumidu waa baddaas, waxaase lagu niyadsan yahay horumarka kale ee lagu dabiibo duruuftaas nololeed iyo caafimaad.

Aniga iyo xildiid waxaanu ka mid ahayn dadka ku barbaaray Samo-wanaag ama Degma-Bila muddo dheer, sidoo kale waxaanu nahay  sheeko wadaag aan is-la gaadhin heerarka sir wadaaga iyo talooyinka qotada-dheer, waxaanu inta badan hanka iyo hiraalka ku wadaagi jirnay sida doobiga caanaha oo kale, dadnimo ahaan iyo mustaqbal ahaanba waanu isla sarreynay, kiiyoo aan  qof kale weligeed noo sheegin inaanu ku haboonahay ama wanaagsanahay halka aanu gaadhi doono, dhulku ha ku dambeeyee, cirkaas ayaanu isla maraynay, sheekooyin xiiso badan ayaa na dhexmari jiray han-wadaagtaydaas, ismaanu aamini jirin waayo isku had iyo dan labada waaanu lahayn, ismaanu nici jirin waayo dadka oo dhan ayaanu iskala qabsareynay.

Bar-kulanka gurmad  waxay ka mid tahay halka aanu ugu han sarreynaa inaanu gaadhno waayo waxaanu moodi jirnay  inaay tahay lu’lu’ii aduunka ee lagu helay si fudud, Xildiid mooyidiise, anigu waxaan dalka kala saxiib ka dhigan jiray inta kuso kortay ama kusoo barbaartay maskax ahaan iyo aqoon ahaanba cilmiyada Gurmad, Xildiid xoogaa ayuu iiga aqoon badan yahay hiraalka Gurmad, maalin  taariikh dheer ayaa Warsame ahaan waxaa maskaxda soo abaaray su’aal badan oo ku saabsan Gurmad,  waxa isla markiiba dareen celin ka sameeyay caqligayga aan Alle ugu mahadnaqo, waxaana ka helay jawaab ah inaan la kulmo Xildiid si’aan u fahmo micnaha iyo hadafka Gurmad.

Intaanan maskaxda ka saarin fikirkaas waxaa dhegtayda kusoo anbaday codka iyo dananka cod-laliyaha aan leeyahay kaasoo aan  igu soo galin baryo iyo kaalmo midna ee aan ku gatay maalka kooban ee aan xoogsaday, waxaa aaladaas hal’abuurtay shirkadda Nokia, degdeg ayaan u boobay halkii aan kaga imi, waaba ninkii Xildiid ahaa oo aad u doorbidaya inaan is-aragno, aqbal iyo ogalaanshiyo ayaan kala hor imi, markii aay gaadhay saacaddii kulanka Xildiid, waxaan dhexda iskaga caymiyay shaadh aan u aqaano kan xafladaha lagu tago iyo surwaal igu cusbaa waxaan ku dhuujiyay cayn aan muddo ku koornaa, markii aan gaadhay halkii balanku ahaa, waxaan ugu tegay Xildiid oo iga sii horeeyay muddana  ii dhowraayay, is-gacan qaadnay oo sheeko dhaadheer is-waaydaarsanay, dhanka xildiid waa sheeko wadaag hadafka uu halkaas u yimi, dhankaayga waa sheeko wadaag iyo baahi aan u qabo xog-ogaalnimada guud, waxaase iigu daran inaan waydiiyo arrinkii Gurmad, marka hadalkii Xildiid soo dhamaaday dhankaygana usoo wareegay sheekadu ayaanu uga bilaabay “war horta Xildiid Gurmad maxay ahayd oo maxay qabataa?”, Xildiid jawaab aan meel fog laga doonin ayuu iigu jawaabay  si kooban ayuu sheekadan iigu bilaabay:

Lasoco qaaybta labaad………..