Munaafiqiinta casriga ah (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Rayiga aan soo jeedinayaa khaladna wuu noqon karaa saxna wuu noqon karaa.

Horta dadka bani’aadamka qof walba fidrada ayuu ku soo dhashaa, laakiin laba qolo ayuun baa karkaarka waydaariya- shayaadiinal-jin iyo shayaadiinal-insi (gaalada iyo basaasiinta, basaasku waa munaafaqa casriga).
Hadaba hadii aynu wadankeena usoo daadagno, barigii hore waxa karkaarka waydariyay niman shuyuukh usoo sheegtay oo jinka ku adeegsanaayay, maalin anoo jamaaco tabliiq ah la socda ayaan arkay mid raama leh oo maqaam sii galaaya inta uu na soo eegay ayuu yidhi maanaad igu soo duusheen, waxaa nala hadlaayay wixii raamaha u yeelay.

Maanta dadkeenu diintii aad bay u barteen way kala yaqaanaan cida jin ku shaqaysata iyo cida kale, aad bay u barteen diinta oo maanta xagaa lagu qaldimaayo haddii dadkeenii hore loogu qalday. Nimankii dadkii hore sidaa ku lumiyay maad u malayn inay iska fadhiyayaan, maya waa habeenkii xalay ahaa oo tagay. Mar hadii khidadaas ka fashilantay dagaalkii way badaleen oo dhinicii kale ayay xoogeeyeen.

Waxay aad u xoogeeyeen shayaadiinal insi oo ah gaalad iyo basaasiinta(munaafaqa casriga), maxaan usoo taagnaa inan yar oo wadaad ahaa oo basaas laga dhigay sidii horena safka hore ugu tukada laakiin maanta dacwada iyo ehelkeeda la col ah masaajidadana ku dhiba ama lagu dhex beeray, maalin baa Sheekh kashki uu u ducaynaayay masaajidkiisii markaas ayuu yidhi illaahay ha u naxriiso safafka dambe iyo kuwa dhexe, markaas ayay dadkii ku yidhaahdeen sheekh safka horena ku dar wuxuu ugu jawaabay waa kuwa wararka naga qaada kuwa safka hore.

Hadaba hadii aan mawduucii ku soo noqda maanta aniga aragtidayda waxaan odhan karaa dacwada la halgamaysaa labadaa kooxood ee shayaadiinal jin iyo shayaadiinal insi (gaalada iyo basaasiint oo ah munaafiqiinta casriga ah) ayaa la odhan karaa dariiqii ayay ku dhawdahay, laakiin dacwada labadaa shayaadiin koox la halganta lama odhan karo waa dacwad dhamaystiran laakiin waa dacwad boqolkiiba konton ah.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray oo Soomaali iyo Ingiriisi ah:

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

 

Nur.hersi21@gmail.com