Muqdishadii aan tagay iyo wixii aan kusoo arkay! (WQ: Kamaal Axmed Cali)

Waxa aan ku arkay laba arrimood oo aad u togan, haddii laga faa’iideeyana wax badan lagu dul dhisi karo:

1. Ganacsi xooggan iyo dhaqdhaqaqaaq dhaqaale oo aad u diirran.

2. Dadka oo niyaddoodu aad u sarrayso, berri ifaysaa u bidhaamayso, aaminsanna in maalin kasta tallaabo hore loogu qaadayo dhinacyada horumarka dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeedba.

Waxa kale oo aan ku arkay hal arrin oo taban, haddii aan laga hawlgelinna dib u dhac keeni kara:

1. Inkasta oo ay jiraan duruufo amni oo adag, tallaabooyin badanna laga yaabo in aad ka garowdo marka xogogaalku kuu warramo; Haddana waa culays in jidadka muhiimka ah ee magaalada dhammaantood lagu jaro kaabado. taas oo dhib ku keentay isu socodka.

Haddii aan lala iman qorshe amni oo aan ahayn xayiraadda dadweynaha iyo kala xidhista magaalada waxa ay khatar u yihiin in ay dadka iyo dawladnimada iska hor keenaan / is nacsiiyaan.