Waxay ahayd dabayaqadii sanadii sideetameyadii, waxaan ka mid ahaa dhalinyaro ku dhalaty wadan gabi ahnba ay burbureen kabayaashii nolosha dhamanteed haday tahay caafimadkii, waxbarashadii, kabayashii dhaqaalaha ,iskabadayoo waxaa laysugu yimi in la helo amaan iyo inaanu sii nolaado ,Waxaan ka qaxay guryahaygii oo camiran waxaan tagay dhul shisheye oo aan ku noqday qoxonti, waxay dad kale dhaxleen hantidaydii aanu tabcanaynay boqolaal sano iyo in ka badan.
Guushii nasriga alle kadib sanado badan waxaan ku soo noqday dhulkaygii hooyo iyo ciidaydii xooga laygaga saaray waxaan imi magaladaydii u iftimi jirty sida cadceeda oo noqoty dudumooyin bahalo galeena oo aad moodo inaan cidi ku nolaan jirin waxayna taariikhda ku gashay inay noqoto magaladii ugu horeysay ee inta diyaradihii loogu talo galay inay cadawga ka ilaaliyaan ee fadhiyey garoomada magalada dhexdeda intay kacaan inay duqeeyaan isla magaladii ay ka kacen ee hoyga iyo gabaadka u ahayd .
Waxgaradkaygii iyo indhergaradkayagii waxay sameyeen isu tanaasul badan iyo laga midaysanado in layesho hanaan iyo haykal dawladnimo ay ku dhehan tahay walaalnimo iyo isjacayl ilahayna wuu inagu guleyey.
Waxaa da,ay roob horumarineed waxaa u bilaabmay sida hilaaca waxaa is badalay jawigii dhibaatada la soo maray, Waxaa bilabmay dhismayashii dhulkii dun dunsanaa waxaa samaysmay suuqyadii ganacsiga kuwaas kor u qaday kabayashii dhaqaalaha, heerkii nolosha iyo kii waxbarashadaa kor u kacay.
Sannado kadib waxaan ku nolahay caasimad aan ka heli karo dhamaan waxaa laga helo caasimadaha addunka waxaan nasiib u helay inaan caasimadii dudumada ahyd aan ka galo waxbarashada fasalka kowaad aniga iyo intii ila eyniga ahayd xamdi alle dabadii manta waxaa ka dhisan boqolaal iskuul, darsin jamacadaha lagu barto culuumta kala duwan ee waxbarashada heerka sare adeega isgaadhsinta oo ah mid qiimo jaban aad ku heli karto, taas oo ay u dheertahay in arday badani ka dhigtaan jamacadaha addunka oo qaar kood u jiraan kumanaan Miles iyagoo adeegasanaya adeega internetka.
Hadaba xili waliba rageed leh dhibaatoyinkaa iyo xalaadaha adag rag ayaa kala soo dabashay somaliland soona gaadhsiyey meel caalamku ma jeerto laguna tilmaamo xidigta dimuquradiyada ee Geeska afrika.
Maanta dalkena waxaa ku soo badanaya maalgashiga caalamiga ah oo run ahaantii ah horumar la taaban karo oo inoo soo korodhay inagana dhigaya in wadamo badan oo kale inagu soo dhiiradan dalkenan dihin ee ay ka buuxan khayradka bad iyo bariba , sidoo kale waa in laga foojignaada maalgashiyada ay waxtarkooda ka badan tahay waxyeladooda kuwaas oo sababi kara dhibaato bulsho ,mid dhaqaale iyo siyaasadeed
Ugu dambayntii waxaan ku talinayaa si aan u gaadhno horumarka aan higsanayno waa inan ka foojignaan cadaalad darada, eexshada qabiilku ku dhehan tahay iyo ka faa,iidaysiga kursiga oo loo isticmaalo sidii laguugu igmaday sifo baal marsan,lana dhiiri galiyaa dhalinyarada aqoonyahanka ah ee dalkoda wax u soo barty kuwaas oo laga qayb galinayo fursadaha shaqo ee ay soo kordhiyeen maalgashiyada dhawanahan dalkeena ku soo badanaya.
WQ: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)
(MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University
00252-634241542